WARSAXAAFADEED: Ra’ısul Wasaaraha Soomaaliya oo booqasho rasmi ah
ku yimid dalka Turkiga
Ankara, September 26, 2013----Kadib
markii uu Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” uu
soo gabagabeeyay socdaalkii uu ku joogay magaaladda Geneve ee Switzerland oo uu
kaga qaybgalay kulankii Golaha Xuquuqul İnsaanka Qaramada Midoobay ee looga
hadlayay sidii kor loogu qaadi lahaa xuquuqul İnsaanka Soomaaliya ayuu shalay
soo gaaray magaaladda Ankara ee dalka Turkiga oo booqasho rasmi ah uu ku yimid.
Ra’ısul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo casuumaad
rasmi ah ka helay Ra’isul Wasaaraha Turkiga Rajab Dayib Ordogon. Wafdiga
balaaran ee ku weheliya R.Wasaaraha Turkıga waxaa kamid ah Wasiirka Arimaha
Gudaha iyo Amniga Qaranka, Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiirka
Cadaaladda, Mudane Cabdulaahi Abyan Nuur, Wasiiru-dawlaha Arimaha Dibadda iyo
İskaashiga Caalamiga , Mudane Maxamed Nuur Gacal, Wasiirka Ageeda Bulshada, Drs
Maryan Qaasim, Wasiir kuxigeenka Howlaha Guud iyo Gaadiidka Badda, Nadiifo
Maxamed Cismaan iyo qaar kamid ah la-talıyayaasha Ra’isul Wasaaraha Soomaalıya.
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa maanta
oo taariııkhdu tahay 26/9/2013, waxaa uu kulamo la qaadan doona Ra’isul
Wasaaraha Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogon iyo Ra’isul Wasaare kuxigeenka
Turkiga Mudane Bekir Bozdag iyadoo laga wada hadli doono sidii kor loogu qaadi
lahaa iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga.
Ridwaan Xaaji Cabdiweli
Ankara, Turkey
Mob.+905356899469
E: rıdwaanhajı @gmaıl.com
Madaxweynaha Soomaaliya oo kulamo amniga ah la qaatay Madaxweynaha Turkiga,
Amiirka Qadar, Iyo Hillary Clinton.
Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Turkiga Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta kulamo gaar ah la yeeshay qaar ka
mid ah madaxda caalamka. Madaxweyne Xasan ayaa la kulmay Madaxweynaha Turkiga
Mudane Cabdulah Guul, Amiirka Qatar H.H. Sheikh Tamiim Bin Xamad Al Thaani iyo
Xoghayihii hore ee Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Hillary Clinton,
waxayna ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen guud ahaan amaanka
Soomaaliya iyo Caalamka.
Madaxweynaha ayaa u mahad naqay Madaxweynaha Turkiga taakulaynta aan hagarta
lahayn ee shacabka iyo Dowladda Turkigu ay siiyaan Soomaaliya “Soomaaliya
marnaba Iloobi mayso walaalahood Turkiga iyo siday ugu soo gurmadeen” wuxuu
kaloo Madaxweynuhu dhigiisa u sheegay dhibaatooyinka Argagaxisadu ay ka wadaan
Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale wuxuuna u sheegay baahida loo qabo in
Amniga Soomaaliya kor loo qaado, si buuxdana loo tayeeyo hay’adaha Amniga ee
Soomaaliya si loo gaaro nabad waarta oo ka siman dhamaan Bariga Afrika.
Kulanka Madaxweynaha iyo Amiirka Qatar Madaxweynaha ayaa sidoo kale la kulmay Amiirka dowladda Qadar Amiir SH. Tamim
Bin Hamad Al Thaani Wuxuuna u sheegay “Kooxaha argagixisada markii laga adkaado,
waxay isku dayaan inay waxyeeleeyaan shacabka caam ahaan, Naf iyo Maal ahaanba,
waxaana looga hortagi karaa dhisitaanka ciidamada xoogga dalka” Amiirka ayaa sheegay in Dowladda Qatar aysana marnaba ka seexan doonin
taageerada Soomaaliya ay u hayso, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Qatar ay sii
wadi doonto la shaqaynata dowladda Soomaaliya. Kulanka Hillary Clinton
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la kulmay Xoghayihii hore ee
Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka Hillary Clijnton, waxayna ka wada hadleen
arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen Amniga, Waxbarashada iyo Dhaqaalaha Dalka. Madaxweynaha ayaa wuxuu yiri “Aqoonsiga dowladda Soomaaliya la aqoonsaday maanta
waxaanu ku helnay taakulayn Bankiga Aduunka, Hay’adda Lacagta Aduunka (IMF),
Bankiga Horumarinta Afrika. Waxaanu Saxiixnay ayuu yiri madaxweynuhu Heshiiskii
Cotonou. Soomaaliyana horay ayey u socotaa gadaalna eegi mayno” Ugu danbeyn maalinta berri ah ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya qudbad ka jeedin doonaa xarunta weyn ee Qaramadda Midoobay.
Daawo Video:
http://youtu.be/LXSWo05Wgcc iyo
http://youtu.be/TJqWoI__YiM -- Communication President Mogadishu, Somalia
Waraysi: Prof. Axmed Samatar oo ka hadlay Musuq Maasuqa Dawladda Federaalka
Soomaaliya.
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 26, 2013
|