SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Faafaahin Dheeraad ah oo ka soo Baxaysa Fateexad ku Saabsan Ciidamo Amisom oo Musuq Maasuq Lagu Eedeeyay.

Iyadoo dhawaan ay soo baxeen Fadeexado ku aadan in ay jiraan Saraakiil ka tirsan Ciidamada Amisom gaar ahaana Dalka Uganda oo Leexsaday Sahay isugu jirtay Raashiin iyo Shidaal ayaa waxaa haatan soo baxaya faah faahin dheeraad ah oo ku aadan Fadeexaddaas.

Askar Tiradoodu ay gaarayso illaa labaatan ayaa Dalka Uganda dib loogu celiyay kuwaasoo iminka Baaritaan ay ku socdaan iyadoona la filayo in dhawaan Maxkamad la soo taago.

Ciidankan oo uu ka mid yahay taliyihii Ciidamada Ugandha ee Howl Galka Soomaaliya Gen. Indogo ayaa waxaa lagu Eedeeyay in ay Iibsadeen Raashiin iyo Shidaal loogu tala galay Ciidamada Amisom.

Saraakiishan ka tirsanaa Ciidamada Uganda ee Hawl galka qaybta ka ahaa ayaa iminka dib loogu celiyay Dalka Uganda kuwaas oo haatan ay hawlo baaritaana ah ay ku soconayaan.

Afhayeenka Ciidamada Amisom Col. Xumud oo arrintaa ka hadlay ayaa sheegay in arrintan ay jirto balse ay tahay xiligan mid u taala Xukuumadda Uganda si ay go’aan ay uga gaarto maadaama Ciidamadaas ay ka tirsanayeen .

Af hayeenka Col. Xumud ayaa wax xun ku sheegay Fadeexaddaas isagoo dhinaca kalena ammaanay waxqabadka Ciidamada Uganda ee hawlgalka Amisom qayb ka ah kuwaasoo uu sheegay in ay ku bixiyeen Dhiigooda Khaaliga ah sidii shacabka Soomaaliya Nabad Loogu soo celin lahaa.

/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Jawaari oo u Hogaansamey Hadalkii ka Soo yeerey Odoyaasha Dhaqanka

  • Odoyaasha Dhaqanka Beelaha Digil iyo Mirifle oo Sheegay in Waxba Iska Bedeleyn Mowqifkoodii ahaa in Kalsoonidii ay kala noqdeen Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Iyadoo maalintii shalay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ay gaareen in ka badan Konton Siyaasiin oo isugu jirta Xildhibaano Wasiiro iyo Saraakiil Ciidan oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa waxaa halkaas Kulamo uga bilowdeen Wafdigaas iyo Odoyaasha Dhaqanka ee Beelaha Digil iyo Mirifle.

Sheikh Aadan Mad-Deer oo ka mid ahaa Xubnihii Xildhibaanada ee halkaas tegay oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka Cudur daartay dib u dhicii ku yimid baaqii ay hore u soo jeediyeen Odoyaasha dhaqanka ee ahaa in Xubnaha Dawladda kaga jira Beelaha Digil iyo Mirifle in ay yimaadaan Magaalada Baydhabo si ay u wada tashataan.

Xildhibaanka ayaa xusay in aysan ka weeyneyn Talada Odoyaasha Dhaqanka isla markaana ay fulin doonaan Talooyinka ku aadan Maamul u samaynta Gobolada Bay iyo Bakool oo ay ku doodayaan Odoyaasha Dhaqanka ee Beelaha Digil iyo Mirifle.

Sidoo kale waxaa isaguna hadlay Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Por. Jawaari oo sheegay in ay diyaar u yihiin inay wada tashi la sameeyaan Cuqaashooda iyo Waxgaradkooda si ay uga arrinsadaan arrimaha Maamul u samaynta Gobolada Bay iyo Bakool.

Kulankan Xildhibaanada iyo Odoyaasha Dhaqanka uga bilowdey Magaalada Baydhabo ayaa imaanaya xilli muddooyinkii dambe ay jireen Khilaaf u dhaxeeyay Odoyaashaas iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya gaar ahaana wixii ka dambeeyay Heshiiskii Addis Ababa ku dhex maray Maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba odoyaasha Dhaqanka ee Gobolada Bay iyo Bakool ayaa hore u sheegay in ay Kalsoonida kala noqonayaan Dawladda Federaalka Soomaaliya isla markaana iskooda u samaysanayaan Maamul ka Madaxbanaan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya .

Odoyaasha Dhaqanka Beelaha Digil iyo Mirifle oo Sheegay in Mowqifkoodii Waxba Iska Bedeleyn.

Malaaq Cali Shiino oo ka mid ah Odoyaasha Dhaqanka Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa ka hadlay Khilaafka kala dhaxeeya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Nabadoonkan oo hadalkiisa sii wata ayaa farta ku fiiqay in Khilaafka Odoyaasha Dhaqanka iyo Xukuumadda ka dhaxeeya uu bilowdey ka gadaal markii Xukuumaddu u gacan gelisay Axmed Madoobe Gobolada Jubbooyinka taasoo sida uu sheegay aan lagala tashan Dadkii xaqa u lahaa Degaanadaas.

Malaaq Cali Shiino isla markaana ah Afhayeenka Odoyaasha Dhaqanka Digil iyo Mirifle ayaa intaa ku daray in Mowqifkoodii ahaa in Kalsoonidii ay kala noqdeen Xukuumadda Federaalka Soomaaliya aanay weli waxba iska bedelin isla markaana ay sidii u taagan tahay waa siduu hadalka u yiriy go’aankii ay shalay arrintaa ka qaateen.

Hadalkan ka soo yeeray Odoyaasha ayaa imaanaya xilli Magaalada Baydhabo shalay ay gaareen Wafddi ballaaran oo uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha barlamaanka federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari kuwaas oo kulamo kula leh Magaalada Baydhabo Odoyaasha Dhaqanka.

Wafdigan Barlamaaniga ah ee halkaa gaaray ayaa waxa ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan sidii ay u dejin lahaayeen kacsanaanta ka muuqanaysa Odoyaasha Dhaqanka ee Digil iyo Mirifle kuwaas oo ka Gadoodsan Maamulka Jubba isla markaana ku hamiyaya sidii Maamul loogu samayn lahaa Gobolada Koofurta Galbeed ee Somaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 18, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;