SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Khilaaf kaTaagan Qaabka loo Qaybsanayo Xubnaha ka Qayb Galeya Shirka Brussels ee Todobaadka Soo Socda la Qabanayo

Iyadoo 16-ka Bishaan Dalka Belgium Caasimadiisa Brussels lagu qaban Doono Shiir loogu Magacdarey New Deal kaasoo ay isugu Imaan Doonaan Dowladda Federaalka , Maamulada Gobolada Dalka iyo Bulshada Rayidka , waxaana Shirkaa lagu sheegey in Soomaaliya looga Ururinaayo Dhaqaale Dib loogu Dhisayo Soomaaliya oo Muddo 22 Sanno ku soo jirtey Colaado , Abaaro iyo Cuduro

Shirkaan ayaa waxaa ka soo Qaybgeli Doonaa Madax ka tirsan Adduunka oo u badan Dalalka Horumarey iyo Ururo Caalami ah iyo Madax ka tirsan Wadamada Ciidamada ka joogaan Soomaaliya , iyadoo Shirkaan lagu Tilmaamey ii ugu weynaa ee Abid loo Qabto Soomaaliya hase yeeshee warar aan helney ayaa sheegaya in Khilaaf ka taagan yahay dadka ka qayb galaya Shirkaas gaar ahaan Bulshada Rayidka

Khilaafka ugu weyn waxa uu ka taagan yahay Bulshada Rayidka , waxaana ku soo Hagaagey 15 Xubnood waxaana loo Qaybsadey 5 Waxaa la siiyey Maamulka Soomaaliland , 5 Waxaa la siiyey Punland halka Koonfurta iyo Bartamaha la siiyey 5 Xubnood ,waxaana qaar ka mid ah Bulshada Rayidka ah ee Koofurta ay aad uga Caroodeen in lala Simo Soomaaliland iyo Pundland .,

Khilaafka waxaa uu sii Xoogeystey markii la damcay in Shantii Xubnood ee ku soo aadey Koofurta , iyadoo qaar ka mida Bulshada Rayidka ee nala Soo Xiriirey ay noo Sheegeen in si Cadaalad arro ah loo Qaybiyey Shantaas Xubnood waxay sii raaciyeen” Markii hore anaga oo Cadaaladdaro ka tirsaneyney Beesha Caalamka haddii aan nahay Koofuurta ayaa hadana waxaa Cadaaldaro ka timid qaabkii ay Bulshada rayidka u qaybsadeen Shantaas Xubnood “

Sidoo kale Dowladda Federaalkaayaa iyana waxaa ka dhex jira Khilaaf ku saabsan Xubnaha ka qayb galaya Shirka Brussels iyadoo qaar ka mid Xildhibaanada ay ku Eedeeyeen Madaxtooyada in ay Dad gaar ah u Xushey Shirkaas islamarkaana lagu Xadgudbey Xubnhii Xildhibaanada ee ay ka heleen Shirkaas waxay Intaa ku Dareen” Guddiyada Baarlamaanka ee Khuseeya Shirkaas sida Guddiga Maaliyada , Guddiga Ariimaha Dibada waxay Xaq u lahaayeen ka qaybgalka Shirkaas marka waxaa u soo jeedineynaaa Dowladda in ay fara ka baxaan arriimaha Baarlamaanka”

Shirkaas ayaa waxaa sidoo kale lagu Martiqaadey Maamulada Gobolada iyadoo warar ay sheegayaan in uu ka qayb galaya shirkaas Gudoomiyha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe ) ooo haatan ku sugan Magaalada Muqdisho sidoo kale waxaa iyana Shirkaas la sheegey inay ka qayb galayaan Gudoomiyayaasha Gobolada ee ay Aqoonsan tahay Dowladda Federaalka

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 12, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;