SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

War Saxaafadeed: Golaha Wasiirada oo Shir aan caadi ahayn isugu yimid Caawa ayaa Cambaareeyey Weeraradii Argagaxisada ee ka dhacay Magaalda Nairobi

Halkan ka dhagayso kulanka Wasiirada

Muqdisho, 23, Sept, 2013…Gollaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa isugu yimid shir aan caadi ahayn, iyadoo uu shir guddoominayay Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Kheyraadka Dalka mudane Cabdirisaq Cumar Maxamed waxaana shirka looga hadlay Arrimaha Amniga dalka iyo weerarkii Argagaxisadu ka gaystay goob laga dukaamaysto oo ku taala magaalada Nairobi iyo.



Ugu horayntii Golaha Wasiirada waxay tacsi tiiraanyo leh u direen Ehelkii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Xuseen Cabdislaam oo ka tirsanaa golaha Baarlamaanka oo shalay kooxo hubaysin ku dileen xaafada Buulo Xubeey.

Dhanka kale ku simaha Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in kooxda nabad diidka ah looga adkaan karo oo kaliya in shacabka iyo dowladu wada shaqeeyaan.

“Alshabaab ugxantooda waxay taalaa Soomaaliya, waxaana looga adkaan karaa iyadoo lagu taageero dowladda Soomaaliya qorshaha ay u dajisay la dagaalankooda, waana in iskaashi dhan kasta ah laga sameeyo sidii loola dagaalami lahaa kooxdaan” ayuu yiri kusimaha Ra’iisul Wasaaruhu

Markuu soo idlaaday shirka ayaa waxaa saxaafada la hadlay wasiirka Gashaandhiga mudane Cabdixakiim Xaaji Fiqi isagoona faahfaahin ka bixiyey qodobada shirka looga hadlay

“Xukuumadda Soomaaliya iyo Shacabkeeda oo isku duubaan waxay aad u cambaaraynayaan weerarkii axmaqnimada ahaa ee lagula kacay dadka shacabka ah, waxayna tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaski iyo qaraabadii dadkoodu ku wax yeeloobeen weerarkaas, waxay sidoo kale xukuumadda Soomaaliya u muujinaysaa dowladda Kenya sida ay u gabar taagan tahay ulana qaybsanayso murugada ka dhalatay weerarka waxashnimada ah ee ay soo qaadeen kooxda argagaxisada Alshabaab oo caado ka dhigtay in ay bartilmaameedsadaan dadka nugul oo an hubaysnayn” Ayuu Yiri wasiirka gaashaandhiga oo dhanka kalana xusay in khatarta joogtada ah ee ay ku hayaan kooxaha nabad diidka ah Soomaaliya iyo dalalka dariska ah. Waxayna u muuqataa mid ku sii fidaysa caalamka intiisa kale, wayna adagtahay in laga hortago hadii aan si dhab ah dowlada Soomaaliya loogu taageerin dhismaha ciidamada qalabka sida.

Sidoo kale golaha wasiirada ayaa ka dooday dhibaatooyinka ka dhalan kara weerarada noocaan ah, waxayna soo jeediyeen talooyin ku aadan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Kenya. Waxaa kale oo golaha Wasiiradu go’amiyeen:

  • · In loo diro Kenya Wafti heer wasiir ah oo qaada dhambaalka shacabka iyo kan dowladda, si loogu muujiyo shacabka iyo dowlada Kenya sida ay ula qaybsanayaan dhibaatada dhacaday.
  • · In loo tacsiyeeyo dowalda Kenya iyo dowladaha kale ee ay dadkoodu ku dhinteen
  • · Waxaa Goluhu Baaq u dirayaa shacabka Kenya, iyadoo loo muujiyanayo in Argagaxisada caalamka aysan u kala socnayan dhibaataynta shacabka aan waxba galabsan wadankuu doono ha u dhashee.
  • · In iskaashi dhan kasta ah laga sameeyo sidii loo wiiqi lahaa awooda kooxaha Argagaxisada ah.
  • · In shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Kenya is dajiyaan, una muujiyaan wada shaqayn buuxda dowladda iyo shacabka reer Kenya

Golaha wasiirada ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha amniga iyagoona soo dhaweyey guulaha ay gaareen ciidamada qalabka sida iyo goobhii ay dhawaan kala wareegeen kooxaha nabad diidka ah. Waxay sidoo kale Goluhu baaq u direen Hay’adaha samafalka inay la soo gaaraan dawooyin iyo cunto dadka ku waxyeeloobay fatahaada Wabiga oo khasaaro xoogan gaarsiiyey tulooyin ku xeeran magaalada Jowhar

----DHAMAAD---

Communication Office
Mogdisho-Somalia
media@opm.gov.so

Prof Jawaari “Waa lagama maarmaan in dowladaha gobolka markale sameeyaan iskaashi si xal kama dambeys ah loo helo” WARSAXAAFADEED

Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka hadlay ammaanka gobolka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay iney dowladaha gobolka iskaashi u sameeyaan si xal kama dambeys ah looga gaaro falalka argigixisanimo kadib dhacdadii suuqa Westgate ee magaalada Nairobi.

Hadaba Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ku qoran luqadaha Somali iyo English hoos ka dheeho:-

Halkan ka akhri Warsaxaafadeedka Jawaari

---DHAMAAD---

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka
Media & Public Relation Office Of Speaker
Email:- Media@parliament.gov.so

 

LIVE UPDATE: Ka daawo NTV videoga hoose

Sidoo kale daawo KTN


Live streaming video by Ustream



 

Waraysi: Prof. Axmed Samatar oo ka hadlay Musuq Maasuqa Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 24, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;