Xildhibaano ka Tirsan Barlamaanka oo Mooshin ka Geeyay Qaar ka mid ah
Wasaraadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Mooshin ka dhan
ah Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya qaarkood u gudbiyay Barlamaanka
Soomaaliya oo dhawaaan uu u furmey kalfadhiyadooda Caadiga ahaa.
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Xildhibaanada Mooshinkaas gudbiyay
oo Saxaafadda u waramay ayaa sheegay in ay ku Dhaliilayaan Wasaaradaha ay
Mooshinka ka gudbiyeen Hawl gudasho la’aan. Xildhibaanka ayaa farta ku fiiqay in
wasaaradaha Xilkodii gabay in ay ka mid yihiin Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo
Amniga Qaranka iyo Wasaaradda Gaashaandhigga.
Xildhibaan Mahad ayaa labadaas Wasaaradood oo Xilkoodu ahaa Amniga Dalka iyo
sugiddiisa ku eedeeyay in ay Gudan waayeen Waajibaadkii loo igmaday isla
markaana ay ka gaabiyeen in ay wax ka qabtaan Hawlaha amniga Dalka.
Xildhibanadaan oo maalmihii dambaba ka hadlayay Xaaladda Amni ee Dalka ayaa ugu
dambayntii waxa ay isla garteen in Mooshin ka dhan ah Wasaaradahaas ay u
gudbiyaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la filayo in maalmaha soo socda
uu Barlamaanku ka doodo.
Horey ayaa Barlamaanka Soomaaliya wuxuu u yeeray Wasiirada Wasaaradahaas
Mooshinka laga keenay kuwaas oo wax badan laga weeydiiyay Su’aalo ku aadan
dhinaca Ammaanka kuwaasoo ka jawaabay Su’aalihii la weydiiyay in kastoo
Xildhibaanadii fadhiyadaas ka qayb galay ay sheegeen in aysan ku qancin
Jawaabaha ay bixiyeen Wasiirada labadaas Wasaaradood ee Mooshinka laga keenay.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
R.Wasaare Saacid: “Natiijada Shirkii Brussels waa talaabo horay loogu qaaday
dib-u-dhiska dalka Soomaaliya”
Muqdisho, Sept, 17, 2013….Ra’iisul
Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)
ayaa si weyn u soo dhaweeyey shirka taariikhiga ahaa ee Hiigsiga Cusub (New
Deal) oo shalay lagu soo gaba-gabeeyey magaalda Brussels ee dalka Beljamka.
Shirka (New Deal) ayaa muhiimad gaar ah u lahaa dalka Soomaaliya, waxaana ka soo
qayb galay wakiilo ka kala socda in kabadan kotan wadan, waxaana shirkaas looga
yaboohay deeq gaaraysa 1.8 bilyan Euro, oo u dhiganta 2.4 bilyan doolar, waxaa
sidoo kale si buuxda loola qaatay dowladda Soomaaliya barnaamijkii ay la tagtay
shirka oo ay ku cadaayeen waxyaalaha ay mudnaanta siinayso sadexda sano ee soo
socota.
Shirka New Deal waaa shir la doonayo in wax looga qabto arrimaha bulshada,
dib-u-dhiska dalka, dib u soo celinta amniga, iyo hormarinta kaaba yaasha
dhaqaalaha.
“Shirkii lagusoo gaba-gabeeyay Brussels waa talaabo horay loogu qaaday dib-u-dhiska
dalka, waana qorshe Soomaaliyeed. Waxaa dadaal loo galay bilihii ugu danbeeyey
in laga qayb galiyo barnaamijkan la-tashigiisa dhamaan qaybaha kala duwan ee
bulshada, waxaa kale oo farxad noo ah in caalamku garwaaqsaday in dowladda
Soomaaliya ay awood u leedahay maaraynta dhaqaalaha loogu deeqay, taas oo
tusaale loogu soo qaadan karo habkii casriga ahaa ee dowladdu u dajisay deeqdii
ka timid dalka Norway ee loo qoondeeyey in lagu bixiyo mushaaradka shaqaalaha
rayidka ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kale xusay in sadexda
sano ee soo socota qorshaha dowalda u yaala aysan ku filnayn yabooha hada la
sameeye, balse ay ka filayaan caalamka gacan taas ka weyn.
Hiigsiga cusub wuxuu ahmiyad siinayaa in dhaqaalaha loogu yaboohay Soomaaliya
lagu hormarinayo dhamaan gobolada dalka, iyadoo wax looga qabanayo dib-u-dhiska
wadooyinka, horumarinta beeraha iyo xoolaha, arrimaha waxbrashada, iyo
caafimaadka,” Aad ayaan ugu farax sanahay dadaalda kala duwan ee dowladu ugu
jirto sidii looga fa’idaysan lahaa qorshaha Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya, kaas
oo ahmiyad gaar ah siinaya xasilinta dalka, habaynta garsoorka, sare u qaadida
maamulka iyo maareynta lacagaha iyo dib u soo kabashada ilaha dhaqaalaha” ayuu
yiri Ra’isul Wasaare Saacid
---DHAMAAD--
Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda, XRW Somalia
Mob: +252-61-6969105
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 17, 2013
|