AYAAN DARRADA AYAAN XIRSI MAGAN:
Culimada Soomaalidu oo go’aansaday iney ka
gaabsadaan arinta gabadhan. Maxay tahay sababtu?
FAALLO: Fahad Yaasiin Xaaji Daahir | editor@somalitalk.com
| Jan 21, 2003
Nin
aduun sii joogoow maxaa aragti kuu laaban, wali ma is tiri qof Soomaali ah ayaa
ku af-lagaadoonaya diinta Islaamka, kaba sii daran makugu soo dhacday in qof
dumari ay dhihi doonto diinta Islaamka nooma roona! Dad iyo duur wax walba ka
filo baa hora loo yiriye, dadka dibadaha jooga gaar ahaan caruurta iyo dumarka
waa laga walwal qabay, mar haddii ay ku dhex milmeen dhaqamo gurracan oo lidi ku
wada ah diinteenna suuban, laakin haweeney ku qaangaartay dhul Islaami ah baa af
muggii ku caayi doonta diinta Islaamka wax fog bey dad badani la’ahayd, waase
dhacday!.
Anigoo meel makhaayada fadhiya ayaan eegay
cinwaannada ku yaala wargeys Soomaaliyeed oo ka soo baxay Xamar, mise waxaa
ku qoron gabadh Soomaaliyeed oo diinta Islaamka wax ka sheegtay, indhahaan
marmartay sidii anigoo isku tuhmay duqnimo sababtay aragii oo idaciifay, laakin
saaxiib ila fadhiyey ayaa yiri Soomaalida dibadaha jira waxan iyo wax ka sii xil
lehba waa laga filaynayaa, waayo dhaqamo silloon ayey dhexgaleen, hadalkaas oo
aan ka fahmay in isna wax la’ahaan la’ uu ku arkay Wargeyska.
Waan soo orday oo xaggaa iyo Internet-ka ayaan
xog u soo doontay, mise warkeedii meel walbuuba yaalaa, ishaydu waxay ku dhacay
maqaal ay ka muuqato qiiro Islaami-nimo oo ay qortay Saxafiyadda “Ikraam
Cali-Kaar”, waxay si cilmi ku dhisan ula hadashay inantan dhaqan rogontay ee la
dhacday anshaxa R/Galbeedka, dhab ahaantii Ikraam dhawr qoraal oo ay midba mar
ka soo saartay Ayaax Xirsi, waxay wada ahaayeen kuwa ku filan in looga haro
dibirtii ay la dhigtay, laakiin anna toogtay baa gashee aan tu yar iraahdo,
maxaa yeelay inaan gurmadka badiyaa waa igu waajib, gabadhan dhaqan roggu ku
dhacay, waxaa kaloo maqaal tarjumaad ah soo bandhigay Qore “C/Raxmaan
Ceynte”
oo soo daabacay maqaal hiillo ahaa oo uu qoray “Salmaan Rushdi” oo
muujinayey tol-nimada ka dhaxaysa isaga iyo Ayaanta ayaanka daran, waana
mahadansan yahay saaxiibkeen Caynte maadama uu na tusay “Salmaan Rushdi” oo
gaashaan u ah Ayaan Xirsi Magan, tolow malaga yaabaa goortii ay Ayaan aragtay
“Salmaan Rushid” oo hadal haya iney mooday billad u soo hoyatay, waxaan
xusuustay tix ka mid ah Gabaygii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo la hadlayo
qolyo gaalada raacay oo leh.
- Duligii iyo cadaabkii maxaa kiin isugu
daray.
- Durriyaddii iblays iyo maxaa daadduf idin
qoray.
- Dariiqii rasuulkiyo dawgii maxawga
bayrteen.
- Xaq aan daboolleyn maxaa iidinka soo
deday.
- War sow derajo aakhiro rabbi kama damcaysaan
- Dacas lama jiifee xaqa maw
dedaashaan.
- War hooy deeqa Eebbiyo janno maa u
dirirtaan.
- Dumbuq ninkii aan lagu ridin dan la’aanba
waw dhiman.
- Inkastaad dadaashaan ma naf baad
damcaysaan.
- Haddaan dunidu waarayn miyaad
daa’imeysaan.
Dad kale oo wax ka qoray Ayaan ma akhriyin,
walow aan dareen-sanahay in Muslimka oo dhan ka carooday aqoon xuma u hadalkii
Ayaan Xisri Magan, boogaadin ayeyna mudan yihiin inta qiirada diineed leh iyo
kuwa Soomaali-nimada u caroodaba.
Wado bey furtay Basaasadii Soomaaliyeed ee Norway
(Sweden oo qaday talaabo taa lamid ah oo looga hotageyo gudniinka.) GUJI...
September 07, 2001 |
Waxaan xiriir la sameeyey dad badan oo Soomaali
ah si aan u helo xogta dhabta ah ee inantan, waxaan la xiriiray saaxiibo aan ku
leeyahay Holland aniga oo radinayey faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan gabadhan,
waxa la ii sheegay in gabadhan hadalkeedu uusan hadda u kow ahayn oo ay saan oo
kale sanadkii 94.kii ugu hadaaqay hadallo kuwan la mida, laakiinse goortii la
sii wad wadi waayey ay hadalkeedii iskala hartay, iyadiina halkiibey ku shiiqday,
kuna weysay badeecad ay rabtay malaha iney ka gado R/Galbeed si ay ugu sheegto
iney gaadhay horumarkii uu kasbaday oo kale Salmaan Rushdi sida ay la tahay
iyada, oo ah halka ay hadda qorsheyneyso iney gaadho, saaxiibkii aan Holland kala
hadlay oo ahaa nin war gal ah, wuxuu intaa iigu daray, waa sii horeysay ayey ka
hadashay Talafashin ku yaalla Holland oo barnaamijka habeenkaa ahaa arima la
xiriira Diinta Islaamka, waxaa dooda kala qayb qaadanayey Muslimiin kale uu ka
mid ahaa wiil Marookaan ah, kolkaasey tiri Ayaan, aniga diintan Islaamka kumaba
jiree! Goortaas ayuu Marookaankii codsaday in gabadhan laga saaro doodda maadama
aysanba shuqul ku lahayn Islaamka, codsigaasna wuxuu u jeediyey wariyihii dooda
qaybinayey, markii wariyihii uu aqbali waayey inuu socodsiiyo codsigii uu soo
gudbiyey mid ka mid ah martidiisi ayuu Moraakaankii go’aansaday inuu kaba baxo
dooda iyadoo socota, wuunaba ka tagay barnaamijkii oo wali hawada ku jira.
WAXBARASHADA
CARRUURTA |
"Dadka
Carwada yimid oo idil way isku sheegeen wiilkaas fariid Quraanka ah,
Cabdul Fattax Shariif Moxamed, sidaas darteed nin walba wuxuu soo watay
wiilashiisii si uu u soo tuso tusaale waangsanna ugu noqdo, deedna ay ugu
daydaan." Guji... |
C/siis
C/lahi Adam oo bishii December 2000 kuguulaystay kaalinta Koowaad ee
tartanka Qura'aanka, Abaalgudna u helay 250,000Dhs oo u dhiganta $68,000
Akhri halkan |
Flip to
any page of the Koran's 114 chapters, and Ahmed Mohamed can recite
it for you.
DETROIT
FREE PRESS
December 9, 1999.
Cabsida lagaqabo mustaqbalka carruurta Soomaaliyeed ee kusoobutaacay
dadalka Galbeedka
Guji...
Maxaa Xal u ah Ubadka Soomaalida Qurbaha? Guji...
Carruurta Soomaalida Denmark
Guji...
Carruurta Soomaalida London, canada
Guji... |
Ayaan darrada Ayaan Xirsi waxay cirka isku sii
shareertay kolkii lagu marti qaaday iney isu soo taagto doorashooyinka Barlamaan
iyadoo ku tartameysa Xisbi ka mid ah Axsaabta ugu waaweyn dalka Holand ee ay
dhalashadeeda qaadatay, taasoo ku dhalatay kalsoonidii ay ka kasbatay Axsaabta
reer Holland iyo shacabka Holanba, maadama ay qaadatay tubtii R/Galbeedku
doonayeen oo waliba la dhihi karo weyba uga sii dheereysay, MA MAQLI JIRTAY
HEBAL KACAANKII BUU KA DHEEREEYEY, nin Soomali ah ayaa iisheegay iney kulmeen
nin u dhashay dalka Holland oo ay ku kulmeen Neyrobi, wuxuu ku yiri, Soomaalida
waxaan ku leenahay gabadh aad iyo aad u fiican nolosha saxda ahna fahamtay,
hadana taageeradii ay ka heshay shacabka Holan ayaa keentay in lagu marti qaado
u tartanka jagada Barlamaan ee dalka Holan, hala yaabin sababta ay reer Holan u
soo dhawaynayaan gabadhan ee waxaad is weydiisaa maxaa ku jaribay inantan iney
Islaamka ku af-xumaato.
Qoyska ay ka dhalatay gabadhan oo ah qoys
Soomaalida dhexdeeda laga yaqaan, ayaa ila noqotay mid aan u qaadan waayey in
gabadh qosykaa ka soo jeedo ay sidaa uga miirnaato diinta, Ayaan waa ina Xirsi
Magan, Aabaheed waa oday ay Soomaalidoo dhami taqaan, waxaana lagu xusuustaa
khudbadihii uu ku lahaa Radyow Kulmis, (Idaacaddii wareegi jirtay), shakhsiyan
aniga waxaan bartay 99kii oo aan dhawr jeer kulanay, aniga oo ka waraysanayey Afka
Soomaaliga iyo sidii la isugu tarjumi lahaa Afka Carabiga, iyo sidii Tafsiirka
Quraanka loogu heli lahaa eray walba oo ka mid ah tarjamo u dhiganta oo
Af-Soomali ah, erayo dhawr ah oo uu ii sheegay ayaan wali xusuustaa, meesheedse
ma’ahan halkan, Xirsi Magan waxa intaa u dheer aqoonta uu uleeyahay Diinta
Islaamka, waxa uu ka mid ahaa xertii wax ka baratay Sheekh Nuur-diin Cali Calow,
ALLAH HA U NAXARIISTEE, dadka aadka u yaqaanana waxay ku sheegeen inuu yahay nin
Caqli dheeri ah eebbe siiyey.
Goortii aan ogaaday Ayaan Aabaheed inuu yahay
Xirsi Magan waxaan geed gaaban iyo mid dheer u koray sidii aan ula xiriiri Xirsi
Magan, tuhunkeygu wuxuu ahaa inuu jooga Boosaaso, goortii aan halkaa ka badi
goobay ayaa la igu yiri Lodon ayuu jiraa, waxaan la xiriiray asxaab aan ku lahaa
London, gunaanadkii ay ii keeneen wuxuu noqday in Xirsi uu aad uga xun yahay
ceebta ay u soo jiiday inanta isaga ku abtirsata saa awgeedna uu go’aan ku
gaaray inuu ka gaabsado ka hadalka arimahaas, xitaa Telefankii lagu yiqiinay waa
la badalay, kiisii cusba hadan codsadayna waxaa la ii sheegay in aanan la heli
karin, dad xog ogaal ahi waxay ii faa’iideeyeen in Ayaan ayba tiri aabahay
ayaa igu khasbay nin anan rabin oo heer baadiye ah, hadalkaasna goortii Xirsi
Magan la weydiiyey uu ku tilmaamay waraan sal lahayn.
Waan ku fakaray inaan Ayaan qudheeda baadi
goobo laakiin waxaysan iigu suura galaynin iyadii oo baqdin awgeed hul u gashay,
xitaa wargays-yada caalamiga ee qoray hadaladeeda qaarkood waxay sheegeen inaan
la ogayn halka ay ku nooshahay, qoraalkan haddii ay suura gasho inuu gaaro Ayaan
waxaan u sheegi lahaa iney geesinimadu ku jirto iney xiriir la soo sameyso
saxaafada madaxa banaan ee Soomaalida si loo ogaado warkeeda dhabta ah, walow ay
wax fog tahay ineysan arag qoraaladii tirada badnaa ee ay Saxaafada Soomaalida
ka diyaarisay, taas waxay marag u tahay wixii laga sheegay iney yihiin wax jira,
waayo hadii aysan jirin iyadaa beenin lahayd.
Sida aan la wada soconno gafafka diinta islamka
laga galo kuwa sahlan ma’ahan, si aan u helo fatwo diineed oo ku saabsan
gabadhan hadalladii ay Islaamka ugu xadgudubtay ayaan u bandhigay qaar ka mid ah
Culimada ugu magaca dheer Soomaaliya, kuligoodna iyagoon is ogayn ayey wada
yiraahdeen, waa run oo waa waajib in laga hadlo arimahan oo kale, laakiin anagoo
ka faa’iideysaneyna sidii la yeelay “Salmaan Rushdi” oo ahayd mid uu isagu
kaga helay magac iyo maamuus R/Galbeedka ayaan ka gaabsaneynaa arinta gabadhan,
Sheekh ka mid Wadaadadii aan u diray qoraalada ku saabsan arintan ayaa igu yiri,
ayadoo aysan ka hadlin Culimadii Soomaaliyeed ayuu “Salmaan Rushdi” soo
dhaweystay, ka waran hadii aan anaguna ka hadalno, sow kor usii ki cimeyso, taa
waxaa sii dheer gabdho kale oo Soomaali ah ayaa iyaguna ku soo dayan kara,
iyagoo isleh suuqan cusub armaad xoogaa nolol ah ka heshaan.
FARIIN KU SOCOTA AYAAN XIRSI
MAGAN:
Choose kaah for confidence, convenience
& competitive, rapid, reliable & responsive
|
Sababta aad hadalka u tiri haddii uu yahay
faqri ka carar xusuusnow in ilaahay qoray waxaad cuni lahayd, Abwaankii
Daraawiisheedna “Ismaaciil mire”waa tii uu yiri Mafaqriyo
shareecada ninkii faraqa haystaa.
Haddii aay aqoon darro kaa haysato diinta
Islaama isku day inaad raadsato dad diinta yaqaana oo kaala doodaa wareerka ku
haya.
Wax aduun qatalayaa ninkaan qawlka diin barane .
Ogow in asalka aad ka soo jeedo yahay Muslim,
ogow in Muslimka iyo Soomaalida aad ka heli karto magac weyn haddii aad ka
toobad keento hadaladii gafka ahaa ee aad Islaamka ka gashay, ogow haddii
duruufo kugu khasbaya ay jiraan arimahaas, in Muslimku diyaar kuula yihiin iney
kaa caawiyaan, ogow in aad Muslima ka heli karto kuwa kaala qayb qaata xalinta
noloshaada, taasna waxaan u leeyahay war isoo gaaray oo ah in aadan xiriir la
lahayn Jaalidaha Soomaalida, ogow inaad ceeb weyn usoo jiiday Muslimka,
Soomaalida, iyo qoska aad ka dhalatay oo uu ugu horeeya Sheekha ku dhalay ee
Xirsi Magan.
Marna ha is dhihin dadkii waad ka fogaatay oo
meelaad ku soo laabato malahan, wali gacno furan ayaa laguugu soo dhawayn,
xusuusnow aakharo iney ku sugayso tubta aad hadda haysana ineysan ahayn tii aad
ku badbaadi lahayd, kuna celceli tixdan uu tiriyey “Ismaaciil Mire”
- Ninkii gaalo caabuday rabina gooyey
xarigiisa.
- Baryo wuxuu gabraartaba hadduu malagu soo
gaaro.
- Jahanamo inuu gali kitaab garanayaa sheegay.
"halkan (waa qurbaha'e)
ay naga waraystaan sidee dumarku Soomaaliya ugu xirxiraan jireen, sidee
loo gumaysan jirey sidee ahaydeen.... waxaan u sheegayaa in aan
Soomaaliya boqorro ku ahayn" Xaliimo Faarax Jan 12, 2003,
Minnespolis, USA GUJI... |
Isweydii “Salmaan Rushid” horumarka uu
gaaray nooca uu yahay, sow ma’ahan ninkii ay Xaaskiisu ka codsatay inuu furo
maadama ay 30.habeenba guuri jireen 50.goor? Sow ma’ahan ninkii ay 96.kii
dowlada Denmark diiday iney siiso magangalyo maadama aysan damaanad qaadi karin
noloshiisa? Sow ma’ahan ninka haddii uu saan ku dhinto ay Muslimka ku soo
xuusan doonaan inuu yahay ninkii ku xadgudbay diintooda? Ayaaney saas sharaf
hamoodin.
Mawqifka ay Diinta Islaamku ka qaadaneyso
gabadhan waxaan u deynayaa Culimada Soomaalida, si ay u gutaan waajibka ilaahay
saaray, Ayaanna ha ogaato iney in wali uu u furan yahay albaabkii towbadkeenka.
Gabagabadiina ila akhri adoo ku celcelinaya
gabaygan.
- Ninkii gaalka daba gala darxumow dambaynoo.
- Naftu hadday ka duushana dalku waysu diidiye.
- Inuu haadku diirdiiri waa sida daruurtoo.
- Dulbaaxiisa feeraha dab baa lagaga shidiyoo.
- Hadduu waayo darib cuno waa laga dambaynoo.
- Ninkiise dawga dhaafaaya dawo looma helayee.
- Digtoonaada waligiin dunidu waari maysee.
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
editor@somalitalk.com
Janaayo 21, 2003
Ikraam
Cali-Kaar oo Faallo Ka Qortay
Gabadhii Soomaaliyeed ee Diinta Islaamka u geftay.. GUJI..
22/11
Cawaaqib
Xumida uu La Kulmayo Qofkii Caaya Rasuulka (scw)
Waxaa na
soo kedinayay maalmihii ugu danbeeyay dad ku abtirsanaya inay yihiin
soomaali oo si dhiiranaan aan dheelitirsanayn ugu kacaya falal-denbiyeed
aad ugu weyn miisaanka culus ee diinta islaamka..
GUJI...
...FAALLO: Itaxaadka
Soomaaliya
WARAYSIYADII FAHAD YAASIIN
|