SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK -JAWAAB
Addoon Hal, waa hadal caynkee ah?!

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

July 27, 2003

Asalaamu calaykum.

I  I  D  H  E  H

KAAH

 

Ilaah baa mahad leh caalamiinta Rabbigood ah. Nabadgelyo iyo Naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Walaal Soomaaliyeed baa magacayga Soomaaliyeey markaasuu ku sheegay Addoon Hal! Wuxuu ku sii daray mar aan walaal kale oo aan maqaal uu leeyahay ka jawaabayey in aan Maandeeq iyo geel ka hadlay. Wuxuu isku qasay labo maqaal.

Akhristayaal waxaan mar akhriyey kaftan uu qof Soomali ah ka sheegay Soomaali kale oo oraah Soomaaliyeed si toos ah English ugu bedelay. Wuxuu yiri wiil iyo gabar baa sheekaysanayey marka midkood baa kii kale ku yiri “ don’t enter my Ocean” isagoo/iyadoo ka wada/wadda “baddayda ha gelin”. Qofkaasi aad buu iiga qosliyey. Sidoo kale qolyaha wax ka qosliya kuwo ah ayaa yiri maalin baa haweenay da’ waynayd oo Joogtay London waxay ka codsatay nin Soomaali ah oo ku dhashay Kenya in uu dhakhtarka u raaco oo uga turjumo, waa “GP” (general practitioner). Ninkii waa aqbalay.

Dhakhtarkii wuxuu waydiiyey haweentii sida loo hayo iyo waxa ay ka sheeganayso. Haweentii waxay Afsoomaali ku tiri: xalay waa la i aroorshay oo cirka iyo dhulka dhexdiisa ayaa la i geeyey, waa la igu tuntay, lafaha oo dhanna waa u burbursanyihiin . Turjumaankii sideedii buu English ahaan ugu bedelay kaddibna GP inta u adkaysan waayey waxa turjumaanku sheegayo ayuu yiri: booliis ma u yeeratay?!

Run ahaantii markaan akhrinayey sadarka u horeeya ee qoraalkii walaalkeen Samatar ayaan gartay falsafadiisa iyo waxa uu u dig iyo hamleeyahay. Inta aanan Maandeeq ka hadlin baan aan fiirino magacayga sida uu u turjumay.

CabdulWaaxid wuxuu ku turjumay Addoon Hal. Haddaan C/Waaxid meesha ka saarno oon soo qaadano Addoon Hal waa adagtahay in qof Soomali ah fahmo iska daa qolo kalee. Maxay tahay Addoon Hal? Haddii la yiraahdo Hal Addoon micno ayey samaynaysaa. Marka bal aan micnihiisa ka raacno. Erayga Cabdi ee Addoon uu ku sheegay waxaa loo tiiriyey Al-Waaxid ( Waa mudhaaf iyo mudhaaf ilayhi) laakiin Samantar sidii sheekooyinkii qosolka ahaa arrintaas waa ka tagay oo Afsoomaali ahaan micno samaynmayso. Waayo Addoon Hal lama fahmayo in Hal uu addoon yahay iyo in loo yahay. Tusaale ahaan haddaad tiraahdid Addoon Zenawi waxaa maskaxdaada ku soo dhacaysa in uu Zenawi addoon yahay oo micno kale ma qaadan karto laakiin haddaan dhahno Addoonkii Zenawi labo micne ayey yeelan kartaa:

In Zenawi uu addoon yahay oo haddii inta Zenawi ugu soo baxo aan dhaho waa addoonkii Zenawi waxaan ka wada Zenawi laftiisa ayaa addoon ah. Laakiin haddii inta qabqable Soomaaliyeed igu soo baxo aan dhaho waa addoonkii Zenawi waxaa loo fahmayaa in qabqabluhu uu addoon u yahay Zenawi.

Marka haddaad rabtid in aad qof caadi ah u isticmaashid kalmadaas waxaa la rabaa in intaas laga badiyo oo ugu yaraan wax loo tiiriyo. Taasi waxay ku tusinaysaa halka uu Ilaah ka joogo Samatar. Jahli waa ugu cududaari lahayn laakiin maqaalo uu leeyahay ayaan ku arkay isagoo Carabiga iyo Carabta haysta.

