Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay gudoomiyaha gobolka Istanbul iyo
ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Turkey
Istanbul, September
30, 2013----Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”
ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kulamo kula qaatay ardayda Soomaaliyeed
ee wax ka barata Turkiga, jaaliyadda Soomaalida, gudoomiyaha gobolka Istanbul
Mudane Huseyin Avni Mulu iyo ganacsato u dhashay dalka Turkiga.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xalay kulan dheer la qaatay ardayda
Soomaaliyeed ee waxbarshada u jooga dalka Turkiga, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu uu
kula dardaarmay ardaydan in ay ka faa’iidaystaan fursadaha waxbarasho ee dalka
Turkiga ay ku haystaan isla markaana ay dhowraan sharafta dalka. Ra’iisul
Wasaaruhu waxaa uu ardayda uga warbixiyay xaaladda dalka Soomaaliya iyo
waxyaabihii uga qabsoomay socdaalka halkan uu ku joogo, waxaana uu ammaanay
doorka dawladda turkiga ee dib u dhiska dalka.
“Waxaan u aqoonsanay 19, August 2011 maalinta xiriirka dalalka Soomaaliya iyo
Turkiga, ardayda waxaa laga doonayaa in ay sanad kasta u dabaal dagaan
maalintaasi oo ku beegan markii Ra’iisul Wasaaraha Turkigu uu booqday dalka
Soomaaliya xilli aad loogu baahnaa gurmadka caalamka, sidoo kale waxaa ay
miisaaniyad-kabid ku sameeyeen dakhliga dawladda Soomaaliyeed ee shaqada aan ku
wadno” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon”Saacid”
iyo marwadiisa Caasha Xaaji Cilmi ayaa ka qaybgalay casho casharaf ay si wadajir
ah ugu sameeyeen magaaladda Stanbul gudoomiya gobolka Stanbul Mudane Huseyin
Avni Mutlu iyo marwadiisa Mutlu.
Kulankan oo sidoo kale ay ka qaybgaleen wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa looga
hadlay xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii dawladda Turkigu u kordhin
lahayd mashaariicda kala duwan ee dalka ay fulinayaan sida amniga, ganacsiga,
waxbarshada iyo horumarinta adeegyada bulshada.Gudoomiyaha gobolka Istanbul
waxaa uu balan qaaday in kaalin muuqata ay ka qaadan doonaan dib u dhiska
magaalada caasimadda ee Muqdisho iyo guud ahaan gobolada Soomaaliya.
Waxaa kaloo uu Ra’iisul Wasaaruhu kulamo la qaatay duqa Stanbul iyo qaar kamid
ah ganacsatada dalka Turkiga iyadoo laga dooday iskaashiyo kor loogu qaadayo
ganacsiga iyo maalgalinta dalka Soomaaliya oo kasoo kabanaya burburkii ku dhacay
22kii sano ee lasoo dhaafay.
Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda Federalka Soomaaliya
Istanbul - Turkey
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 30, 2013
|