Waxqabadka Saddexda Kooxo Howleed ee Dallada SOSCENSA. (Three Thematic
Working Groups “TWG”) oo Kulan isugu yimid.
Waxaa maanta Hotelka CITY PALACE ee Magaaladda Muqdisho Kulan isugu yimid
Xubnaha Jilayaasha aan Dowliga ahayn ee Koonfurta iyo Bartmaha Soomaaliya (SOSCENSA)
, waxaana Goobjoog ka ahaa Doodaas Xubno ka socdey Wasaaradda Arrimaha Dibadda ,
Xildhibaano iyo Wasaaradda Garsoorka ee Dowladda Federaalka ,waxaana Dood laga
yeeshey Qodobadii loo direy Saddexda Kooxo Howleed ee Dallada SOSCENSA. (Three
Thematic Working Groups “TWG”) iyo waxa u Qabsoomay iyo Waxa ay Qabanayaan
Muqstaqabalka

waxaana ugu Horeyntii halkaa ka Hadley Agaasimaha Fulinta ee Dalladda SOSCENSA
Xasan Axmed Sadiiq oo ku Dheeraadey Ujeedooyinkii loo Aas-Aasey Dalladda
SOSCENSA iyo waxyaabihii u Qabsoomey mudadii Dheereed ee ay Dhisneyd Daladaas
laga soo bilaabo 2008 ilaa 2013
Waxaa kaloo halkaas ka hadley Gudoomiyaha Dalladda SOSCENSA Cabdulaahi Maxamed
Shirwac oo sheegey in sababaha loo sameeyey Sadexdaas Guddi Howleed in ay tahay
in ay ka Qareemaan Qodobadii loo direy islamarkaana Dowladda ka siiyaan wixii
Talooyinka ah oo ku saabsan Amniga iyo Qaran Dhisidda , Dastuurka iyo Sharciyada
Dalka iyo Samafalka (Gargaarka) iyo Gaarsiinta Adeegga Bulshada.

Ugu Dambeyntii Doodii maanta waxaa soo Xirey Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda
Arimaha Dibadda Jamaal Maxamed Barrow oo u Mahadceliyey intii soo Abaabushey
Doodaas , isagoo sheegey in Qodobadii loo direy Guddi Howleedka ay yihiin kuwa
loo baahnaa islamarkaana Dowladda wixii Talooyin ah ee ka soo baxa ay qaadan
Dooto , hadii dib u Milcsano Qodobadda loo direy Kooxo Howleed ee Dallada
SOSCENSA. (Three Thematic Working Groups “TWG”) waxay kala yihiin .
Kooxda Koowaad Waxay ka shaqeynaysaa Nabadda iyo Qaran Dhisidda. (Peace-building
and State-building) Kooxda Labaad: Waxay ka shaqeynaysaa howlaha Dastuurka iyo
Sharciyada dalka (Democratization) Kooxda Saddexaad: Waxay ka shaqeynaysaa
howlaha Samafalka (Gargaarka) iyo Gaarsiinta Adeegga Bulshada. (Aid and public
service delivery)
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 30, 2013
|