FACII IS-BEDDELKA
Qof walba wuxuu nolosha ku lee-yahay sad u gaar ah. Cimrigu waa midka ugu
milgaha culus oo lagu dheefsado nolosha. Calafka cimriga, xumaantiisa iyo
samaantiisa waxaa qofka la wadaaga dadka la faca ah ee xilli-dhalashadooda ay
isku dhowdahay. Waxaa kaloo ku weheliya faco ka yar-yar iyo faco ka waaweyn. In-kasta
oo ay yihiin saddex fac oo isa-soo gaaraya, misana wadar u-jooggoodu si siman
uma muddeysna. Faca dhallinyarada ah oo iyagu leh xilliga, ayaa waxay yihiin
tamarta jaheysa bulshada. Faca ka yar-yar waxay yihiin magan u dabran wixii
sooryo-gal ah oo ay helaan. Faca ka waaweyn ayaa iyaguna waxay matalayaan
bakhaaro ay ku keydsan yihiin khibrad iyo waayo-aragnimo laga doonayo inteeda
wanaagsan in ay u gudbiyaan faca dhallinyarada ah. Nolosha waxay aadamiga bartey, aabihii aanan caruurtiisa u diyaarin in ay isaga
ka wanaagsanaadaan, caruurtaasi mooryaan ayay noqonayaan oo iyaga ayaa silcinaya
waalidkood. Waxaa lamid ah macallinkii aanan ardeydiisa u diyaarin in ay ka
wanaagsanaadaan, ardeydaasi mooryaan ayay noqonayaan oo iyaga ayaa silcinaya
kuwii wax barey. Sidaas oo kale waxaa ah faca waaweyn ee dhallinyaradooda aanan
diyaarin u diyaarin in ay ka wanaagsanaadaan, facaasi dhallinyarada ah mooryaan
ayay noqonayaan oo iyaga ayaa silcinaya facii ka waaweynaa. Facaadda dhallinyarada ah, waa xilli qofka aadamiga ahi uu ku sugan yahay
heerkii noloshiisa ay ugu wacnaansho badan-tahay. Waa xilliga uu qofku ugu
xooggan yahay, ugu fir-fircoon yahay, ugu waxbarasho badan yahay uguna wax-qabad
badan yahay. Waa xilli uu yahay gaashaan-qaad oo noloshu ay u kala-guureyso.
Wuxuu ka soo gudbayaa xaalad caruurnimo oo uusan lahayn faham nolosha uu ku
qiimeeyo. Wuxuu u tallaabayaa muqdarnimo garaad uu ku fahmo qiimeynta nolosha.
Xilligaas kala-guurka ah, waxaa lagu xisaabiyaa xilliyada qofka soo mara xilliga
ugu milgaha culus. Sababtu waxay tahay waa xilliga uu qofku si buuxda u
hana-qaadayo oo ay ku bilaabaneyso dareenka ah in uu nolosha wax ku lee-yahay.
Wuxuu bilaabayaa in uu dibadda soo dhigo qaabkii uu ku midabeyn lahaa
khibradihii yaraa iyo aqoontii uu nolosha ku kasbadey, isla-markaas uu raadinayo
aqoon dheeri ah. Wuxuu markaas adeegsanayaa awoodda caqliga ee curdanka ah iyo
awoodda jirka ee xooggan, isaga oo marka hore baadi-goobaya kororsi
waaya-aragnimo, marka xigana fayiigsi iyo ficil wada-jira ku tiigsanaya
timaaddada. Isla-xilligaas qofka dhallinyarada ah wuxuu bilaabayaa guda-galka dhisid qoys si
uu uga qeyb-qaato tallaalka abuurkii uu kaga qeyb-geli lahaa nolosha bulshadiisa.
Xilligaas hore, gudaha jirka qofka dhallinyarada ah waxaa ku dhacaya is-beddello
xooggan. Waxay ka muuqanayaan naqshadda xubnaha iyo qaabka uu jirku u shaqeynayo
(physical & physiological changes). Meesha u horeysa ee laga dheehanayo waa kala
duwanaanshaha jinsiga lab iyo dheddig, kuwaas oo maraya laba marxaladood
(primary & secondry). Dhecaanada (hormons) jirka gudihiisa ku qubanaya ee ku
howlan is-beddelka la xiriira koritaanka xubnihiisa, waxay raad ku yeelanayaan
qaab-dhaqanka iyo fekerka qofka dhallinta-yar. Dhallinyaradu waxay la gaar
yihiin, faca ka waaweyn in ay ka tira badan yihiin, ka xoog weyn yihiin, kana
dadaal badan yihiin. Waxaa intaas u dheer, baxsadka uu sabab u yahay ka carar
ciilkii caruurnimo oo ay tagtadooda ka soo mareen. Iyo u fara-baxsiga timaaddada
oo ay sabab u tahay dheygag leh fayiigsi xooggan iyo dheehasho damac weyn oo
xiiso iyo xaraka miiran ah si ay joogtadooda uga yeelaan sahaydii
timaaddadadooda. Nolosha qiimaheeda waa xilliga dhallinyarada la yahay. Macna weyn ma ayan
lahaateen haddii uusan xilligaas jireen. Waa xilli ayan riyada noloshu ka
dhamaan, noloshuna xushmad dheeri ah ayay u heysaa qofka dhallinyarada ah. Waa
ay soo dhoweysaa hadba inta uu isaguna soo dhoweeyo nolosha. Taasi waxay ku
abuurtaa dhallinyarada, iyaga oo dhiirran in ay mar-walba doonaan guul.
Meel-kasta waa ay u maraan iyaga oo u huraya qaali iyo raqiis. Guushuna waxay
saaxiib la tahay oo ay soo dhoweysaa kuwa iyada raadinaya. Marka ay
dhallinyaradu caafimaad qabaan, waa ay u hunguri dheer-yihiin nolosha. Hal-abuurka
wanaagsan iyo hanqal-taagga miisaaman ee dhallinyarada waxaa ka faa´iideysta
bulshada. Awooddaas ayaa bulshadu waxay kaga gudubtaa nolol harraad, halamash
iyo hagardaamo badan oo ay hamuunyona u dheer-tahay. Waxay u gudbaan nolol leh
hiraal wacan iyo hillaac hal-dhisyo lagu doogsado. Ooraah ayaa jirta: ” Noloshu waxay isu kaa tusineysaa sida aad adigu u dooneyso iney kuugu muuqato
ee isu kaa tusi-meyso sida ay iyada u dooneyso in ay kuugu muuqato ”. Qosolka iyo farxaddu waa ay ku badan tahay nolosha dhallinyarada, maxaa yeeley
nolosha ayaa waxay ka doonayaan in ay ka helaan qosol iyo farxad. Sidaa darteed,
iyaga waxaa u muuqata fursadaha nolosha. Haddii ay gartaan in fursadahaasi ay
iyagu lee-yihiin, markaas waxay ku dadaalaan sidii ay u laaci lahaayeen. Haddii
ay dhallinyaradu yihiin kuwo ka badbaada-qaba aragtida cunsuriyadda ah (fir-sooc)
iyo midda curyaannimada ah (saama-jiid) waxay jecleystaan in ay magac hagaagsan
sameystaan, intii magac loo sameyn lahaa ama ay dhaxli lahaayeen magac fac ka
horeeyey ay ka tageen. Faca dhallinyarada ah waxaa mar-walba ku tallaalan doonis
in ay dhanka wanaagsan u midab-beddelaan nolosha facii ka horeeyey, intii ay
dhex-fadhiyi lahaayeen nolol ah soo-arag ku-joog. Waxay jecel yihiin in ay fir-fircooni
muujiyaan, intii ay noqon lahaayeen xan iyo xin u-joog. Dhallinta caafimaadka
qabta waxaa ku yar tilmaamaha guracan oo bulshada ka dila han-tiigsiga nolosha,
kuwaas oo damaca khariban iyo fuleynimada ay ugu horeeyaan. Xasuusta dhallinyaradu waa ka maran-tahay dhacdooyinkii lurka badnaa ee xilligii
caruurnimada. Indhahooduna maahan kuwo qabanaya xaaladda lahanka badan ee
xilliga waayeelnimada. Noloshooda waxaa u badan dareen la xiriira timaaddada,
kaas oo ay uga dhex-muuqdaan nolol ku asqeysan nayaayiro iyo naallood. Maxaa
yeeley waa faca ay noloshu u qosleyso ayna soo dhoweeneyso. Iyagu waxay lee-yihiin
awood ay ku gaaraan har-gal nololeed iyo qurux walba oo ay jantaan. Shidaalka
xooggan oo korkoodu uu sahayda u wato wuxuu sabab u yahay, in dhallinyaradu ay
yihiin kuwa libta u keena bulshadooda. Aamusnaantooda waxaa ku naaxa gafanayaal
aanan arxan lahayn ee bulshada gaarsiiya nabarro xanuun badan. Guuxa
dhallinyaradu waxaa ku nasta maatada ku liidata nolosha. Dhallinyaradu waa
matoorkii nolosha iyo tamartii dhismaha bulshada. Xooggoodu wuxuu lamid yahay
tamarta korontada ee gidaarrada qolalka lagu diyaariyo. Tamartaas ayaa waxay
tahay mid ka shaqeysiisa frijiteer (qaboojiye) iyo kaawiyad (kululeyso) hadba
kii la-doono. Waxay ka shaqeysiisaa idaacad (maqal-tebiye) iyo telefishan (muuqaal-tebiye)
hadba kii la-doono. Waxay ka shaqeysiisaa taleefan (hadal-tebiye) iyo kombyuter
(maqal- iyo muuqaal-tebiye) hadba kii la-doono. Waxay ka shaqeysiisaa marwaxad (bankad)
iyo saacad (gooreyso) hadba kii la-doono. Waxaa jirta ooraah oraneysa: ” Kala-garo in noloshu ay tahay qaddar jaan-go´an iyo dhacdooyin leh sababo.
Qaddartana aamin, dhacdooyinkana wax iska-weydii ” Tamarta korontada ah, awood mid ah ayay ku sahleysaa adeegsiga dhamaan agabkaas
kala duwan in si kala duwan, oo nafac kala duwan leh loogu intifaacsado
dhacdooyin kala duwan. Dad sababaha dhacdooyinka is-weydiiyey ayaa hal-abuurey.
Xoogga dhallinyarada waa ceynkaas oo kale. Waa tamar bulshadu lee-dahay oo meel
u yaal. Marka qaddarta la rumeeyo, sababaha dhacdooyinkana leys-weydiiyo, xoogga
dhallinyarada, bulshadu waxay uga faa´iideysan kartaa qaab walba oo
maslaxaddeeda ah. Bulshadu markii ay aragti haboon curiso, dhallinyaradu waa xoogga waaqica u
beddela. Markii ay bulshadu dagaal curiso, dhallinyaradu waa kuwa gulufka
hor-kaca. Markii ay bulshadu nabad curiso, dhallinyaradu waa kuwa hubka dhiga.
Markii ay bulshadu hiraal curiso, dhallinyaradu waa kuwa suragal ka dhiga. Waxaa
xeerarka nolosha kamid ah in xilli qof lee-yahay uusan gooreysan-karin qof kale.
Sidaas si lamid ah ayaa facna uusan u bililiqeysan karin xilli uu lee-yahay fac
kale. Haddeyse dhacdo waxaa u sabab ah nabarro ay la curyaameen ee weheliya faca
la bililiqeystey. Waxaa hubaal ah in faca howl-gabka ah ay lamid yihiin qorrax ka soo baxdey
cirifyada adduunka, xilli qaboobe ah iyada oo dhulku uu baraf ceegaago.
Qorraxdaasi waa suuragal in laga helo kaahii maalinnimo. Laakiin waxaan laga
helynin tamartii iyo kuleylkii socod-siin lahaa nolosha dhulka oogadiisa ah.
Dhallinyaradu waa rajo ku-nool iyo timaaddo-sugayaal ah. Waayeelkuse waa xusuus
iyo tagto ku-nool, rajaduna ka madowdahay. Haddaba bulshadii ay dhallinyaradeedu
ku wareeraan aragti ma-dhaleys ah ee aan waaqic ahayn, wakhtigaa ka dayacma.
Bulshadii dhallinyaradeedu ay guul-wadayaal u noqdaan kuwo daneystayaal ah, waa
ay halaagsantaa. Bulshadii dhallinyaradeedu ay is kooxeeyaan, dabadeedna koox
waliba ay dhankeeda ka raadiso in ay kooxda kale ka guuleysato, waxaa ka baaba´a
awooddii ay kula tartami lahayd dhiggooda. Xilligii dhallinyarada Soomaaliyeed
ay caafimaadka qabeen waxaa ereyadoodii kamid ahaa:
- Aboorkuba alleylkuu dhisaa aqallo waaweyne
- Markuu ururey daartuu ebyaa la ashqaraaraaye
- Ilkuhuba wada-jirkey hilbaha adag ku gooyaane
- Haddii iniba meel taagan tahay adhax ma fiinteene
- Itifaaq la´aan laguma helo lib iyo iimaane
- Indhahaad isku arkeysaan cadaawaha isaga eega
- Ha ordina´e xaajada sidii aydinta u raaca
- Ha ekaanina´e talo ninkii odhan karow dhiibta
- Abtirsiimo reer hebel iyo odey ku faan daaya
- Indho-fura hurdada waa waxaad ku ibtilowdeene (Xaaji Aadan Af-qallooc)
Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Midnimo
Dr. Saadiq Enow
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 28, 2013
|