Imaamu Shaafici (RC) ayaa laga sheegaa inuu hadduu arko qofka uu sheegi jiray xirfadiisa. Kolay sawir baan ka haysaa Samatar laakiin waxaan rajaynayaa in aan akhbaar helidoono.

Teeda Kale Al-Waaxid Afsoomaali ahaan ma Hal baa? Labo macne aan ka soo qaadano Al-Waaxid:

1. Macno ahaan waa lagu sheegi karaa koow oo ah numberka ugu horeeya tirada. Marna hal ma oran kartid. Afsoomaali ahaan waa khalad haddaad hal tiraahdid. Koow Luuqaduu rabo ha ka yimaado isagaa booskaas leh. Koow, Labo, seddex. Ma ahan hal, labo, seddex. Koow iyo toban, Kow iyo labaatan, boqol iyo koow, kun iyo koow.

2. Waxaa laga wadaa Al-Axad oo ah Kali aan lahayn wax u dhigma oo aysan jirin cid asaagsan karta. Marka Al-Waaxid ku jira magacayga halkaas baa laga keenay.

Tusaale kale aan soo qaadano oo aan isla fahmayno. Cuntadaan jecelnahee aan doorto. Qof tufaax gadaya waxaad dhihi kartaa labo hal (xabbo ) iga gad, seddex hal, toban hal, IWM. Laakiin ma dhihi kartid labo koow ama shan koow iga gad. Waxaad dhihi kartaa xabbadii koowaad baan gatay, ka warran haddaad tiraahdid xabbadii hallaad baan gatay? Halkii ugu horreeyey baan gatay waad dhihi kartaa waana tii koowaad. Kaalinta koowaad buu galay. Wixii ku xiga waa labaad.

Madaxweynihii koowaad ee Soomaaliya laakiin lama oran karo madaxweynihii hallaad ee Soomaaliya maxaa yeelay madaxweyne kasta hal buu ahaa laakiin koow waxaa qaatay Aadan Cadde.

Addoon Hal. Hal waxay kaloo leedahay micnoyaal kale marka waa inaad caddaysaa waxaad ka wadid. Ma Hashii geelaa?

Marka Samatar Ilaahaygii ku abuuray xitaa Koow ma uquuri wayday haddaadan michihii labaad siin?

Usoo noqo Carabiga Ilaahay kugu diray. Waxaa jirta qaacido fiqi ah oo leh waxa uusan waajibku dhamaystirmi karin isaga la’aantiis waa waajib. Marka maaddaama ay Soomaalidu muslimyihiin waa ku waajib in laga helo dad soomaaliyeed oo Carabiga yaqaan mar kasta. Waxay ku fiicnaan lahayd in qof kasta yaqaan laakiin haddii qaar yaqaan kuwo kale dambi kuma ahan aqoon la’aantiisa. Qofkii Faataxada sifiican u akhrin kara Carabi kama marna.

Afsoomaaliga iyo Afcarabigu waa sidii jirka iyo ruuxda oo makala maarmaan. Haddii jirka ruuxdu ka baxdo waa u dhamaanaysaa. Ruuxdu waa Carabiga. Afsoomaaliga imisa kelmadood oo Carabi ah baa ku jirta? Wax tirakoobay ma arag laakiin aad iyo aad bay u badanyihiin. Xagga diinta markii laga hadlayana erayada la isticmaalo intooda badan waa Carabi. Imisa eray oo Afsoomali ah ayaa Carabiga ku jira?

Waxaad la yaabaysaa Samatar iyo dadka la mid ka ah markii la leeyahay saynis, kumbuyuutar, teleefishin iyo raadiye la yaab ma leh laakiin markay arkaan Carabi khaasatan magacyada Ilaahay loo tiiriyey waa gubanayaan.

Waxaa kula talin lahaa ninkaas Samatar la baxay inuu ogaado dadka uu rabo inay maqaalkiisa akhristaan inay yihiin dad Soomaali ah oo muslim ah marka waa inuu ka taxadaro in uusan wax diinta wax u dhimaya ama falsafad banaanka taal uusan lasoo shir tegin.

Maqaalkuu haysto wuxuu ahaa “dhulkii Soomaaliyeed oo aan hal ku sheegnay, Maandeeq”. Wuxuu wali ku jiraa website-yo badan. Haddii aad Afsoomali taqaanid maxaad u fahmi wayday maqaalka. Maandeeq haddaan ka wado in geelu leeyahay maxaan u lahaa in haddaysan dhulka hooyo ku sheegayn may ku sheegaan Maandeeqdii gabadha ahayd. Marka haddaan Maandeeq u aqaan geel maxaan gabdhihii kala raadshay?

Maqaaladaydii hore ayaan ku sheegay in qof kasta oo geel lihi uusan geel-jire ahayn. Dadka geela leh waxaa loo yaqaan geelleey. Qofkii lo’ leh lo’ leey, ari leh arileey. Haddaad nin reer baadiye ah oo geel leh ku tiraahdid geel-jire waad caayday. Marka marna ma caayin geelleey ee waxaan ka hadlayey kuwooda geel-jiraha noqday. Sheekaduna waxay ku socotay qabqablayaasha. Waxay sheekadaadu ka dhigantahay qof inta qabqablaasha caayey la yiri raggii Soomaaliyeed buu caayey oo markaas lagu yiraahdo waad khaldandantay maxaa yeelay aabbahaa iyo awoowayaasha rag bay ahaayeen! Mise geela iyo geel-jiraha ayaa iskaga kaa khaldamay? Tusaale ayaan bixiyey. Aan ku celiyo. Qofkii yiri geeraarkaan ama fikradaas qaba waa geel-jire:

Geerida haween guud la firo iyo guursi laga qaad

Geeridaadana (geela) gaawe maran iyo gaajo laga qaad

Geeridaydana guryo ba’ay iyo gablan laga qaad.

Halka uu Nabi Muxamed (SCW) ka yiri adduunyo waxaa la iga jeclaysiiyey udugga iyo dumarka, salaaduna waa il-qaboowsigayga.

Marka arrimaha kala saar.

Teeda kale waxaan ku xusay maqaalkii kale in aanan Carabiga, Ingiriiska iyo Soomaaligaba ku fiicnayn. Marka anigii baa ku leh Afsoomaaliga si fiican uma aqaan marka haddaad tiraahdid Afsoomaali ma taqaanid imaad eedayn ee anaad igu raacday.

Magaca sidiisaa loo daayaa. Qof qurac la yiraahdo hadduu rabo inuu maqaal Ingiriis ah qoro markuu magaciisa saxiixayo waa inuu Quruc ku sheegaa. Waa dhici kartaa inaysan sidii Soomaaliga u dhigmi karin laakiin inaad magaca Ingiriisku u yaqaan quraca aad ku sheegtid looma baahna.

Haddii aad magacaygii aad sidiisa u daynwayday adoo Carabi ka raadgadanaya bal fiiri inta kalmadood oo aad maqaalkaas kaliya ku soo qortay:

Qiime, shey, shaqsi, ra’yi, sabab, niyad, dukaan, nasiib, macnaheeda, xor, bedelay (bedel), waddan.

Marka ma garan waxa adna Carabiga kuu banneeyey anna iidiiday.

Carabiga Soomaaliga ku jira wuxuu noo yahay Soomaali caadi ah. Inta badan kalmadaha Carabiga ku jira ayaa dadkoo dhan wada fahmi karaa sida wajiga oo Carabi ka soo jeeda. Fool waa loogu yeeri karaa wajiga laakiin fool waxaa la dhahaa ilkaha qaar ka mid ah sidoo kale, dad yar baana yaqaan.

Nin la yiraahdo Haaruun Acwar oo Yuhuud ahaan jiray ayaa muslimay maalinitii dambe ayey wada doodeen nin kaloo muslim ah dabadeedna Haaruun baa dooddii raayey. Ninkii kale waa xanaaqay oo yiri waxaad ahayd Yuhuud dabadeedna waad muslintay. Haruun wuxuu yiri “Afabi’sa maa sanactu” oo ah ma dhib bay leedahay waxaan sameeyey? Micnaha haddaan Yuhuud ahaa oo aan muslimay ma dhib baan sameeyey? Markaasaa waxaa haddana raayey Haaruun Acwar. Marka hadda diintii Islaamka ayaa noqotay wax la isku caayo. Gar dheer buu leeyahay, surwaal buu gaabsaday. Haweentaasi xijaab bay qaadatay, diintay rabaan in la isku xukumo, IWM.

WABILLAAHI TOWFIIQ


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | JAug 2, 2003

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID


Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD