Qoraal ay si wadajir ah u soo wada saareen Catherine Ashton iyo Madaxweyne
Xasan Sheikh ee Heshiiska Cusub ee soomaaliya
Cidna ma dafiri karto in Soomaaliya meel fog ka timid. Isbedelladi waaweynaa
ee dalku soo maray bilihi dhawaa waxay muujinayaan awooda balan-gal ee ah in
dalka laga saaro dagaalada sokeeye iyo saboolnimada, balan-gal ay
hogaamiyayaasha Soomaaliyeed ku doonayaa in ay uga jawaabaan hiigsiga dadkooda
ee mustabal wanaagsan iyadoo Midowga Yurub iyo shurakada caalamiga ahna ku
taagyeerayaan tubtooda dib-u-dhiska iyo xasilinta.
Olola ciidan ee ay horsedka ka yihiin AMISOM, Ergada Midowga Afrika ee
Soomaaliya iyo Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxay ka saareen Al-shabaab
qaybo badan oo ka mid ah dalka. Weerarada burcad-badeedka waxay hoos ugu dhaceen
93% labadi sanoo la soo dhaafay, mana aysan jrin 2013 hal dhacdo ay ku
guuleysateen. Weerarada argagixisa ayaa welitood dhulka ka dhacaya iyadoo
halista ku aadan nafta, nabadgelyada iyo xasiloonida ay tahay mid dhab ah.
Laakin Soomaalidu dibada way ka soo noqonayaan waxayna gacan ka geysanayaa
maalgashiga iyo dhisidda dowladda cusub. Midowga Yurub iyo kuwa kaleba waa in ay
ku taagyeeraan howshan dib-u-dhiska si ay Haya'daha cusub ee Federalka ay u
sameeyaan dowlada federal ah oo shaqayneysa qabtaan doorashooyin sida la
qorsheeyey 2016.
Si loo astaameeyo horumarka la gaaray loona taagyeero dadaalka dib-u-dhiska
waxaannu ku martigelinaynaa shir Brussels 16/9/2013 si loogu daah-furo "Heshiiska
cusub ee Soomaaliya". Dhacdadan waxay ansixin doontaa heshiis balan-gal ka
dhexeeya Soomaaliya iyo beesha caalamka si loogu socdo si dhaqsi leh tubta
nabadda iyo barwaaqada- taasoo ku sar-go'an hanaanka "Heshiiska Cusub" ee lagu
taagyeero dalalka nugul iyo kuwa ku sugan xaaladaha colaadaha ka dib.
Dhacdadu waxay soo bandhigi doontaa aragti siyaasadeed oo cad kuna aadan
mustaqbalka Soomaaliya, kala mudnaasiinya horumarka leysku af-gartay iyo in la
sameeyo farsamooyin lagu maalgeliyo iyo tabihi lagu hubsan lahaa in deeqaha lagu
keeno si wax gal lehna is-xisaabin. Waa habkan midka lagu taagyeeri karo hanaan
siyaasadeed ee Soomaalida dhexdeeda ah ee ku soo af-jaraan dastuurkooda kuna
qeexaan nooca dowlada federal ee ay doonayaan.
Iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo reer yurub wuxuu gacan ka geystay sal u
dhigidda horumarkan. Waqtiyadi dhibka badanaa ee ay Soomaaliya soo martay 20ki
sannoo la soo dhaafay Midowga yurub marna ma hakin kaalmo. Marki macluushu ku
habsatay dalka gar-gaarka bani'adannimo ee reer yurub waa la jira. Marki
argagixisanimadu ku halis gelisay qas, Midowga Yurub iyo shurakadiisa waxay
taagyeereen ololaha AMISOM in ay dib uga saarto waxayna keentay Ergada Midowga
Yurub ee Tababaridda oo ka taagyeereysa Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed in ay soo
ceshadaan wax galnimadooda. Marki burca-badeeddu halis gelisay marinada badda ee
badweynta Hindiya, Ciidamada Badda Midowga Yurub waxay hakameeyeen burcaddi
iyadoo Ergada EUCAP NESTOR loo abuuray in ay xoojiso nabadgelyada badda. Mar
walboo ay suurta gal tahay fursad shaqo horumarineed ee waqtiga fog, Sanduuqa
horumarinta ee Midowga Yurub waa maalgeliyaa.
Weli, lama joogo meel lagu qanco. Waxaannu u baahannahay in aan sii wadno
dadaalka is-bedelka. Halganka looga soo horjeedo Al-shabaab waa in la
dhammaystiraa. Hiigsiga siyaasdeed waa in loo rogaa xaqiiga sugan. Dalku wuxuu u
baahan yahay hay'ado shaqeeya oo ay dadku aaminsan yihiin. Ku-xukantanka
sharciga, nabadgelyada iyo maamul maaliyadeed oo hufan waa in la dhisaa.
Wadamada deriska la ah dalka waa in ay helaan dammaanad in Somaaliya ay ahaan
doonto xoog gacan ka qayb qaata xasiloonida gobolka ee aysan qayb ka noqon
xasilooni darada.
Laakin waa in aan wax qabanaa hadda waana in aan wax ku qabanaa wadajir. Guushu
waxay ku jirtaa iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo beesha caalamka- iskaashi
dhab ah oo ay Soomaalidu ku qaadeyso xuquuda iyo waajibaadka dowlad madax-banaan,
kuna hananayaan lahaanshaha iyo masuuliyadda mustaqbalkooda. "Shirka Heshiiska
Cusub ee Soomaaliya" wuxuu siinayaa fursadan lagu hananaayo barnaamijka lagu
siin lahaa Soomaaliya taagyeerada ay baahan tahay laguna siin lahaa Soomaaliyada
mustaqbalka ay mudan yihii.
Qorayaashu waa: Katharine Ashton, Wakiiladda Sare Midowga Yurub ee Arrimaha
Dibadda iyo Siyaasadda Nabadgelyada ahna Ku-Xigeenka Mahaxweynaha Guddiga Reer
Yurub, iyo Mudane Xasan Shiekh Maxamud, Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya.
English Version: Read here
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson
Office of the President
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 13, 2013
|