Suuqa Al-Karama
Minneapolis, Minnesota, USA
Cedar | SomaliTalk.com -
9/9/2002
Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota waxa ay ka mid tahay
magaalooyinka lagutilmaamo in ay degganyihiin soomaalida ugu tirada badan ee
qurbaha kunool, gaar ahaan woqooyiga Ameerica.
Magaaladan Minneapolis waa
magaalo cimilo ahaan leh laba xilli oo aad u kala fog, waa xilliga qabowga
oo cimilo ahaan la mid ah Canada, iyo xilliga kulaylaha oo cimilo ahaan u
dhow cimilada Sanguuni (Soomaaliya) ama dhulka uu maro dhulbaruhu, xilligan waxaa lagujiraa
waqtigii kulaylaha inkastoo uu gabaabsi yahay.
Soomaalida magaaladan
kunool tiro ahaan wax xaqiijiyey majiraan, laakiin waxaa qiyaaso dhawr ah
sheegeen in tiro ahaan dadka kunool labada magaalo ee looyaqaan mataanaha
(Minneapolis/St.Paul) ay baro dheereeyeen ama ka badanyihiin Soomaalida
deggan magaalada Toronto ee carriga
Canada oo waagii hore lagu tilmaamijirey inay deggan yihiin tirada ugu badan
Soomaalida woqooyiga Ammerica ku nool.
Soomaalida deggan gobolkan
Minnesota waxaa lagu tilmaamaa in ay yihiin dad aad u firfircoon, waxayna ka muuqdaan dhammaan qaybaha
bulshada, ganacsiga, waxbarashada, iyo xataa mararka qaarkood siyaasada
gobolka - markaan taas leeyahay waxaan xusuustaa doorshadii uu qof
Soomaaliyeed kii ugu horeeyey Minnesota isu soo taagey duqa magaalada
Minneapolis, kaas oo ahaa Maxamuud
Wardheere, oo weli
miisaan weyn kuleh ayaaha siyaasadda gobolkan, sida uu bishii Maarso ee sannadkan kula
kaftamay duqa magaalada Minneapolis ee hadda oo yiri "Iska
Sabir Sanadka soo socda ayaad heli doontaa mayor-nimo".
Miisaankaas weyn ee soomaalidu kuyeesheen
Minnesota waxa ay ku kasbadeen hawlkarnimo dheeraad ah oo ay muujiyeen. Halkarnimadaas
ay soomaalidu muujiyeen intii ay Woqooyiga Ameerika yimaadeen waxaa kamida
dhanka ganacsiga oo ay meel wanagsan ka gaareen. Taas weeye tan maanta
qormadeenu ay kusaabsantahay, anaga oo soo qaadaneyna mid ka mida suuqyada Soomaalidu ku
leeyihiin magaalada, waa suuqa Al-Karama oo aan booqday galabtay.
AL-KARAMA
Al-Karama
waa suuq weyne Soomaaliyeed oo dhowaan laga furay xaafadda ay Soomaalidu ugu
badanyihiin ee loo yaqaan Cedar oo katirsan magaalada Minneapolis.
Suuqan waxa uu kuyaalaa meesha faras
magaalaha u ah xaafadda Cedar, waxaa suuqa kudhow saddex masaajid oo kuu
sahlaya in haddii aad dukaan halkaas kuleedahay aan Salaadu
ku dhaafidoonin. Waxaa kale oo suuqaas u dhow dhawr makhaayadaha cuntada
Soomaalida laga helo ama ay leeyihiin Soomaali.
Waxaa suuqa hor marta wadada weyn ee
lamagac baxday Cedar, taas oo dukaanleyda u suurtagelineysa in sifudud alaabta
halkaas loogu dejinkaro ama looga rarikaro wixii laga gato suuqa. Wadada
Cedar waxay u dhigantaa wadada Estleigh (islii) ee Nairobi, wadada Dixon ee
Toronto, ama wadada Morse ee Columbus, Ohio, waa marka laga hadlayo meelaha
ay Soomaalidu ugu badanyihiin magaalooyinkaas.
Suuqa Al-Karama markaad soo dhexgashid
waxaa durbadiiba indhahaagu qabanayaan alaabadii laguyaqaaney Soomaalida,
ama alaabada ay hida ahaan Soomaalidu weligood iibinjireen, taas oo kusoo
xusuusineysa suuqyadii Soomaaliya.
Markaad suuqa dhex istaagtid waxaa markiiba
indhahaagu qabanayaan roogag iyo masalayaal si habaysan loo safay, kuwaas oo aad u bilicsan,
inyar markaad sii dhaaftidna waxaa kugu soo baxaya maacuunkii (weelkii) oo
miisaska lagu sharaxay, haddii aad inyar gudaha usii gudubtidna waxaad
arkidoontaa dharkii Soomaalida , gaar ahaan dharka dumarka, oo derbiyada
dukaamada camiray, waxaana korka sare ee wadada la marayo kasoo laadlaada
dharkii ragga. Haddiiba aad dhexgashid suuqaas waxaa kugu soo dhacaya
meeshaan adigoo aan wax ka iibasan haba kabixin.
Gudaha suuqu waxa uu u kala qaysanyahay
dukaamo yaryar oo badankoodu camiran yihiin, qayb dhar isku nooc ah ayaad ku
arkeysaa, qaybkalena alaabooyin kala duwan ayaa kamuuqda, waa meel
lagutilmaami karo "wax-walba-haye". Keliya waxaad moodaa in dhulku
uu ku yaraaday oo daarta suuqa ayaa malaha kaba yaraatay ganacsiga fidaye ee
Soomaalida.
Meel
dhexe oo suuqa ah markaad soo gaartid waxaa kuu muuqanaya fallaar
muujineysa in uu jiro dabaq hoose oo katirsan suuqa. Markaad halkaas hoos
ugu daadegtid waxaad arkidoontaa meel dhexe oo barxad ah oo lagu qaxwaynayo
ama lagu cabayo shaahii casariyaha ahaa ee Soomaalida, waaba makhaayad Soomaaliyeed. Geesaha waxaa kaga
teedsan
dukaamo isugu jira Kharkhaanlayaal (dhartole), labadaayo (dhar-dhaqe),
Dahable (dahab-gade), xafiisyo xawaaladeed iyo goobo kale oo ganacsi, waaba
suuqyare kale oo hoos ku qarsoon, haddaan fallaartaas sare kuusheegina waaba
kaa
dhuumanlahaa.
Waxa xusid mudan, in makhaayada
casariyaha ee aan sheegnay in ay kudhextaal dabaqa hoose ee suuqaas ay soo
jiidatey dad badan maadaama marka aad casariyaha kusoo dhifatid ay salaadii
makhrib goobtii lagu tukanlahaa u dhexeyso oo keliya wadada Cedar, waa meel aan sidaasba uga
durugsanayn masaajidda.
Aan kusoo laabanee suuqa qaybtiisa sare
waxyaabaha kale oo kuyaal waxaa kamida tima-jare, markii aan galabtay halkaas
booqday waxaa kamuuqdey dad badani oo saf ugu jireen in timaha loogu jaro.
Waa isku filansho in aadan meelkale u baahan inaad timaha kasoo jaratid,
markaad surweelkii iyo shaarkii cusbaa suuqa ka gatay, oo timaha sii
jaratay timajaraha halkaas ku dhexyaal, lebiskii waa isku dhan-yahay.
Al-Karama qaybtiisa guud ee laga soo galo waxa
kale oo ku dhexyaal Xawaalado dhowr
ah oo Soomaaliyeed oo kuu sahlaya in aad lacag ugu xawishid eheladaada.
XAWAALADDA TOWFIIQ Groups, inc
419 Cedar Ave So Suite 6
Minneapolis, MN 55454
612-343-8619
Emai: cv-cedar@yahoo.com |
Waxaan ishaydu qabatay xawaaladda Towfiiq,
markaas ayaan kuleexday, waxaana halkaas
siwanaagsan iigusoo dhoweeyey wiil dhallinyaro ah oo markaas fadhiyey
xafiiska, markii aan isusheegay in aan kasocdo SomaliTalk.com si niyad sami ah
ayuu iigu tilmaamay calaamada xawaaladda tilmaanta u ah ee kamuuqata sawikan
dhanka midig ee boggan.
Markaad suuqaas soo dhexmartid waxaa kaaga
soo baxaya sida ay isku fillaanshaha u gaarayaan Soomaalida Minnesota, xagga
ganacsiga.
Suuqyada magaalooyinka kale ee labarbar
dhigikaro suuqa Al-Karama waxaa kamida labada suuq ee magaalada Columbus,
Ohio ee lakala yiraahdo "Banadir Business Center" iyo "Aaran Business Center",
waa marka laga hadlayo qaab dhismeedka dukaamada yaryar iyo xawaaladaha isku
dhexyaal, kuwaas oo ah ganacsiga ugu kobcidda badan maanta ee Soomaalida
qurbaha.
Dabcan waa jiraan suuqyo kale oo waaweyn oo
Soomaalidu leeyihiin oo kuyaal Minneapolis, sida suuqa Karamel iwm, kuwaas
oo qaybtood aan muddo
hore warbixin kadiyaarinay. Muhiimada qormadase maanta waxay ahayd Suuqa Al-Karama
oo sida aan horay u sheegnay haysta suuq aad u wanaagsan maadaama uu ku yaal
meel xudun u ah degaanka ay Soomaalidu ku badanyihiin.
Marka laga soo tago suuqa Al-karama, ee aad
wadada Cedar soo raacdid waxaa ku taxan dhawr dukaan oo Soomaaliyeed iyo
Makhaayado aad ka heleysid bariiskii Soomalidu karinjireen iyo suqaarkii ama
aan iraahdee cunto Soomaali.
Dukaamada halkaas ku taxan waxaa kamida dukaan laga helo waxyaabo aad
riqiis u ah, waana dukaan lagutilmaami karo Hal-doolar-le, taas oo uu
magacaas ku kasbaday riqiisnimada.
Waxaa kale oo aagaas Cedar laga helaa
dukaamo hilib Xalaal ah, oo ay leeyihiin Soomaali.
Ganacsiga ka sokow, waxyaabaha kale ee Soomaalida Minnesota lagu ammaano
waxaa kamida waxbarashada, taas oo dugsiyada sare iyo jaamacadaha gobolkan ay
aad ugu farabadan yihiin ardayda Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa Soomaalida
Minnesota lagu tilmaamaa in ay yihiin dad aad ugu firfircoon xagga shaqada, taas
oo ah guul usoo hoyatey Soomaalida, tan oo weliba Soomaalidu ay kamid yihiin
dadka soodegey Ameerika kuwii ugu dambeeyey, iyagoo gaarey horumrkaas la
taabankaro, haddii ay sidaas kusoo socdaana ay gaaridoonaan meel sare. Hadaba maadaama uu kobcayo ganacsigii
Soomaalida Minnesota, maadaama ay yeelanayaan dad badan oo aqoonleh oo kasoo
baxaya Jaamacadaha iyo kuliyadaha gobolka, maxaa la gudboon sidii ay taas usii
wadilahaayeen ama usii kobcin lahaayeen. Waa in ay yeeshaan cod midaysan, taas
waxaa aaminsan in badan oo kamida aqoonyahanada iyo indheer garadka Soomaaliyeed
. Inta keli-keli lagu qabankaro kabad ayaa
lagu qabankaraa codka midaysan una midaysan danta guud ee mujtamaca.
Waxaa
xusid mudan taalo yar oo u dhisan sidii tiir oo kataagan meel
dhawr tallaabo ujirta suuqa Al-Karama oo ay ku sawirantahay calaamadii
astaanta u ahayd qaranka Soomaaliya, waa labadii shabeel, calalnkii iyo
gaashaankii, kuwaas oo laga sameeyey dhagax aan u maleeyey marmar - waa
sawirka ka muuqata dhanka bixid ee qoraalkan. Tiirkaas
yar waxa uu tilmaan u yahay sida ay magaalada Minneapolis u soo degeen dad
kasoo jeeda dhaqamo kala duwan, kana yimid dhinacyo kala duwan oo dunida ah,
dhinac kamida tiirkaas yar waxaa kutaxan qowmiyadaha kala duwan ee kunool
magaalada, waxaana kamida Somaalida "Somalian", taas oo kuu
muujineysa sida Soomaalidu ay raad ugu yeesheen magaaladan Minneapolis. Waxa
kale oo xusid mudan markaad kasoo tagtid suuqa Al-Karama ee kusoo dhowaatid
daaraha dhaadheer Cedar inaad arkeysid Soomaali aad u farabadan oo fadhiya
kuraas lagu hor sameeyey daarahaas barxadaha bannaan ee ka horeeya,
halkaasna ku sheekaysanaya, waxay tani kusoo xusuusineysaa beri-samaadkii
iyo Soomaaliya oo galabtii meelaha barxadaha la isugu imanjirey, inkasta oo
fadhigaan daaraha hortiisa aysan sannadka oo dhan suurtagal ka ahayn
Minneapolis sabab la xiriirta cimilada oo mardhow qabow awgeed kuraastaas ka
dhigidoonta baraf farfadhiya. Isku
soo duuboo, suuqa Al-Karama waa suuq cusub oo Soomaaliyeed lehna aayatiin
wanaagsan. Cedar-na waxay u muuqataa in suuqani uu kusoo kordhiyey horumar.
Haddaad joogtid Minnesota ha moogaan Suuqa Al-Karama oo kuyaal
wadada Cedar ee caanka ah oo katirsan magaalada Minneapolis.
W.D.
Maxamed Cali contact3@somalitalk.com SomaliTalk.com | Canada/USA FAAFIN:
www.SomaliTalk.com | September 9,
2002
WARARKA KALE
AGOOSTO | WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
em@spam.com
|