SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdi uu hogaaminayo oo u dhoofay Geneva, Switzerland



Muqdisho, September 22, 2013------Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyaga oo ku sii jeeda magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xubnaha safarkiisa ku wehliya waxaa ka mid ah Marwada Ra’iisul Wasaaraha Xil. Caasha Xaaji Cilmi, Wasiirka Garsoorka Mudane Cabdullaahi Ebyan Nuur, afhayeenka Xukuumada Mudane Ridwaan Xaaji, iyo howlwadeeno kale, waxaana ugu horeynta ay gaari doonaan magaalada Geneva, halkaasoo uu kaga qeybgali doono shir looga hadlayo arrimaha horumarinta xaquuqul insaanka dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, shirka ayaa waxaa ka qeybgali doona Wasiirka Horumarinta adeega Bulshada Drs. Maryann Qaasim Axmad iyo safiirka dalka Geneva u fadhiya dawladda Soomaaliya Mudane Amb. Yuusuf Ismaaciil (Bari-bari).

Marka uu soo idlaado shirkaasi, ayuu u soo gudbi doonaa Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa dalka Turkiga, halkaasoo ay kulamo kula qaadan doonaan madaxda dalkaasi, waxaana looga hadli doonaa kulamadaasi horumarinta iskaashiga labada wadan ee Soomaaliya iyo Turkiga, waxaana sidoo kale la filayaa inuu la kulmo jaaliyadda Soomaalida ee dalkaasi oo u badan arday.

---Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mob.+252-61-5536608
Mogadishu, Somalia

-------

Warsaxaafadeed

Ra’iisul Wasaaraha oo qadka telefoonka uga tacsiyadeeyey Madaxweynaha Kenya Mr. Uhuru


Muqdisho, September 22, 2013-----Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, ayaa si adag u cambaareeyey falkii argagixiso ee ka dhacay suuq laga dukaameysto oo lagu magacaabo Westgate kuna yaala bartamaha faras-magaalaha Nairobi.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa qadka telefoonka xalay kula hadlay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata, isaga oo uga tacsiyeeyey dhibaatada shacabka ka soo gaartay Westgate, oo ay weerareen kooxo argagixiso ah, kuwaasoo dhimasho iyo dhaawac baahsan u geystay dad rayid ah.

“Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, aadbey uga xun yihiin dhibaatada loo geystay shacabka aanu walaalaha nahay ee Kenya, si buuxda ayaana u cambaareynayaa dhacdadaan foosha xun” ayuu ku yiri Ra’iisul Wasaaruhu madaxweyne Uhuru Kenyata mar uu la hadlayay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoysaskii, eheladii iyo Qaraabadii ay ka geeriyoodeen shacabkii ku sugnaa goobta, wuxuuna ku tilmaamay falkan mid muujinaya qatarta iyo arxan darida kooxaha argagixisada.

“Shacabka Soomaaliyeed waxa uu si buuxda u garab istaaganyahay walaalaha reer Kenya, si la mid ah sida ay dadka Kenya iyo dawladduba inoo garab istaageen waqtigii noogu adkaa” ayuu yiri ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cabdi Faarax Shirdoon.

---Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mob.+252-61-5536608
Mogadishu, SomaliaFaafin: SomaliTalk.com | Sept 22, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;