Qaarada Africa iyo Gumaystayaashii Taabay
(Qaybta 2)
W/Q, Ahmed Iid Aadan | June 24, 2003
ahmediid@hotmail.com
India
Sidii aan qaybtii hore ee maqaalkan kusoo sheegay markii warkii afrika loo
riyaaqay ayaa ahayd horaantii qarnigii 19aad,laakiin ka hore waxa jiray
shirweynihii afrika lagu qaybsanaayay oo uu abaabulay boqorkii xukumi jiray
dalka biljam ee la odhan jiray king leopold II ,wuxuuna shirkaas ujeedadiisa ku
tilmaamay mid lagaga hadlaayay wax uu ugu yeedhay Qorshaha ilbixinta iyo
horumarinta dadwaynaha qaarada africa,waxaana ka qayb galay shirkaas wadamo
badan oo reer yurub,shirkana ujeedadiisa say doonaan haw sheegaanee wuxuu ahaa
shirkii qaybtinta Afrika.
Mudadii u dhexaysay (1880-1914) in yar uun ka
hor dagaalkii koowaad ee ay yidhaahdeen aduunkuu ka dhacay waxa sii liciifaayay
xidhiidhkii u dhexayn jiray wadamo badan oo reer yurub ah,waxaana xiligaas
yurub ka aloosnaa sababihii dhaliyay dagaalkii koowaad ee aduunka,kuwaas oo
ahaa qaar hore u jiray iyo markii dambe sii huriyay,sababaha horey u jirayna
waxaa kamid ahaa
1)Tartan Ganacsi oo ahaa mid uu wadan kasta oo
wadamadii yurub ugu waawaynaa ka mid ahi ku doonaayay inuu saylado u helo
waxyaabaha ay soo saaraan warshadihiisu.
2)Tartan qoomiyadeed oo ahaa inay xiligaas
dadka intii isku af,diin dan ,iyo dhaqan ahi is urursadaan si ay ula tartamaan
dhigooda.
3) Tartan ciidan oo ay wadamadu xooga
saarayeen sidii ay u yeelan lahaayeen ciidan tiro iyo tayoba leh,waxaana ugu
hormarsanaa wadanka jarmalka oo aad xaga sancada ugu horeeyay waagaas inkastoo
markii dagaalkii lagaga guulaystay la xadiday awoodiisii ciidan.
Iyadoo ay jiraan sababahaas sadexda ahi ayaa
waxa soo kordhay tartan dhulgumaysi oo xiisadihii awalba horay u oognaa hawada
kusii shareeray,tartan dhul gumaysi oo xidhiidh la leh qodobka (1) wuxuu wadan
waliba ku doonaayay inuu qaaradii africa ee la qaybsanaayay isagu helo qaybta
ugu wayn si alaabta ceedhin (raw materials) ee afriki qaniga ku tahay
warshadohooguna la,aantood ayna shaqayn karin ay u helaan,iyo waliba inay
saylad wayn oo ganacsi ka dhigtaan hadba dhulka ay qabsadaan.
Muddo markii laga soo wareegay shirkii
qaybinta afrika ayuu boqorkii biljam dhulka maantay loo yaqaan koongo ka
samaystay saldhig si uu goobtaas maamul uu isagu leeyahay uga sameeyo, inkastoo
uu qorshahaas hirgaliyay hadana waxa jiray faransiiska oo qayb dhulkaas kamida
ku andacooday markii dambena helay waqooyiga koongo.
Dadkii Afrikaanka ahaa ee kunoolaa dhulkii
boqorkaasu qabsaday waxay kala kulmeen xukunkii boqorka oo lagu tilmaamay mid
amar ku taaglayn ahaa dhibaatooyin badan oo ay kamid ahaayeen cashuur xad dhaaf
ahayd oo lagusoo rogay dadkii tuulooyinka ku noolaa.
Maamulkaas marka laga tago waxa kaloo jiray
Ingiriiska iyo Faransiiska oo iyaguna dhulal badan saldhigyo kulahaa,Ingiriisku
wuxuu markii hore qabsaday waadigii nayjar iyo dhulal kale oo ay daganaayeen
beeralay dutch ahaa,markii dambena beera falatadaas iyo ingiriiska waxa dhex
maray dagaal wayn (sanadkii 1899),waxaana laga guulaystay beera falatadii
kadibna dhul uu halkaas ingiriisku ka qabsaday iyo dhulal kale oo ka ag
dhowaaba wuxuu ku magacaabay dhulkii midnimada afrikada koonfureed sanadkii
1910 kii.
Sanadkii 1914kii markii uu bilaabmi doono
dagaalkii koowaad,ingiriisku wuxuu haystay dhulkii ugu badnaa qaarada afrika
waxaana kamid ahaa dhulkaas kanaal suez masar,suudaan,ugaandha,Afrikada
barri(kiiniya,somaliland), dhulkii roodhiishiya,iyo siiralyoon.
Dalalkii kale ee reer yurub ee dhulalka africa
haystay waxaa kamid ahaa Fransiiska, Isbayn, Jarmalka, Talyaaniga, Boortaqiiska.
Faransiiska wuxuu haystay Tuuniisiya,
Aljeeriya, Marooko, Sinigaal, madagaskar, xeebta gunia, Jabuuti, iyo meelo
kamid ah badhaha iyo Afrikada galbeed.
Isbayn iyaduna waxay qabsatay qayb marroko
kamid ah,jasiiradii kaanary ,talyaaniga oo ayidsanaa sheegashadii Faransiiska
ee marooko baa kasoo horjeeday in isbayn ama jarmalku halkaa qabsado hayeeshee
dhulka talyaanigu haystay waxaa kamid ahaa Eratariya,Somalia,iyo Itoobiya oo
markii dambe uu ku guul daraystay.
Jarmalka oo tartankii dhulgumaysiga soo galay
xiliyadii u dambaysay ee dagaalkii koowaad soo dhowaa wuxuu helay meelo kamid
ah koonfurta galbeed ee afrikaayna ka mid ahaayeen Kamaroon (qayb), Toogolaand,
dhinaca barina taanganiika laakiin gaashaan buurtii kaga guulaystay dagaalkii
koowaad baa shuruudo adadag kusoo rogay jarmalka.
Boortaqiiska oo kamid ahaa wadamadii afrika
usoo hor galay wuxuu kamid ahaa wadamadii looga badiyay tartankaas xoogiisii
sidaas darteed wuxuu ku tuntuunsaday Angoola iyo muusambiig.
Qaaradii afrika waxay noqotay meel si toos ah
ay gacanta ugu dhigeen gumaystayaashii reer yurub, waxayna ka dhigteen meel
khayraadkana ay ka qaataan saylad na u ah oo ay u iib keeni jireen waxyaabaha
warshadohoogu soo saaraan, laba wadanbaa la tilmaamaa inay gumaysigaas ka
badbaadeen waa laybeeriya iyo itoobiya oo mudo yar la gumaystay markii dam,bena
xor ahayd,laakiin waxay ahayd uun in yar kadib dagaalkii labaad markii ay
wadamadaasu tuureen heeryadii gumaysiga.
Akhri:
Qaybtii 1aad
W/Q,
Ahmed Iid Aadan | June 24, 2003
ahmediid@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku
saxiixan,
Faafin: SomaliTalk.com | June 24, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|