SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -FAR SOOMAALI

April 13, 2004

TAARIIKHDA QORAALKA FAR SOOMAALIGA

W.Q: Axmed Haybe (Axmed Dawlo)

  haybe2000@yahoo.com

Hordhac

Af Soomaaligu waxaa uu ka mid yahay luuqadaha Geeska Afrika kuwa ay ku hadlaan dadka ugu tiro badani. Dadka Soomaaliyeed ee ku hadlana waxay ku dhaqan yihiin deegaan aad u baaxad weyn oo u dhexeeya gacanka Tojorra ilaa iyo webiga Tana ee Waqooyiga Kiiniya.

Inkastoo af Soomaaliga ay ku hadlaan dad tiradaas leh ee ku baahsan dhulka baaxadaas ballaadhan leh, haddana qoraal rasmi ah oo ay dadka Soomaaliyeed ku dhaqmaan wuxuu yeeshay 1972 dii. Muddadii intaas ka horreysay qoraalada ay dadweynaha Soomaaliyeed ku wada xidhiidhaan wuxuu ahaa luuqadaha Carabiga, Ingiriisiga iyo Talyaaniga.

Si arrintaas loo xaliyo waxaa la isku dayey inay wax ka qabtaan aqoonyahano Soomaali iyo ajinebi isugu jira. Tusaale ahaan, sannadkii 1961 dii waxaa la soo hor bandhigey Guddiga Luuqadaha (Linguistic Commission) 18 nooc oo Af Soomaaliga loo qori karo (scripts). 11 farahaas ka mid ah waxay ka mid ahaayeen faro cusub oo ay aqoonyahano Soomaaliyeed allifeen. Toddobada soo hadhayna 4 ka mid ahi waxay adeegsadeen farta Carabiga, halka ay 3 da kale ku salleysnaayeen qoraalka Laatiinka. Muddadii ka horreysay 1972 dii oo ahayd, sida aan kor ku soo xusnayba, markii xukuumada Soomaaliyeed soo saartey go’aankii qoraalka la aqoonsan yahay ee af Soomaaliga waxaa aqoonyahanada dersa af Soomaaliga ka dhex alloosnaa dood aad u kulul oo ku aadaneyd nooca qoraalka loo aqoonsanayo af Soomaaliga (Official Somali Script). Run ahaantii, dhibaatada taalay ee marnaba suurto gelin weyday in la helo go’aan la isku raacsan yahay waxay ahayd fikirka iyo aragtiyada ay qeybaha bulshaddu ka qabeen arrinkaas oo aad u kala fogaa. Aqoonyahanada hormuudka ka ahaa araa’daa kala duwan waxaa ka mid ahaa: Yaasiin Cismaan Kenediid, Shire Jaamac Axmed, Ibraahim Xaashi Maxamuud, Xuseen Sheekh Axmed Kadare iyo qaar kale oo badan. Sidaas daraadeed, waxaa aynu odhan karnaa dadaal ma yareyn, laakiin waxaa jirtey dood la soo af jari kari waayey.

Waxaa iyana intaas dheeraa sababo kale oo dhawr ah oo loo aaneyn karo qoraal la’aanta af Soomaaliga. Tan koowaad waxaa la odhan karaa waxaa aan xil weyn iska saarin hirgelinta qoraalka far Soomaaliga xukuumadihii gumeysiga ee Ingiriiska, Faransiiska iyo Talyaaniga. Mida labaad waxay ahayd dadweynaha Soomaaliyeed oo u arkayey in la isticmaalo far aan ahayn tan Carabiga inay diinta Islaamka lid ku tahay. Tusaale ahaan, wax yar ka hor Dagaalkii

Labaad ee Adduunka waxay Waaxda Waxbarashadda ee maxmiyada Ingiriiska ee ka jirtey gobolada waqooyi isku dayday inay hirgeliso qoraal farta Soomaaliga ah oo ku salleysan xuruufta Laatiinka. Waxa ay taasi dhalisey in kacdoon ballaadhani uu ka dhaco magaalada Burco. Halkaas oo dhagax lagu dili gaadhey labadii sarkaal oo ka tirsanaa Waaxda Waxbarashadda. Dadkuna waxayku dhawaaqayeen erayada ah “Laatiin waa La’ Diin”, taas oo macnaheedu yahay “Laatiin waa diin la’aan.” Waxaa dagaalo aad u kulul iskaga hor yimid shacab weynihii mudaharaadka dhigayey iyo ciidamadii booliiska ama amniga. Taas oo dhalisay in dib looga noqdo mashruucaas isaga ah. Tan saddexaad, waxaa iyana wax laga saari karaa qoraal la’aanta af Soomaaliga isticmaalka luuqadda Carabiga oo Soomaalidu aad ugu adeegsan jirtey dhinacyo badan oo ku aaddan adeegyada bulshadda iyo arrimaha ijtimaacdiga ah, sida arrimaha shareecada, ganacsiga, iwm. Taas oo malaha dhalisay inay yaraato baahida loo qabo qoraal af Soomaali.

Haddaba, qoraalkan waxaanu si kooban ugu soo bandhigi doonaa taariikhda qoraalka af Soomaaliga oo maanta  Soomaalida badankeedu aanay wax badan ka aqoonin, khaas ahaan intii dagaalad sokeeye dhaceen oo qoraalo badan iyo aqoon badan oo af  Soomaaliga ku aaddaniba ay lumeen.

QORAALADA AY SOOMAALIDU ALLIFEEN 

(THE NATIONAL SOMALI SCRIPTS)

Sida aynu horey u soo tilmaaney, waxaa Guddiga Luuqada ee 1961 kii la soo hor dhigay 11 farood (11 scripts) oo luuqada Soomaaliga lagu qori karo oo ay aqoonyahano Soomaaliyeed allifeen. Guddiga luuqadu waxaa ay soo bandhigeen 17 qoddob ama shuruudood oo lagu qiimeeyo far kasta oo la soo hor dhigo (kuwaas oo aynu ku soo qaadaa dhigi doono qeybaha dambe ee qoraalkan). Hase yeeshee, waxaynu halkan ku soo qaadan doonaa saddex ka mid ah farahaas oo aan ku eegi doono dhinacyada taariikhda, sida ay caanka uga noqdeen iyo qoddobo kale oo muhim ah. Laba ka mid ah farahaas waxay Guddigii Luuqada ee 1961 dii ku tilmaameen inay buuxin kari waayeen shuruudihii iyo qoddobadii ay u dhigeen inay ku qiimeeyaan faraha kala duwan ee la soo hor dhigay.

Saddexda far Soomaali ee aynu qoraalkan ku soo qaadanaynaa waxaa ay kala yihiin:

1.      Qoraalka farta Soomaaliga ee uu allifey Cismaan Yuusuf Kenediid 1920 dii. Qoraalkaas waxaa loo yeqaanaa Cusmaaniya,(waxaana loogu magac daray ninkii allifey oo Cismaan la odhan jirey), waxaa mararka qaarkoodna la dhihi jirey Far Soomaali (Somali Script).

2.      Qoraalka farta Soomaaliga ee uu allifey Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur 1933 dii oo loo yeqaano Far Gadabuursi (Gadabuursi Script), waxaana loogu magac daray qoyskii uu ka dhashay.

3.      Qoraalka Far Soomaaliga ee uu allifey Xuseen Sheekh Axmed Kadarre 1952 dii oo iyana loo yeqaano Fartii Kaddariya (Kaddariya Script), waxaana loogu magac daray ninkii allifey oo Kaddare lagu naaneyso.

CUSMAANIYA (FAR SOOMAALI)

Farta Cismaaniyadu waxaa weeyaan farta ugu da’da weyn uguna caansaneyd faraha ay Soomaalidu allifeen, amase aynu ugu yeedhi karo Faraha Waddaniga ah (National Scripts). Cusmaan Yuusuf Keenadiid oo ahaa ninka allifey fartan waxaa uu dhashay 1898 kii. Waxaa uu ka mid ahaa 4 wiil oo uu dhalay suldaankii Hobyo Suldaan Cali Yuusuf Keenadiid. Cismaan wuxuu ahaa nin aqoon u leh Luuqadaha Carabiga iyo Talyaaniga. Waxaa intaa u dheeraa isaga oo ahaa gabayaa iyo suugaan yahan. Markii hore waxaa uu Cismaan isku dayey inuu af Soomaaliga ku qoro xuruufta af Carabiga. Laakiin arrintaas wuu ku qanci waayay. Gaar ahaan markii xarfaha Carabiga uu ka waayey qaar matali kara dhawaaqyada gaarka u ah luuqada Soomaaliga.

1920 kii Cismaan waxaa uu soo bandhigay far Soomaali uu isagu allifay oo runtii wax weyn ku soo kordhisay horumarinta af Soomaaliga. Fartanu waxaa ay markii ugu horreysayba suurtogelisay in la helo shaqalo iyo xuruuf lagu qori karo dhammaan lahjadaha iyo dhawaaqyada af Soomaaliga. Intii aan la qaadan Far Soomaaliga aynu hada isticmaalo, waxay farta Cismaaniyadu ahayd tan ugu caansan faraha af Soomaaliga ah ee jirey. Waxaa sannadihii lixdamaadkii isticmaali jirey dad lagu qiyaasay 50,000 oo qof.  Waxay dadweynaha fartan yeqaana u isticmaali jireen in lagu wada xidhiidho laguna keydiyo qoraalada af Soomaaliga. Waxaa jira qoraallo fara badan oo fartan ku qoran oo ay haystaan shakhsiyaad gaar ahi (private collections), oo ay qaar ka mid ah leeyihiin muhimad suugaaneed iyo mid taariikheedba. Fartani waxay ka kooban tahay 41 xaraf oo nooc ka mid ah leeyahay daabacaad (printing and no cursive writing). Waxaa laga bilaabaa qoraalkeeda dhinaca bidixda (from left to right), waxayna leedahay qoraalkeeda tirada (numerals). Guddiga Luuqada ee 1961 dii waxaa uu fartan ku tilmaamay inay leedahay 7 qoddob oo faa’iido ah iyo 10 dhalliilood. Arrintaasina waxay keentay in lagu taliyo inaan fartan la qaadan.

Macluumaad dheeraad ah oo fartan ku saabsan waxaa laga heli karaa qoraalada uu diyaariyey B.W. Andrzejewski oo loo yeqaano Macallin Guush oo ku jira buugga la yidhaahdo Handbook of Somali Studies, oo uu isku dubbariddey Charles L. Geshekter iyo qoraalo kale oo ay diyaariyeen  Manio, Maria: La Lingua Somala: instrumento D’insegnamento professionale. Alessandria , Italy : Ocella, 1953 iyo Moreno Mario Martino. Il Somalo della Somalia. Rome : Instituto Poligrafico dello Stato, 1955.

FARTA KADDARIYA

Fartan waxaa soo saaray Xuseen Sheekh Axmed Kaddare sannadkii 1952 dii. Xuseen waxaa uu ahaa nin dhallinyar oo aad u firfircoon oo ka tisanaa shaqaalihii Raadiyo Muqdisho. Markii dambena, waxaa uu noqdey madaxa qeybta af Soomaaliga ee Akademiyadii Cilmiga iyo Fanka (Somali Academy of Sciences and Arts).

Farta Kaddariya sida tan Cusmaaniyada maaysan noqon mid caan ah ama mid ay dad badani aad u yeqaano. Laakiin, waxaa ay leedahay qiimaheeda taariikhiga ah. Fartan ma yeelan makiinado iyo qalab lagu garaaci karo (typewriters and printing machines) iyo qoraallo fartan ku soo baxay. Fartani waxay ka kooban tahay 41 xaraf iyo afar nooc oo loo qoro. Qoraalkeeda waxaa laga bilaabaa dhinaca bidixda una socotaa dhinaca midigta (from left to right). Fartan markii loo gudbiyey Guddigii Luuqadaha ee 1961 dii waxaa ay soo jeediyeen in dhawr waxyaabood dib loogu noqdo. Kedib markii arrimahaas la soo dhammeystireyna waxay guddigi ku qiimeeyeen inay kaalinta labaad gashay (waxaa ay ku xigtey tan isticmaasha xuruufta Laatiinka oo kaalinta koowaad gashay oo uu soo gudbiyey Shire Jaamac Axmed).

FARTA GADABUURSI

Taariikhdu markii ay ku beegneyd 1933 dii Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur oo ka dhashay qoyska Reer Ugaas ee qabiilka Gadabuursiga ayaa waxaa uu allifay Far Soomaali, markii dambena loogu magac daray qabiilkiisa. Sheekh Cabdiraxmaan waxaa uu ahaa nin wadaad ah oo aqoon fiican u leh diinta Islaamka. Waxaa uu macallin diinta Islaamka dhiga ka ahaa Waaxda Waxbarashadda ee Maxmiyadii Ingiriisiga ee Waqooyiga Soomaaliya. Waxaa uu markii dambe Qaadi ka noqdey magaaladda Boorame, jagadaas oo uu aabbihii uga dambeeyey. Fartaas uu Sheekh Cabdiraxmaan soo saarey waxay ka mid ahayd farihii la soo hor dhigay Guddiga Luuqada.

Fartani waxay ahayd mid ay dad aad u tiro yari yeqaanaan, isla mar ahaantaasna, aysan dadka badankii maqalba. Sidaas darteed, daraasaad badan iyo wax horumar ah laguma sameyn sida tan Cusmaaniyada. Hase ahaatee, waxay leedahay qiimaheeda taariikhiga ah. Fartan markii la hor dhigay Guddigii Luuqada ee 1961 dii, waxay ku tilmaameen inay leedahay 5 qoddob oo faa’iido ah iyo 12 cilladdood. Taasina waxay keentay in lagu qanci waayo sidii tii Cusmaaniyada oo kale.

Faraha kale ee ay Soomaalidu alliftey ee la soo hordhigay Guddiga Luuqada waxaa kala qorey: Cabdulqaadir Cadde Muunye (1961), Mustafe Sheekh Xasan (1951), Daa’uud Maxamed (1928), Cali Sheekh Cabdullaahi qutbi (1952), Xuseen Xaashi Halak (1960), Maxamed Jaamac Salaad (1960), Qaasim Hilowleh (1960) iyo Maxamuud Axmed Maxamed (1961). Farahan wax qoraalo ah oo badan lagama hayo. Meesha qudha ee lagu xusayna waxaa weeyaan Warbixintii Guddiga Luuqada ee 1961 kii. Warbixintaas waxaa ku qoran xuruufaha farahaas iyo shakhsiyaadkii soo saaray. Hase ahaatee, ma cadda sida xarfaha loogu dhawaaqo. Dhammaan farahaas kala duwani waxay caddeynayaan sida shakhsiyaad badan oo Soomaaliyeed ay isugu mashquuliyeen inay allifaan far Soomaalida u gaar ah. Waxa ay dhammaantood wadaagaan iyaga oo isku dayay inay aad uga fogaadaan farihii jirey. Arrintaasi run ahaantii waxay keentay wareer badan iyo xarfaha qaarkood oo isu ekaadaan. Cilladda ugu weyni waxa ay ahayd iyaga oo aan midkoodna isticmaali karin makiinadihii iyo qalabkii daabacaadda ee waddanka yaalay.

W.Q: Axmed Haybe (Axmed Dawlo)

  haybe2000@yahoo.com 

Lasoco qaybta 2aad....

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 13, 2004

 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
 
AFSOOMAALIGA OO QARKA U SAARAN IN UU KASUULO LUQADAHA AFRIKA
usheeg waraabow baa igu dhacaye waxaa loo tarjumey...
 
Af-qalaad Aqoontu Miyaa?
Maxaa keenay in dadka Soomaaliyeed ay afkoodii hooyo kadoor bidaan afaf qalaad? [Cibaar]
 
WAA IN LAYAREEYA HORMARINTA AFSOMAALIGA!
Waxaan filaya in laga doodi karo fikrada ah “Afsoomaliga maxaa loo yasayaa?”
 
Qofkii aanan garanayn afka Ingiriisiga waa jaahil
Arrintaasi ma dhabbaa? Inteese- in la’eg ayaa lagu gumaystaa?
 
WAA IN LAYAREEYA HORMARINTA AFSOMAALIGA!
Waxaan filaya in laga doodi karo fikrada ah “Afsoomaliga maxaa loo yasayaa?”
 
Sunta ku duugan Soomaaliya

Macdanta ku duugan Soomaaliya

 
Qoraalkaaga oo aad Loo Fahmo Waa Muhiimadda Koowaad [A.Sheikh]
 
Qaamuuska maamaahyada Soomaaliyeed
 
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga

DHAWRITAANKA XUQUUQDA QORAALKA

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD