SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
Kursiga madaxweynenimada Soomalidu ma kabohii cagba cagta ahaa baa mise qamiiskii kor iyo hoosta rogan jeebabka ku lahaa oo Suudaan laga sheegi jiray baa?

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

July 23, 2003

Asalaamu calaykum.

I  I  D  H  E  H

KAAH

 

  • Ina Sanweyne hadduu joogi lahaa ilmo Zenawi wax uma socdeen.

Ilaah baa mahadleh Caalamiinta Rabbigood ah. Nabadgelyo iyo Naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

“Qufullada furahooda oo kaliya ayey aqbalaan” haddaad isku daydo inaad furto waa inaad jabiso haddaadan furihii saxda ahaa hayn. Qoomka Soomaaliyeed oo raba inay qabqablayaashu hogaan qabtaan ka warrama?

Waxaad maqlaysaa Xamar kaliya waxaa ka kala dhacay mudoharaadyo qaar lagu taageerayo heshiiskii 5-ta bisha ee Mbagathi qaarna ka soo horjeedo. Yaa saxiixay?

Bal aan soo qaadano geela oo ay qabqablayaasha iyo Soomaalida kalaba yaqaanaan. Gudcurka marka geela la maalayo waxaa adag in ubadka yar yar lakala garto marka waa la iska soo daayaa ilayn hashii baa garanaysee. Waa adagtahay in hal ogolaato inuu nuugo ubad aysan dhalin.

“Kursiga Soomaalida” mahad ha gaarto saa isagaa naga caqli badan markuu qabqablayaashii u furmi waayey. Waxaad arkaysaa dad Soomaaliyeed oo qaarkood diin soo barteen oo jaamacado kale ka soo baxeen oo qabqable bad iyo baxar soo gubay taageersan. Haddaad tiraahid maxaad ku taageertay wuxuu ku leeyahay qolo hebloba tanagaas bay taageertaa!

Waxay garan la’yihiin ma Ilaahay baa ku yiri qolo hebla ku dayo. Haddayse qolo hebla tanag doorteen adigu ma jirigaan baad keensan. Kolay haddaad qolo ka xanaaqaysid maad qof caqli leh keensatid. Waxaan arki jiray qabqable dabosocoto caayi jirtay Carabaha sida Yaman oo kale laakiin hadda ammaanaya maxaa isbedelay? Qabqablahoodii baa hadda tagtaga. Iyagu waa gabal-daye, qabqablahooduna waa cadceed.

Miyaanan nala oran ha noqonnina “imcah” xoolo oo kale oo aynaan oran haddii dadku wanaagsanaado waan wanaagsanaanaynaa hadday lumaanna waan la lumaynaa laakiin la yiri haddii dadku wanaagsanaado wanaagsanaaada hadday lumaana idinku wanaagsanaada. Xaddiis micnahaas oo kale leh waxaa weriyey At-Tamrmidi oo leh waa Xaddiis Xasan ah oo qariib ah. Laakiin inaad tiraahid sida laga sheeko dhaqamada kale “if u go Rome do what Romans do”. Waxaa la rabaa if u go Rome do what muslims do. Soomaalidu waa iyaga dhaha haddaad meel laga indho la’yahay tagtid adna il iska rid! Waxay ka wadaan haddaad tagtid meel laga diin la’yahay adiguna diinta ka tag. Qolyahaas bay ku raaceen.

Maahmaahdaas waxaan sheegnaa markaan rabno inaan xumaan bannaysano. “Haddaan dhinaceenu naar doonayn” maan marka aan dhulka Islaamka joogno samayno waxa muslimiinta saxda ah sameeyaan? Waxay mooddaa inaan leenahay haddaan ku jirno qarnigan waa in waxa reer Galbeedku sameeyo aan samaynaa dhib maleh meeshaad joogtid.

Laakiin haddaan kursigii ka dhigno kabahii laga samayn jiray shaaggaga baabuurta oo aan midig iyo bidix kala lahayn oo aad lugtaad rabtid kabtaad rabtid dalaq ku siisid. Suudaantana waxaa laga sheegaa qamiis korna jeeb caadi ah ku leh hoosna sidoo kale. Marka dhinac kasta oo ay ugashadaan ma rogna. Qof kasta ma gayaa kursiga Soomaalida? Haa haddii Zenawi qaalli ka yahay.

Qabqablayaasha iyagoon madaxweyne ahayn bay wadnaha noo galeen ee ka warama hadday rabaan inay madaxweyne nodaan. Sidii arigii buu hadduu rabo xero noo dhigin ama na daajin ama na qalan.

Qabqablayaashu inta dadkoodii silsilado ku soo xirxireen bay furayaashi Zenawi u geeyeen. Zenawina wuu liqay furihii markaasu sidii ciyaalkii inta gacan eber ah tuuray leeyahay wuxuu ku dhacay Soodare. Mayee Eldoret. Maya dabayl baa qaaday ee Mbagathi ka fiiriya. Marka macnuhu waa yaa i qali kara? Waa runtiis caloosha Zenawi ciyaar ciyaar fure loogama soo saari karo.

