SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Shirkii Baydhabo Oo War murtiyeed laga soo saaray iyo ku simaha Madaxweynaha Oo Muqdisho si weyn Loogu soo dhaweeyey

Dhisida Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo ka kooban 6 Gobol: In la dhiso Dawlad Goboleed ka kooban lixda Gobol kuwaasoo kala ah: Shabeellada Hoose, Baay, Bakool, Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose. sida ugu dhaqsiyaha badana loo dar-dar galiyo dhisida Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

War Murtiyeedkii ka soo baxay Baydhabo HALKAN KA AKHRISO

Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugusoo laabtay magaalada Muqdisho ayadoo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade ay kusoo dhaweeyeen Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeylani Nuur Iikar, Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid),wasiirro,xidlhibaanno, saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ka hor inta aanay wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka kasoo ambabixin magaalada Baydhabo waxa uu ka qeybgalay munaasabad lagu soo gebagebeeynayey shir wadatashi ah oo Afartii cisho ee aynu kasoo gadubnay magaalada Baydhabo kuwaasi oo ay ka qeybgaleen Odayaasha Dhaqanka,Xildhibaanno, siyaasiyiin,maamulka gobolka Baay,ururrada bulshada rayidka,haweenka iyo dhalinyarada kasoo jeeda gobollada Koonfur Galbeed.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ku simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka oo khudbad ka jeediyey munaasabadaasi ayaa tilmaamay in dadka reer Baydhaba uu kala kulmay soo dhaweyn aad u ballaaran iyo dowladnimo jecel waxaana uu kula dardaarmay in mar walba ay ilaaliyaan midnimada umadda Soomaaliyeed iyo dowladnimadooda.

War Murtiyeedka shirkaasi laga soo saaray iyo sawirrada hoos ka dheeho:-

---DHAMAAD---

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 22, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;