SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Hawgalkii Westgate Mall oo la soo Gabagabeeyey iyo Xarakadda Alshabaab oo Sheegay in Dagaalyahanadooda loo Adeegsadey Sunta Kiimikada.

Xarakadda Alshabaab ayaa waxay ku Dhwaaqdey in Shan Maalmood ka dib uu soo Gabagaboobey Howgalkii iyo dagaalkii ka socdey Xarunta Ganacsiga ee Westgate ee Magaaladda Nairobi ka dib markii ay Xarakadda ay Sheegtey in Kooxdii halkaas Weerarka ku qaadey loo Adeegsadey Sunta Kiimikada , sidoo kale waxaa ay Xarakadu Sheegtey in 135 Qof oo halkaas lagu Haystey iyana ay Dhinteen hase yeeshee ma aysan Sheegin in ay u Dhinteen Suntii lagu Buufiyey .

Tiradda halkaas ku dhimatey ayaa haatan lagu Qiyaasey ilaa laba Boqol oo qof marka lagu daro dadkii ay heysteen Kooxda halkaas weerarka ku qaadey oo Tiradooda lagu Sheegey ilaa Toban Qof sidoo kale Xarakadda Alshababaa ma Sheegin halka ay ka soo jeedaan Kooxdii 21 Bishaan weeratey Xarunta Ganacsiga ee Westgate oo ah Xarun laha Dukaameysto oo Hanti badan ay taaley waxaa kale halkaas ka dhacay Khasaaro Hantiyadeed oo isugu jira Maalaayiin Doolar iyo Dahab.

Dadka Siyaasada u Kuurgala ayaa sheegey in  haatan Socdaan Baaaritaan la Xiriira Qaabaka ay ugu Suurta gashey in Muddo Shan Maamlmood ah ay iska Caabiyaan Ciidamo kala duwan oo ka socdey Dowladda Kenya iyo kuwa reer Galbeed ah , waxaana Dhacdadaan lagu Tilmaamaa mid ugu Xumeyd ee soo marta Dalka Kenya iyadoo Xarakadda Alshabaab ay Sheegeen in Sababha Kenya ay u Weerarayaan ay tahay gelida Ciidamada Kenya ee Goboladda Jubbooyinkla.

Iyadoo Muddo Shan Maalmood oo Xiriir ah Is mari waa uu ka Taagnaa Xarunta ganacsiga ee Westgate ee Magaalada Nairobi ayaa Madaxwyne Kenya .TV.ga Dalkaasi ka hadlay wuxuu xaqiijiyay in gebi ahaanba la soo afjaray hawl galkii Ciidamada Dal;ka Kiinya ay ka wadeen Xarunta Dhismahaas. Madaxweynaha Kenya oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Hawl Galkaas ay ku dhinteen Illaa Kow iyo Lixdan Shacab ah Shan Askari oo ka tirsan Ciidamada Ammaanka dalkaasi iyo Shan ka mid ah Dableydii Weerarka soo qaadday.

Madaxweynaha Kenya ayaa intaa ku daray in laga adkaaday Kooxdii Weerarka soo qaadday waa siduu hadalka u yiriye isla markaana Ciidamadu iminka si buuxda Gacanta ugu hayaan Xarunta Ganacsiga ee Westgate oo muddo Shan Maalmood ah la isku mari weysnaa.Uhuru ayaa ku baaqay in Dalku uu galayo Seddax Maalmood oo Baroor Diiq loo samaynayo Dadkii kala duwanaa ee Dhibaatadu ay ka soo gaaray Mashaqadii halkaa ka dhacday taasoo ka bilaabanaysa Maanta oo ah Maalin Arbaca ah.

Xarakada Shabaab oo hadalka Madaxweynaha kaddib iyaguna hadlay ayaa sheegey in arrintaasi ay tahay waxba kama jiraan isla markaana Dagaalyahanadoodii ku sugnaa halkaas ay weli gacanta ku hayaan Dad u afduuban. Warar ka Madaxbanaan labada dhinac ayaa sheegaya in weli la maqlayo Rasaas Teel teel ah oo mararka qaar laga maqlayo Gudaha Xaruntaas taasoo caddeyneysa in weli Kooxihii afduubka gaystay ay ku dhuumaaleysanayaan gudaha Xaruntii weerarku ka dhacay.hase yeeshee maanta ayaa la xaqiijiyey in uu soo gabgaboobey Howgalkii halkaas ka socdey waxaana dadka qaar ay Sheegayaan in dad fara badan ay ku dhinteen Weerakaas


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

LIVE UPDATE: Ka daawo NTV videoga hoose

Sidoo kale daawo KTN


Live streaming video by Ustream
 

Waraysi: Prof. Axmed Samatar oo ka hadlay Musuq Maasuqa Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 25, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;