Qabqablayaashu ma caqli yara marka loo eego shacabka kale. Waxaa mooddaa inay akhristeen qisadii labadii nin ee midi caaqilka ahaa ee gabadha soo doonay. Marka aabbihii gabadha ayaa yiri waan idin imtixaamayaa ee kii baasa ayaan gabadha siin. Wuxuu yiri labadiina midba maalin ha raaco ariga marka waxaan rabaa markaad ariga keentaan in arigu hal mar uu gabrado/fariisto. Maalintii koowaad ayaa midkood arigii raacay. Wuxuu isku deyey in meesha ugu daaqsinta fiican geeyo. Hadba sidii uu barinkii ugu fiicnaa u xulayey buu arigii oo si fiican usoo dhergay xeradii ku soo ekeeyey. Ma xoolo dheregsan baad ka filaysaa inay iska fariistaan markaasay kala noqdeen kuwo hardama, orgi ariga orgayn ugu dhaqaaqday, iyo kuwo waxarahoodii u ciyaya. Ninkaas halkaas buu ku dhacay.

Kii abwaanka ahaa subuxii markuu raacay ayuu wuxuu u saaray cayro, maalintii oo dhan buu cayrinayey, wuxuu udiiday in uu neef hal geed afka galiyo. Ka dib buu makhribkii keenay isagoo ka ridaya. Arigii isagoon xeradii soo gaarin buu kuligiis wuxuu fariistay xerada banaankeeda. Halkaas ayuu gabadhii ku qaatay.

Hadda qabqablayaashii waxay Somaali cayrinayeen 13 sano oo ay ka dhigeen mid jaban iyo mid aakhiro u jiitay. Waxaad maqlaysaa bulshada aamusan! Maxay la hadlaan waa ummad sidii arigaas wadnihii afka joogo.

Marka shacaboow adduunyadii Soomaliya khaati bay ka taagantahay. Waxaa intaa dheer waddankan gogashu taal iyo Itoobiya oo dhul naga haysta marka waxay rabaan wax shacabka sida arigaas u raaca oo ka aamusiya hadal haynta dhulkaas. Qofkasta waa arkaa qowsaarka raba waxa abwaanku ariga ku sameeyey inuu dadka ku sameeyo. Qaarkood gobolladii ay ka yimaadeen edeb bay usoo yeeleen sidii arigii oo hal wado ayey ku rideen laakiin qolyihii Xamar arigoodii waa fariisin la’yihiin. Marka qaalligii aan sheekadii hore kaga soo sheekeeyey wuxuu gabadha siinayaa kan arigiisii socodkii gabay.

“Don’t try at Mogadishu”. Sheekadaas markay maqlaan yeyna qabqablayaasha Xamar isku deyin inay dadka sii ciqaabaan si ay kuwa arigoodii fariisiyey ugaaraan. Inkastoo arigaas maalin kaliya la ciqaabay laakiin abwaanku wuxuu usocday arrin ka muhiimsan oo ah gabar dhan oo timotidcan oo reera u joogta si uu naftiisa uga ilaashado xumaanta. Waana arrin loo garaabi karo. Waxaa hadda arrintaas lagu mithaali karaa qofkii khalad yar gala si uu wax ka sii fiican u gaaro.

Laakiin sidaan maqaalkii hore ku xusay geel-jiruhu gabadha ama dumarku qaymo uma leh oo waatuu lahaa:

Geerida haween guud la firo iyo guursi laga qaad. Waxay ku fiicnayd in qabqablayaashu dhahaan:

Geeridiisana (Zenawi) guuto maran iyo gaalshire laga qaad. Maxaa yeelay haddii Zenawi meesha ka baxo hub dambe helimaayaan waxaana la soo qaban waxaana la saarayaa maxkamad.

Yaa loo qaadan in aan jeclahay qabqablayaasha aan Zenawi taageerin. Kulligood waa isku mid. Laakiin waxaan tusaale ugu soo qaataa waa sidii dad Falastiin u dhashay oo taageera Sharon.

Jannada gaal ma galo. Muxuu Islaam qofka madaxweyne noqonaya uu shuruudda adag ugu xiray? Inaysan meesha khiyaamo imaan.

Sida culumo badan ay u dhaheen qufulka fure kasta ma furi karo oo waa in furuhu qufulka waafaqaa oo ilkihii la rabay leeyahay. Waa sidaas waxa Islaamku uu caddaalad,aqoon, Caqli, shaqo qabasho uu ugu shardiyey dadka wax xukumaya.

Sidii uu Amiin Caamir “cartoon”-ka ku muujiyey waa inay isku dayaan inay kursiga meeshuu ku jiro jabiyaan ilayn albaabada ka sokeeya qabqble uma furmayaane.

Ina Sanweyne hadduu joogi lahaa ilmo Zenawi wax uma socdeen.

WABILLAAHI TOWFIIQ

 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | July 23, 2003

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID


Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD