Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Jawaari oo u Hogaansamey Hadalkii ka Soo
yeerey Odoyaasha Dhaqanka
- Odoyaasha Dhaqanka Beelaha Digil iyo Mirifle oo Sheegay in Waxba Iska
Bedeleyn Mowqifkoodii ahaa in Kalsoonidii ay kala noqdeen Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya
Iyadoo maalintii shalay
Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ay gaareen in ka badan Konton
Siyaasiin oo isugu jirta Xildhibaano Wasiiro iyo Saraakiil Ciidan oo uu
hoggaaminayay Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Shiikh
Cismaan Jawaari ayaa waxaa halkaas Kulamo uga bilowdeen Wafdigaas iyo Odoyaasha
Dhaqanka ee Beelaha Digil iyo Mirifle.
Sheikh Aadan Mad-Deer oo ka mid ahaa Xubnihii Xildhibaanada ee halkaas tegay oo
Warbaahinta la hadlay ayaa ka Cudur daartay dib u dhicii ku yimid baaqii ay hore
u soo jeediyeen Odoyaasha dhaqanka ee ahaa in Xubnaha Dawladda kaga jira Beelaha
Digil iyo Mirifle in ay yimaadaan Magaalada Baydhabo si ay u wada tashataan.
Xildhibaanka ayaa xusay in aysan ka weeyneyn Talada Odoyaasha Dhaqanka isla
markaana ay fulin doonaan Talooyinka ku aadan Maamul u samaynta Gobolada Bay iyo
Bakool oo ay ku doodayaan Odoyaasha Dhaqanka ee Beelaha Digil iyo Mirifle.
Sidoo kale waxaa isaguna hadlay Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya
Por. Jawaari oo sheegay in ay diyaar u yihiin inay wada tashi la sameeyaan
Cuqaashooda iyo Waxgaradkooda si ay uga arrinsadaan arrimaha Maamul u samaynta
Gobolada Bay iyo Bakool.
Kulankan Xildhibaanada iyo Odoyaasha Dhaqanka uga bilowdey Magaalada Baydhabo
ayaa imaanaya xilli muddooyinkii dambe ay jireen Khilaaf u dhaxeeyay Odoyaashaas
iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya gaar ahaana wixii ka dambeeyay Heshiiskii
Addis Ababa ku dhex maray Maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe iyo Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya.
Si kastaba odoyaasha Dhaqanka ee Gobolada Bay iyo Bakool ayaa hore u sheegay in
ay Kalsoonida kala noqonayaan Dawladda Federaalka Soomaaliya isla markaana
iskooda u samaysanayaan Maamul ka Madaxbanaan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya .
Odoyaasha Dhaqanka Beelaha Digil iyo Mirifle oo Sheegay in Mowqifkoodii
Waxba Iska Bedeleyn.
Malaaq Cali Shiino oo ka mid ah Odoyaasha Dhaqanka Beelaha Digil iyo Mirifle
ayaa ka hadlay Khilaafka kala dhaxeeya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Nabadoonkan oo hadalkiisa sii wata ayaa farta ku fiiqay in Khilaafka Odoyaasha
Dhaqanka iyo Xukuumadda ka dhaxeeya uu bilowdey ka gadaal markii Xukuumaddu u
gacan gelisay Axmed Madoobe Gobolada Jubbooyinka taasoo sida uu sheegay aan
lagala tashan Dadkii xaqa u lahaa Degaanadaas.
Malaaq Cali Shiino isla markaana ah Afhayeenka Odoyaasha Dhaqanka Digil iyo
Mirifle ayaa intaa ku daray in Mowqifkoodii ahaa in Kalsoonidii ay kala noqdeen
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya aanay weli waxba iska bedelin isla markaana ay
sidii u taagan tahay waa siduu hadalka u yiriy go’aankii ay shalay arrintaa ka
qaateen.
Hadalkan ka soo yeeray Odoyaasha ayaa imaanaya xilli Magaalada Baydhabo shalay
ay gaareen Wafddi ballaaran oo uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha barlamaanka
federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari kuwaas oo kulamo kula
leh Magaalada Baydhabo Odoyaasha Dhaqanka.
Wafdigan Barlamaaniga ah ee halkaa gaaray ayaa waxa ay wadaan dadaalo ay ku
doonayaan sidii ay u dejin lahaayeen kacsanaanta ka muuqanaysa Odoyaasha
Dhaqanka ee Digil iyo Mirifle kuwaas oo ka Gadoodsan Maamulka Jubba isla
markaana ku hamiyaya sidii Maamul loogu samayn lahaa Gobolada Koofurta Galbeed
ee Somaliya.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafaahin Dheeraad ah oo ka soo Baxaysa Fateexad ku Saabsan Ciidamo Amisom
oo Musuq Maasuq Lagu Eedeeyay.
Iyadoo dhawaan ay soo baxeen Fadeexado ku aadan in ay jiraan Saraakiil ka
tirsan Ciidamada Amisom gaar ahaana Dalka Uganda oo Leexsaday Sahay isugu jirtay
Raashiin iyo Shidaal ayaa waxaa haatan soo baxaya faah faahin dheeraad ah oo ku
aadan Fadeexaddaas.
Askar Tiradoodu ay gaarayso illaa labaatan ayaa Dalka Uganda dib loogu celiyay
kuwaasoo iminka Baaritaan ay ku socdaan iyadoona la filayo in dhawaan Maxkamad
la soo taago.
Ciidankan
oo uu ka mid yahay taliyihii Ciidamada Ugandha ee Howl Galka Soomaaliya Gen.
Indogo ayaa waxaa lagu Eedeeyay in ay Iibsadeen Raashiin iyo Shidaal loogu tala
galay Ciidamada Amisom.
Saraakiishan ka tirsanaa Ciidamada Uganda ee Hawl galka qaybta ka ahaa ayaa
iminka dib loogu celiyay Dalka Uganda kuwaas oo haatan ay hawlo baaritaana ah ay
ku soconayaan.
Afhayeenka Ciidamada Amisom Col. Xumud oo arrintaa ka hadlay ayaa sheegay in
arrintan ay jirto balse ay tahay xiligan mid u taala Xukuumadda Uganda si ay
go’aan ay uga gaarto maadaama Ciidamadaas ay ka tirsanayeen .
Af hayeenka Col. Xumud ayaa wax xun ku sheegay Fadeexaddaas isagoo dhinaca
kalena ammaanay waxqabadka Ciidamada Uganda ee hawlgalka Amisom qayb ka ah
kuwaasoo uu sheegay in ay ku bixiyeen Dhiigooda Khaaliga ah sidii shacabka
Soomaaliya Nabad Loogu soo celin lahaa.
/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 18, 2013
|