SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
Ma Kiplagat iyo Pat McEvoy Baan Dhexjoognaa?

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

June 15, 2003

Asalaamu calaykum.

 

I  I  D  H  E  H

KAAH

"Seeing Somali warlords as wolfhounds, and Somali pupils (in Columbus) as guinea-pigs for converting them to christians" 

Qab-qablayaasha oo loo arkay eeyda lagu ugaarto iyo arday Soomaaliyeed oo USA joogta oo loo arkay sida xayawaanka daawada iyo cilmi-baarista lagu tijaabiyo si loo gaalaysiiyo.

[eeg The NewYork Times]

Ilaah baa mahadleh, Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Ilaahay baa noo yeeraya oo leh war Islaamka soo gala. Waxaad tihiin ummadda ugu khayr badan. Xariga Ilaahay qabsada.

Nabi Muxamed (SCW) wuxuu yiri waddo kasta oo khayrka loo maro waa idiin sheegay, waddo kasta oo sharka idiin gaysana waa idiin ka digay. Nabigu (NNK) wuu runsheegay.

Qaacidadan waan wada naqaan: qofkii Ilaahay ka baqa cid kale kama baqo bal qofkaas ayaa makhluuqaadka kale ka haybaystaan laakiin qofkii aan Ilaahay ka baqin wax kasta oo kale ayuu ka baqaa.

Caawa qabqablayaashii Kiplagat bay marti Mbagathi ugu yihiin! Taloow haddii malaa’igtii Eebe soo diray ay qaarkood nafta ka diirtaan maxay dareemayaan? Soow mar hore niman walaalaheen ah oo shirka soo aaday oo midi Madaxweynanimo u sharraxnaa aakhiro ma aadin? Waa Aadan Gabyow iyo Dr Raajis. Ilaahay ha u naxariisto.

XAAFID QUR'AAN cFatax  
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


 
Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota

Waxaan wada ognahay in dadka uu Ilaahay sharfay. Soomaaliya carruur, dumar iyo cirroole ayaa maalinkasta xabbad lala dhacaa. Oohintooda iyo dhogar xumida ka muuqata, qabqablayaashu maalin kasta way arki jireen. Waxa saa yeelaya waa kuwo qab-qablayaasha u shaqeeya. Heer waxay gaareen ayna cidna u aabbo-yeelin.

Ilaah baan ku dhaartee waan ku faraxsanahay in qabqablayaashu ay Kiplagat hoos joogaan iyagoo dullaysan. Wuxuu u diro ma diidikaraan. Halkan saxiix. Saxiixan! Markay banaanka usoo baxaan oo ay wariyaasha horyimaadaan ayey ooyaan. Ma garankaro waxa soconaya, ninkaasi, Kiplagat wax nagala tashan ma hayo, siduu rabo ayuu yeelaa.

Adigu qab-qable wax makala tashan lahayd?

Soomaaliya markay tagaan waa baarqabbo laakiin Mbagathi waa bisado.

Ilaahay idin dullee! Waddankii iyo dadkiiba dubte, daroogo iyo mukhaadaraad ayaad dalag nooga dhigteen, dowlado shisheeyana waad u adeegtaan markaasaad hadda inta wadankii go’ kusoo duubteen aad miis dushii dhigteen oo aad arrintiisa dadyoow kale oo aan ilaa hadda la garanayn uga dambayseen!

Dadweynaheena inaan u rahmanahay iyaga waan ku fiicanahay maxaa yeelay qof walba qabiil buu ku taageeray niman waalan. Ganacsade kasta inta iyaga ka hub batay buu ku faraxsanyahay waxa dadka kale haysta si uu bagaashkiisa ugato oo ayna dowlad u dhalan. Kufsiga, dilka, qof sidii baabuurtii xubnaha laga baxayo iyo afduub.

Waxaan aaminsanahay in ay qab-qablayaashu noo hogaaminayaan waxaan xaqqa u lahayn. In ciidamo shisheeye la keeno oo aan la garnayn waxay samayndoonaan waa abaal marrin nagu fiican mar kasta oo akhrisid ama aad maqashid waxa Muqdisho ka dhacaya waad dhako-faaraysaa. Dadkii danyarta ahaa meeye?

<><><><>

Qoraalkii hore: Diinta Islaamka say tahay ku qaado, sayniskase su’aal baa kaaga furan
Faaladii Cabdulwaaxid Khaliif GUJI...

<><><><>

Ogaada dadka danyar ah waxay doorbidayaan in waddanka belaayo kale qabsado maxaa yeelay markaas ma jirto cid iyaga gooni u aadaysa bal waxa dhibta wayn ku dhacaysaa raggii xoolaha waddanka afka udhigtay, kuwa dadka baada, dadka masaajida caanka ka ah IWM. Sideen ku fekernay in inta Xamar iyo meelo kale waxaas aan la maqal ka dhacaan aan belaayo nugu dhicin?

Qoraayaasha: qabqable kaliya dambi ma leh. Waxaa kugu filan inaad maqaalka cinwaankiisa akhrisid, isla markiiba waad arkin qabqablaha uu taageero iyo waliba qabiilkiisa marka laga reebo dad yar oo Ilaahay u naxariistay. Tusaale ahaan:

Haddaad aragto maqaal ah Rayaale oo faqash ah ama nabad-sugidii hore waxaa maskaxdaada ku soo dhacaya mucaaradka “Somaliland” ama qolyaha ay dariska yihiin oo ay siyaasada isku hayaan “Puntland”. Kornaylku waa halyeey soo halgamay oo waa aabihii mucaaradka, waa taageerayaasha C/hi. Dhiig-yacab iyo dabo-dhilif waa hadalada kuwa mucaaradka ku ah. Al-Xaaji Muuse Suudi waxa dhaha waa qolyaha taageera. Carte/Madaxweyne Soomaali, Dooxada Jubba/khasabka Kismaayo ku haysta, iyo Baydhabo oo labada dhan lala kala jiro.

Marka qof qoraa sheegtay oo qalinka qab-qablihiisa u haya ka warran? Qab-qablahaa dhaama.

Qaybtii labaad

Carruurta Soomaaliyeed

Anigoo internet-ka fiirfiirinaya oo wax ka baaraya ayuu wuxuu “search engine”-ka Google ii soo saaray cinwaan ah:

“Seeing Islam as “Evil” Faith, Evangelicals Seek Converts”

Flip to any page of the Koran's 114 chapters, and Ahmed Mohamed can recite it for you.
DETROIT FREE PRESS
December 9, 1999.

Afsoomali ahaan Islaamkii oo diin (Iiman) xun loo arkay iyo kiristaanka oo raba inay wax gaaleeyaan. Kalmada ah “evil” waxay Bush iyo kiristaanka taageera ka tahay halka “xukunku” ka joogo qab-qablayaasha Soomaaliyeed iyo waxa taageera.

Markii aan akhrinayey maqaalka oo ahaa siminaar ay qabteen firqada kiristana ah ee la yiraahdo “Evangelicals” ayey ku sheeggeen in loo baahanyahay in muslimka si naxariis leh loo soo jiito oo la tuso jacayl, taageero iyo soo dhowayn. Waxay intaas ku dareen in “bible”, waa buugooda, Axdiga Cusub loo qaybiyo muslimiinta.

Soomaalidu waxay tiraahdaa riyuhu iyagaa shabeelka lugahooda ku raadsada. Qofkii wax ka yaqaan bay’olajiga iyo Kimistariga wuxuu yaqaan waxa loo yaqaan “guinea-pig” ama kalmada lafteeda. Waxaa laga wadaa waxaa jira xayawaano sida kaas aan kor ku sheegnay, dooliga/jiirka, doofaarada kale, iyo daanyeerada oo tijaabada iyo daawooyinka lagu sameeyo inta aan dadka loo gudbin.

Soomaali Reer Minnesota ah oo Gaaloobey 
Axmed Max'ed oo 38 jir ah oo u dhashay soomaali, hadase haysata dhalasha Maraykanka ayaa.... Guji... 

Bal aan fiirino waxay tiri haweenay kiristaan ah oo xog’haye ka ah iskuul ku yaal Columbus, Ohio oo waliba iskuulkaas ay arday badan oo Soomaaliya dhigtaan.

"Pat McEvoy, a secretary at a high school in Columbus, said she had known very little about Islam before the seminar. Her school has an influx of students from Somalia, and as she walked through the hallways she regarded these immigrants as "a virtual mission field."

She said she felt an obligation to save them from an eternity in Hell.

"If I had the answer for cancer, what sort of a human would I be not to share it?" Ms. McEvoy said.

<><><> 

Koobiyeynta Dadka (Human Cloning)
Faaladii Cabdulwaaxid Khaliif Guji...

<><><>

Waxay tiri siminaarkan ka hor wax badan ka ma aqoon Islaamka. Waxaa iskuulkeeda dhigta arday badan oo Soomaaliya ka timid. Markay sii dhexmaraysay iskuulka dhexdiisa waxay maanka ku haysay in qaxootigaan (ardada Soomaaliyeed) ay noqon karaan kuwa shaqada gaalaysiinta ah lagu fulin karo.

Waxay sheegtay in waajib ka saaranyahay in ay ardaydaas ka badbaadiso cadaab daa’in ah!

Waxay sii raacisay, haddaan xal u hayo kansarka, ma waxaa jira dad aanan ka qaybgaliyeen xalkaas?

Waxay ka wadaa kama labo-labaynayo badbaadinta ardaydaas.

Waxaa iga yaabisay Pat hadalkeedii waxay tiri Islaamka si fiican uma aqoon ilaa aan siminaarkan arkay. Ma hal mar bay Islaamkii ku fahantay? Waligiin ma aragteen sheeko noocaas ah?! Waa halka ay Soomaalidu ka tiraahdo “Ilaahoow yey mar u bururuf tiraahdaa” waa ninkii dameertu ka luntay. Pat waxaa ka yaabiyey siminaarada la agaasimay oo si xishood la’aan ah Islaamka loogu caayey iyadoon cidna dabada laga dadanayn. Waxay ku ciil-kaambiday in ay ka gaabisay waajibaadkii saarnaa ee ahaa faafinta diinta kiristaanka. Mar haddii maamulka Maraykanku ay usoo jeesteen qabsasho waddamo muslim, madaxdii, iyo horjoogayaashii kaniisaduna ayna aflagaadada Islaamka la gabban, maxaa u diidaya in ay Pat ardaydaas Soomaaliyeed ay waxay goosan karto goosato.

Ma Kiplagat iyo Pat McEvoy baan dhexjoognaa?

Hogaamiyayaashii hadda oo noqday “wolfhounds” waa eyda lagu ugaarto iyo ardaydii qurbaha oo ah hogaamiyayaashii beri oo looga baqayo inay laga dhigto “guinea-pigs” oo ah wax kiristaamiyeyna muslimiinta iyagu lagu bilaabo maxaa yeelay iyagaa dayacan.

Dhalinyarada iyo hooyooyinka arrintaasi micno ma usamaynaysaa? Waxaan kula talinlahaa qofkasta oo dhalinyaro ah inuu xiriirka u gooyo qab-qablayaasha oo xal cusub la raadsho.

Qoraalka tixraaca ah wuxuu asalkii kusoo baxay The NewYork Times (internet-ka).

WABILLAAHI TOWFIIQ

WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | June 15, 2003

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID


Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD