WARARKA:
BOOSAASO |
HARGEYSA |
MUQDISHO |
NAIROBI |
QURBAHA |
XORIYO
April 14, 2004
“Inaad isoo Booqato ayaan Rabaa.. Aniga Kuma soo
Booqan karo !”-
Sheeko (Qaybtii 3aad)
Al-Hassani
abuzuhri1@hotmail.com
Qaybtii: 1aad |
2aad
“Hadaba haddii ay sidaas tahey waxaan
kuu direyna America oo walaalka ayaa lagaa daba geynaya” Erayadan ayuu ku
cel-celinayey isagoo horey ula liitey walaalkey iga weyn, Abdurahman, mudo
sanad ah lagu daaweynayey Mareynka Cancer kudhacay awgiis!…
Waxaan inbadan arki jirey aabahey oo telephoneka ku
oynaya(ilmeynaya) marka uu lahadlayo Abdirahman. Muxuu inbadan Aakhir
leylka uduceeyey , iyo salaadaha oo dhan. Aad iyo aad ayuu ugu
murugeysana arintiisa, gaar ahaan marka uu arko ilmaha yaryar ee uu dhaley
Abdirahman oo ay weydiyaan meesha uu aabahood jira ayagooo leh: “Awoowe!
Meeyey aabaheen? Maxaa ku dhacey oo uu noola joogin sida ay ciyaalka kalaba
aabayaashood ula joogan?”
Aabahey ayaan sidaas ufiirey, misna ilmada ayaa
kasocota labada dhaban!… Waa gar oo wuxuu arka
caruurtiisa oo hortiisa kudhimaneysa!
Walaalkey Khalid wuxuu kudhintey shil gaari 2sano
kahor! Walaalkey Abdirahman wuxuu qarka usaaranyahey geeri (oo Mareyka
dhakhtar kaga jira)! Aniga waa ikana oo iminka ayaan cagta saaray jidkaas oo
lama oga meesha u kudhamandoona!
Aabahey ayaa isku dayey inuu lahadlo dhakhtarka oo uu
weydiyo ‘inta uu la egyahey halisnimada cudurka ihaya’ , isagoo dhana
qarinaya ilmada kasocota, hase ahaate caadifada aabonimo ayaa ka qaalib
noqotey oo ilmadii ayaa sida biyaha ugu hoortey!
Doctor: Waxba
hatiiranyoonin ya Aba Abdullahi! Arintu waa sahal insha’Allah! Niyada kheyr
usheeg!
Aabahey: Waxaan rabna
inaad nasiisid warqadaha Abdullahi oo dhan iyo wixii baaritan ah ee lasocda
ee muhiim ah! Waxaan udireyna Mareykanka! Wuxuu kadaba tagaya walaalkiis oo
horey loogu daaweynayey halkaas!
Dhakhtarkii wuu naga ogalaadey codsiganagii.
Waraaqihii ayuu soo qaadey Aabahey… passportigii ayaa sideg-deg ah laygu soo
saarey. Waxaana aadney aniga iyo walaalkey A/Asis dalka Mareykanka.
Galabnimo ayaan tagney dhakhtarka,wixii baaritaan
ahaa ee humiim ahaa ayey qaadeen! Wax waliba waxay udhaceen si deg-deg ah.
Subixii ayey igaliyeen qolka qalninka! Maxaa naxdin
ah! Waxaad aragtaba waa qalab, sikiin, midiyaal iyo maqasyaal! Waxaad umooda
qolka ladhigo meydka marka ay nafta kabaxdo! Wajiyo fajacsan! Indho soo
taagan oo aad umoodid inaay kulaqayaan!
Dhakhaatiirtii waxaay gacmaha kuduubteen wixii ay
isaga celinlahaayeen dhiigayga! Isma xukuma, bal ayaga ayaa sida ay doonan
iyo dhanka ay doonan ii ged-gediya! Waxay iga xanbaareen sariirtii laygu soo
qaadey oo waxaay isaareen sariirtii qalniinka!
