SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Warsaxaafadeed: Shirka Golaha Wasiirada oo diirada lagu saaray amniga, baaqna u jeediyay Milkiilayaasha Hotelada iyo Guryaha

  • iyo Ku simaha Madaxweynaha oo Muqdisho Aqoon isweydaarsi uga furay gudiyada Baarlamaanka

Muqdisho, September 26, 2013-----Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaana shir guddoominayay kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Kheyraadka Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, waxaana kulankan looga dooday qodobo ay ka mid yihiin amniga dalka, gaar ahaana howlgal todobaadkan looga sifeeyey qeybo ka mid ah gobolka Sh/dhexe haraadiga Shabaab.

Shirka golaha ayaa warbixino looga dhegeystay Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo sidoo kale Wasaaradda Gaashaandhigga, waxayna golaha u sharaxeen horumarada dhanka amniga iyo howlgalada looga sifeynayo kooxaha nabadiidka ah ee Shabaab, taasoo howlgalkii ugu dambeeyey looga saaray degaanka Biyo-caddo ee gobolka Sh/dhexe.

Markii uu soo idlaaday kulanka ayaa waxaa saxaafada la hadlay Wasiir kuxigeenka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo gaadiidka Cabdishakuur Cali Mire, wuxuuna xusay in kulankan diirada lagu saaray sidii loo sugi lahaa ammaanka guud ahaan dalka, gaar ahaana caasimadda.

Wasiirka ayaa xusay in goluhu ay soo dhoweeyeen, ammaana u jeediyeen ciidamada xooga kuwaasoo howlgalkoodii ugu dambeeyey uga sifeeyey haraadiga kooxda nabadiidka ah ee Shabaab degaanka Biyo-caddo, wuxuuna xusay in qorshuhu yahay in muddo kooban looga wada saaro degaanada ay weli ku harsan yihiin Shabaab, si looga hortago dhagarta ay ka soo maleegaan goobahaasi.

Wasiirka ayaa xusay in golaha Wasiiradu ay u mahadceliyeen shacabka gobolka Banaadir, sida ay warbixinada caddowga ugu soo gudbinayaan hay’addaha amniga, wuxuuna baaq u jeediyay milkiilayaasha Hoteelada iyo guryaha magaalada Muqdisho, isaga oo ka dalbaday inay si dhow ula shaqeeyaan hay’adda nabad-sugida Qaranka, si loo baajiyo falal lidi ku ah amniga shacabka, oo ay geysan karaan nabadiidku.

Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa ku ammaanay bahda warbaahinta kaalinta ay kaga jiraan soo tabinta dhacdooyinka dalka iyo caalamkaba, balse waxa ay dhaliilo u soo jeediyeen milkiilayaasha iyo Tifatirayaasha idaacaddaha gudaha, kuwaasoo aan xil iska saarin kobcinta amniga iyo horumarka dalka, waxayna ugu baaqeen warbaahinta inay xil gaar ah iska saarto sidii loo sugi lahaa amniga shacabka.

Dhanka kale, golaha Wasiirada ayaa ku ammaanay ciidamada xooga dalka Kenya, howlgalkii Westgate, waxayna mar kale tacsi u direen qoysaska dadkii ku geeriyooday falkaasi argagixiso.

“Beesha caalamka waxaan ugu baaqeynaa in dawlada Soomaaliyeed garab lagu siiyo sidii ay uga hortagi laheyd ugana sifeyn laheyd dalka, kooxahaan argagixisada ah ee caadeystay xasuuqa iyo argagixinta, waxaana looga adkaan karaa argagixisada in la xoojiyo hay’addaha amniga ee dawladda Soomaaliyeed” ayuu yiri ugu dambeyntiina Wasiir kuxigeenka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Cabdishakuur Cali Mire.


Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mob.+252-61-5536608
Mogadishu, Somalia

Ku simaha Madaxweynaha oo Muqdisho Aqoon isweydaarsi uga furay gudiyada Baarlamaanka

Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa aqoon is weeydaarsi ku saabsan dar dargelinta howlaha Baarlamaanka uga furay magaalada Muqdisho gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka.

Furitaanka aqoon iseeydaarsigan waxaa kasoo qeybgalay ku simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka,Gudoomiye ku xigeennada Golaha Shacabka, Gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka,marti sharaf ka socotay beesha caalamka sida Hay’adda UNDP,Baarlamaanka Uganda iyo howlwadeennada xarunta Golaha Shacabka.

Khudbaddiisa furitaanka ayuu ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uga hadlay muhiimadda aqoon isweeydaarsigan isagoo xusay in Siminaarkan uu soo qaban qaabiyey Baarlamaanka Dalka.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo isaguna Warbaahinta Qaranka u faah faahiyey u jeedada aqoon isweeydaarsigan ayaa tilmaamay in xubnaha ka socda gudiyada joogtada ah ee ka qeybgalaya ay isla eegi doonaan qorshe howleedka Baarlamaanka iyo sida loo hirgelin karo.

Aqoon isweeydaarsiyada ceynkan ah ee loo qabanayo gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka waxaa horey loogu qaban jirey dalka dibaddiisa balse in lagu qabto magaalada Muqdisho waa qeyb ka mid ah istiraatiijiyada cusub ee uu howlaha Baarlamaanka u dejiyey Gudoonka Golaha Shacabka.

---DHAMAAD---

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

 

Waraysi: Prof. Axmed Samatar oo ka hadlay Musuq Maasuqa Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 27, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;