Buug Cusub
KEYDKA AQOONTA
Waxaa
dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed loogu bishaareynayaa inuu dhowaan soo baxay
buug xiiso leh oo la magac baxay KEYDKA AQOONTA. Waa buug loogu talo-galay inuu
dhiso macluumaadka iyo aqoonta guud ee da’yarta dhan kastaba: dalkooda,
dhaqankooda, iyo tan caalamka guud ahaanba. Waa buug af-Soomaali ku qoran kii
ugu horreeyay ee noociisa ah:
SADARRO KU SAABSAN BUUGGA:
Buuggu wuxuu ka hadlayaa, balse uusan ku
koobneyn:
Ø Dhulka iyo dhaqanka Soomaalida: Bedka dhulka
Soomaaliya, gobollada iyo degmooyinka, masaafada u dhexeysa Muqdisho iyo
magaala-madaxyada gobollada Soomaaliya. Afarta meesi ee ay Soomaalidu dhaqato
sida geela, lo’da, ariga iyo idaha. Sidka duur-joogta iyo dab-joogta.
Ø Halxiraaleyaal iyo googaa: In ka badan 165
hal-xiraale iyo jawaabahooda oo ku qotoma dhaqanka Soomaalida iyo macluumaad
caalami ah. Sidoo kale illaa 40 googaa iyo cadale
Ø Ma Ogtahay?: Mucjisooyinka adduunka ugu
waaweyn ee dhacay intooda ugu muhiimsan
Ø Carrab-jalqin: Ereyo carrabka ubadka lagu
jilciyo oo lagu celceliyo, layskuna hal-xiraaleysto.
Ø Cayaaraha Adduunka: Macluumaad ku saabsan
cayaaraha Adduunka, gaar ahaan Kubadda Cagta, iyadoo weliba ay ku jiraan kuwii
koobka Adduunka ee 2002da.
Ø Macluumaad dheeri ah: sida xog ku saabsan
ururrada aan maalin kasta ka maqalno qalabka warbaahinta sida Qaramada Midoobay,
Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka dalalka Islaamka, NATO, OPEC. Sidoo
kale waxaad ka heli kartaa wakaaladaha wararka, shirkadaha diyaaradaha iyo
lacagaha Dunida laga adeegsado.
Ø Buuggani wuxuu si gaar ah wax weyn u tarayaa
dhammaan waalidiinta iyo dadka da’yarta wax bareysa; iyo sidoo kale dadka
diyaariya tartannada dugsiyada, kadisyada, aqoon-is-weydaarsiga, iwm. Hadal
badan haan ma buuxshe, Buugga KEYDKA AQOONTA waa wehelka ubadkaaga ama
ardeygaaga.
Buugga Keydka Aqoonta iyo Buugga kale ee
Garaad waxaad ka heli kartaa dalalka soo socda:
Melbourne - Australiya
Goobaha ganacsiga ee Soomaalida ama kala
xiriir Fu’aad Maxamed Yaasiin, Mobile: (04)-22616754 Melbourne- Australiya.
Brussels - Belgium
Waxaad ka heli kartaa goobaha ganacsiga
Soomaalida ama kala xiriir Saciido Sheekh Axmed Mobile: 0032-49-5754797.
Stocholm - Sweden
Goobaha ganacsiga ee Soomaalida ama kala
xiriir C/ladiif Tel: 0046-31485840.
Minnesota - USA
Waxaad ka heli kartaa goobaha ganacsiga
Soomaalida ama kala xiriir C/raxmaan Caynte Mobile: (651)-775-5874. Minneaples,
Minnesota - USA.
Ohio - USA
Goobaha ganacsiga ee Soomaalida ama kala
xiriir C/raxmaan, Mobile: (614)-804-3554, Columbus - Ohio, USA.
Coppenhagen - Denmark
Waxaad ka heli kartaa goobaha ganacsiga
Soomaalida ama kala xiriir Faa’iso Faarax Wehliye Tel: +45-65923420
Muqdisho - Somalia :
B-tech Somalia, ka soo horjeedka Shirkadda
isgaarsiinta Olympic, Muqdisho Soomaaliya. Tel: 252-1-216068
London - UK
Goobaha ganacsiga ee Soomaalida ama la xiriir:
Asad Muuse, Mobile: 0044-7931303952 ama Xasan Sheekh Mobile: +44-7961869411

Oslo- Norway
Goobaha gansciga Soomaalida ama la xiriir C/naasir
Xersi, Mobile: +47-90911736
Nairobi - Kenya
Goobaha ganacsiga Soomaalida ama kala xiriir
Faarax Cabdi, Mobile: 254-722-840255 Nairobi
Wixii faahfaahin ee intaas dheer kala xiriir
Qoraha Buugga
Axmed Ugaas Cali Ugaas Nuurre
P.O.Box: 17782, Gulshan-e-Iqbal
Karachi - Pakistan
E-mail:
ugaas2@yahoo.com
Mobile: +92-300-2216866
Faafin: SomaliTalk.com | July 12, 2003
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
...
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
|