“BISMILLAHI…LAA ILAHA ILLALAHA” Ayaan afka
kuboobey. Allah ayaan xasuustey. Waxaan sugaaaba waa qalninkii oo bilaabma!
Dadkii hareeraheyga taagna ayaan isha laraacey!
Madaxeyga ayaan gacanta kusalaxey : Miskiin
yaa ra’sii! Sidee buu noqon doona arinkada waxyar kadib, noolal mise geeri!
kalkaaliyashii ayaa diyaar garoobey! Waxaa umaleynaya
dhakhtarkii howshan qabanlahaa inuusan wali soo galin! Si kadis ah,
waxaa furmay albaabkii qolka qalninka! Waxaa kasoo galey nin aadan ka
arkeynin indhaha mooyee! Sidabacsanan kujirta ayuu ii gacan qaadey! Kadibna
qof buu utilmaamey inuu keeno IRBID (irbid weyn), kadibna wuxuu igaga
dhuftey adinka!
Walaahi waxaad umooda daqiiqadii aduunyo iigu
danbeysey! Waxaan galey xaalad qaybuuba (aan war uheyn waxa aduun kasocdo)
Wuxuu bilaabey qalninkii. Madaxa ayuu xiirey; kadibna
meel buu ujirey si goobabin ah oo waxa uu soo saarey laftii, kadibna wuxuu
soo saarey meeshii xanuuneysay (bararka), wuxuu wax yar kaweyna ukunta.
Ilaa iyo iminka howsha waxaay usocota sidii loogu
tala galey! Misana,waxaa dhiig sii dayey xidada maskaxda. Kadibna qaybo
maskaxda kamid ah ayaa howsha joojisay!
Dhakhtarkii ayaa isku dhexyaacey! Gacantii
dhaq-dhaqaaqeeda iyo irbida awgeed ayaa waxaa igu dhacey SHALAL kala bar
dhanka bidix.
Dhakhtarkii markii arintaas arkey ayuu si hal-haleyl
ah ujoojiyey qalninkii wixii kaharey, kadibna laftii ayuu meesheedii
kuceliyey! Wuxuu amrey in laygula cararo qolka naf dhowrka (Intensive Care
Unit). Qalninka kadib waxaan miir la’aan kujirey 5saacadood.
Hadana waxaa howl gab kudhacey lugta bidix; waxaa
layla cararey qolka qalninka. Qalbiga ayey fureen oo ay kurakibeen filtaraad
dhiiga sifeeya. Hadana, waxaay igu celiyeen qolkii naf-dhowrka. 4saacadood
ayaan sidaas kujirey ilaa kilida dhiig furmay!
Mar sedexaad ama afarad ayaa laygula cararey qolka
qalninka; wadnaha ayaa lafurey oo la nadiifiyey. Markii dhiigii laxakameeyey
ayey hadana igu soo celiyeen qolkii kale.
Dhakhtarkii ayaa kudhibaatoodey arinteydii, dhibaato
marka uu xaliyaba midkale ayaa soo baxda! Xanuunyo kala gedisan, xaalado is
rog-rog badan! Hadba filanwaa baa fag soo yirahda .Jaha-wareer ayey kunoqotey
dhakhtarkii howsheyda!
Xaaladeydii ayaa markii danbe yara caga dhigatey 24
saac. Dhakhtarkii ayaa yara dareemey waxooga hormar ah iyo kasoo reyn. Waxaa
sikadis ah cirka isku shareeyey dhiiga(blood pressure). Baaris deg-deg ah
kadib,wuxuu ogaadey inuu suul-bood(infection) ka jiro meeshii laqaley.
Waxaay dantu noqotey in lasoo saaro marlabaad inta aaney sumeyn maskaxda oo
dhan.
Dhakhtarkii wuxuu uqayli dhaansadey tiimkii
lashaqeynayey. Dhabarka intay igu qaadeen sidii meydkii ayey igu tureen
sariirta qolka qalninka.
Waxooga miirka ayaa igu soo laabtey. Kadibna isha
ayaan laraacey xagooda! Talo iyo tabar hasheegin. Ilaah baan talo saartey.
Oohin ban is-heyn waayey. Waxaan kushalaayey
haddii aan hooyadey iyo aabahey mar uun arki lahaa oo aan kadhuunkado gacmaha
iyo walaahi lugaha, kahor intaanan aduunyada macsalaameyn!
Allah ayaan baryey, isaga ayaangargaar weydiistey:
RABBI INNII MASANI ALDURU WA ANTA ARXAMU
ARRAXIMIIN.
Gacmaha ayaan kor utaagey waxaana iri: YAA ARXAMU
ARRAXIMIIN, HADDII AY WAXAAN TAHEY CIQAAB, WAXAAN KAA CODSANAYA DANBI DHAAF
IYO NAXARIIS. HADDII AY TAHEY BALO IYO IMTIXAANA, IGU IRSAAQ SAMIR IYO DUL
QAAD, AJIRKEYGANA II WEYNE. Kadibna oohintii
ayaan lamiir daboolmay. Kal-kaaliyaashii ayaa igu qayliyey ayagoo igula
hadlaya luuqad aanan fahmeynin. Haseyeeshe, waxaan ogaa inaay i aamusiinayan
oo ay igu leeyihiin ‘isu tur dhaawac baad tahey!’
Waxaan bilaabey inaan is aamusiiya oo isa samirsiiyo!
Waxaan xasuustey MIDKA MACAANKA GOOYA(GEERIDA)!
Aniga meesha isdhigey ilaa ay aduunyada kuciyaartey maalmaheyga! Markasta oo
la’ii naseexeeyaba,waxaan dhahaa: Mar dhow ayaan toobad keeneysa, waxaan
toobad keeneyna majiraan!
Waxaa ihoday dhalanyaronimada, quruxda gaariga iyo
dharka! Waan hilmaamey diyaar garowga Aakhiro! Xoogey waa tagey; birina waa
Qabri iyo Xisaab! Tola’ay haddii aan kamid ahaan lahaa dadka salaatu laylka
tukada ee ay hurdada udiidey xusuusta Naarta! Kuwa Soonka uqurxiyey Janada!
Waxa ihoryimid Xashriga iyo Xisaabta anigoo
taagan! Tiiraanyada Qiyaamaha…Siraadka iyo miisanka…! Ayadoo laysu dhiibaya
natiijooyinka xumaan iyo wanaag wixii lageystey! Qaar waxaay kor usii
fuulayan jaran-jarada Janada, Qaarkalana waxay hoos ugu sii daadagayaan
Naarta! Waxaas oo dhan iyo aniga, waxaa noo dhaxeeya in lagu dhawaaqo:
Fulaan waa dhintey!
Waxaan kabaqaya inaan kudhawaaqo:
Ilaahayow igu celi aduunyada si’aan usoo shaqeysta! Oo
laygu jawaabo: Cumrigadii aduunyada waa dhamaadey!
Geeridi iyo dadkuk war usuma hayaan! Waxay
kumashquulsanyihiin aruurinta aduunyada ayagoon calfana waa laga qaadaya,
waxay dhisanayaan guryo w/weyn ayagoon kunasana waa laga qoor qabanaya.
Cakuye aduunyadan.
Xaaladayda ayaan dib umilicsadey “Cumrigeyga waa
koobanyahey, naftana waa macduum marka ay iga baxdo, jirkeygana waxaa cunaya
aboorka (duud)!
Waxaa ii xiga waa Allahii ixisaabinaya waxyar iyo wax
weyn intaba!
Dhaktarkii ayaa soo baxay, waxaan weydiiyey xanuunka
iyo sababta keentey. Dheg jalaq ima siin… wuxuu amar kubixiyey inaan layla
hadlin oo layga digtoonaado!
Qalkii iyo howshii waxay qaadatey saacad. Waxaa igu
harersan waa qalabkii qalninka; kani waa kii neefta, kani waa kii…
dhankastana waxaa iga taagan kal-kaaliyaal.
Xageen jooga? Waxaan xasuustey inaan America jooga,
qolka qalninka. Gacanta ayaan kor uqaadey anigoo baaraya bal sida madaxa
xaalkiisu yahey, mise waa jilecsanyahey! Meeyey laftii? Shaley waa kii buuxey
ee maxaa kudhacey? Oohin ayaan afka qabsadey! Dhakhtarkii ayaan weydiiyey:
Aawey madaxeygii intiisii kale?
Doctor: laftaada (lafaha madaxa laga saarey) anaga
ayaa hayneyna, waan hagaajineyna. 6bilood kadib ayaad soo noqoneysa si’aan
ugu celino meeshiisii!
Dhowr m/mood ayaan kujirey Intensive Care; kadibna
waan kabaxay. Hal bil ayaan sii joogey America, kadibna waxaan kulaabtey
Riyadh, caasimada Sacuudiga.
Waa ikana anigoo sugaya inaay dhamaato 6dii bilood
si’aan usoo qaato madaxeygii intii kahartey!
Intaas kadib Abdullahi waa aamusay ‘isagoo isku
celinayo oohin’
Aniga ahaan(ninka sheekada kasoo qorey Abdullahi”
waan dhageysanayey anigoo layaaban sida ay ayaamuhu isu badalan!
Marka uu ahaa shaab xoog badan , waji quruxsan leh,
ku raaxeysanayo hantida faraha badan, ka soo jeeda qoys la jecelyahey, ayuu
maanta sidaas noqday! Waxay igu noqotey cibro qaadasho! Waxaa nasahan Allah
wax xukuma ee aan laxukumin! Cakuye Aduunyo!
Al-Xamdullilahi, Allah wuu caafiyey oo wuu kabad
baadey shalal,lugihiisa ayuuna kusocday!
Mudo ayuu kala go’ay xariirkanaga, hadana isaga ayaa
ilas soo xariirey, wuxuuna ii sheegey inuu hada baxayo si’uu usoo qaato wixii
kaharey madaxiisa. Hadana,markii uu soo laabteyna waan soo siyaartey,waxaana
wajigiisa kamuuqatey farxad aan lasoo koobi karin! Allahba usoo celiyey
caafimaadkiisii.
Wuxuu isiiyey cardka(casuumad) guurkiisa oo uu iigu
yeeraya inaan kasoo qeyb galo!
Hada wuxuu kamidyahey dadka kheyrka hormuudka ka ah.
Wuxuu wax siiyaa intaas oo masaakin oo uu usoo aruuriya Zakada. Wuxuu kale oo
iskuduba rida Muxaadarooyinka iyo daabicada kutubta.
“Waxaa lagayaaba inaad dhibsataan arin, ayadoo Allah
uu idinka yeelayo arintaas kheyr farabadan”
Allah ha nagu dhigo kuwa kafaa’ideyso caafimaadka aan
lasoo koobikarin ee aan kujirno.
By DR. Muhammad Bin Abdurahman Al-Cureyfi.
Tarjama: Adam Abuzuhri Al-Hassani.
Al-Hassani
abuzuhri1@hotmail.com
Qaybtii: 1aad |
2aad
Qiso Xiisa leh: “Sawirkan Lama Ogala. Waxan Rabna Sawir Midab ah oo
wajiga, timaha iyo qoorta wada muuqato”
»
Caruurtan Hooyadood Waa Faranji!
»
Fadeexada Paltalkga: iyo
Dulmiga Walaasha Muslimada ah
.
“Warhoy Dadow aniga Madilin Ninkan Laakiinse Waxaan
Dilay Nafkale!”
.
Sideed u seexataa anagoo xaaladan kujirna [Qabtii
2aad]
.
Sawirkan Lama Ogala, Waxan Rabna Sawir Midab ah
.
Cajalad Video ah ayaa burburisey noolasheyda
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|