- Qodobo Dhowr ah oo ka soo baxay Shirweynihii Culimada loogana
Hadlayey Xagjirnimada
- Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa qado soo dhoweyn ah u sameeyey waxgaradka ka soo
jeeda jubooyinka
- Madaxweynaha DFS oo qudbad ka jeediyey Shirka ka hortaga Burcad
badeeda ee ka furmay Dubai.
- Ra’iisul Wasaaraha oo dalka dib ugu soo laabtay, kana warbixiyay
muhiimadda heshiisyadii ay soo galeen
Qodobo Dhowr ah oo ka soo baxay Shirweynihii Culimada loogana Hadlayey
Xagjirnimada
Waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo Gabagebeeyey Shirweyne looga hadlayey wax
loogu yeerey Xagjirnimada oo ka qeyb galeen Culumo fara badan oo ka kala yimid
Dibadda iyo Gudaha iyo Dad kale oo Aqoonyahano ah.
Shirkaas oo soo Qabanqaabisay Dowladda Soomaaliya waxaa soo xiray Raiisul
Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, waxaana laga soo saaray
Qodobo Dhowr ah
Bayaankii kasoo baxay Shirkii Culimada ee
socday Muddada 5 Maalmood aheyd halkan ka akhri

Raiisul Wasaare Saacid oo soo xiray shirkii looga hadlayey xagjirnimada

Muqdisho, Sep, 11, 2013…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya
mudane Cabdi Faarax Shirdoon ( Saacid) ayaa maanta soo xiray shirkii heerka
qaran ee latacaalidda mushkiladdaha xagjirnimada ee ka jira Soomaaliya. Shirkaan
ayaa ka socday Muqdisho mudo shan maalmood ah, waxaana soo agaasimey Culimada
Soomaaliyeed iyagoo taageero ka helaya Dowladda federaalka ee Soomaaliya,
shirkaan ayaa waxaa ka soo qayb galay Culumo ka kala timid dalka dibadiisa iyo
gudihiisa, Aqoonyahano, iyo Bahda saxaafada, waxaana si weyn loogu gorfooyeeyey
raadka dhibaatada xagjarnimada ay ku leedahay bulshada iyo sidii xal looga gaari
lahaa,
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo hadal ka jeediyey
xiritaanka shirka ayaa ka mahadceliyey dadaalka la geliyey sidii xal loogu heli
lahaa aafada xagjirnimada, isagoo tilmaamay in xagjirnimadu ay tahay dhibaatada
ugu weyn ee hortaagan dowladnimada iyo nabadda Soomaaliya.
“Muddo ayaan ku wareersanayn mushkiladda xagjirnimada iyo la dagaalanka Al-shabab,
waan ku faraxsannahay jawaabaha waafiga ah ee aad u keenyteen mixnaddan.Dowladdu
ma diideyso in fikradaha lagu kala duwanaado ee waxa ay diidan tahay is qarxinta
iyo khalkhal galinta nabdgalyada. Waxa ka soo baxay shirkan waan soo
dhoweyneynaa, waxaan balan qaadayaa in aan ku dhaqmi doono bayaanka aad soo
saarteen, berri ayaan uga hadlaynaa shirka golaha wasiirradda.Xagjirnimadu waxa
ay xagal-daacinaysaa hiigsigeena ,laakiin nassib wanaag taladiinu waxa ay timi
xilligii loo baahnaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.
Guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed Shiikh Bashiir Axmed Salaad oo ku
hadlay magaca ka soo qaybgalayaasha shirweynaha ayaa ku baaqay in meel looga soo
wada jeensado fikirka tagfiiriga ee Kooxda xagjirka ah ee Al-shabaab, waxana uu
tilmaamay in manhajka khaldan ee Al-shabab uu baal marsan yahay shareecadda iyo
qiyamka Islaamka.
“Waa in mishkiladaan iskaashi buuxa ay ka sameeyaan bulshada qaybaheeda kala
duwan, waana arinka kaliya ee lagu daaweyn karo. dhibaatadaan waxay timid kadib
markii la dayacay diinta, daawaduna waxayu ku jirtaa in la toobad keeno
Ilaahayna loo noqdo” ayuu yiri Shiikh Bashiir Axmed Salaad.
War-murtiyeed laga soo saaray shir weynaha ayaa laga hor akhriyey shirka, waxana
war-murtiyeedkaasi oo xanbaarsanaa Fatwo iyo talooyin dhaxal gal ah soo saaray
culimadii iyo aqoonyahanadii ka soo qaybgalay shirka.
Fatwada halkan ka akhri
----DHAMAAD---
Communication Office
Mogdisho-Somalia
Media@opm.gov.so
Ra’iisul W. Saacid ayaa qado soo dhoweyn ah u sameeyey waxgaradka ka soo
jeeda jubooyinka Muqdisho, Sept, 11, 2013..Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya
mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta magaalada Muqdisho qado sharaf
ugu sameeyey maamulka kumeelgaarka ah iyo wax-garad ka soo jeeda gobollada
Jubbooyinka. Munaasabaddan qadada ah oo ay ka soo qayb-galeen dhamaan qaybaha kala duwan ee
dadka Jubooyinka ayaa ujeedadeedu ahayd in la dhiiri-geliyo heshiishkii
magaalada Addis Ababa ay ku kala saxiixdeen dowladda federalka ee Soomaaliya iyo
maamulka KMG ah ee jubba ee uu hoggaamiyo Shiikh Axmed Islaan (Axmed Madoobe).

Raiisulwasaaraha dowladda federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon
“ Saacid” ayaa ku tilmaamay in heshiiskaas uu ahaa mid taariikhi ah, isagoona
balanqaaday in dowladdiisu ay fulin doonto heshiishka, islamarkaasina ay
fududeyn doonto hab-socodka dub-u-heshiisiinta gobolada Jubbooyinka. “Waxaan si niyad ah u soo dhoweyneynaa heshiiskii Addis Ababa, dhamaan
safarradii aan ku tegeynay Kismaayo waxa ay ahaaayeen kuwo aan nabad ku
dooneynay, annaguna waxaan muujinay sabur. dowladdu waxa ay samayneysaa
fududaynta wadahadalada iyo dib-u-heshiisiinta” ayuu yiri Ra’iisul wasaare
Saacid Ra’iisulwasaare Saacid ayaa sidoo kale ku dhawaaqay xilliga la qaban doono
wejiga kowaad ee shirka dib-u-heshiisiinta, waxana uu sheegay in 05, Oct, 2013
uu shirkaas ka dhici doono magaalada Muqdisho, iyadoo wejiga labaad ee
shirkaasina lagu dhamaystiri doono magaalada Kismaayo. Dhinaca kale hoggaamiyaha kumeelgaarka ah ee maamulka Jubbooyinka mudane Shiikh
Axmed Islaan ( Axmed Madoobe) ayaa dowladda Soomaaliya iyo bulshada gobolka
Banaadir uga mahadnaqay soo-dhoweyntii ay ugu sameeyeen magaalada Muqdisho,
waxaana uu xusay in intii uu joogay Muqdisho uu kulamo guud iyo kuwo gaar ah uu
la yeeshay dadka ka soo jeeda Jubbooyinka, islamarkaasina si weyn la isugu soo
dhowaaday.

“Intii aan joognay Muqdisho wax badan ayaa noo qabsoomay, kulamo badan ayaan
galnay, si fiican ayaana la isugu afgartay. Waxaan u soo marnay waddo dheer
laakiin maanta caqabado badan ayaan ka gudubnay, qof kasta oo wax tabanaya
waxaan diyaar u ahay in aan u tago xaal mariyo .Arrintan waxa ay horseed u tahay
nabad iyo dhisme dowlad oo Soomaaliya ka hanaqaada” ayuu yiri Axmed Madoobe. Wasiiradda Arrimaha gudaha iyo warfaafinta C/kariim Xasan Guuleed iyo C/laahi
Ciilmooge Xirsi oo ka hadlay madasha ayaa bogaadiyey heshiishkii Addis Ababa,
iyagoo muujiyey sida dowladda Soomaaliyeed ay diyaar ugu tahay taabbagelinta
heshiishka Jubbooyinka. ---DHAMAAD--- Communication Office Mogdisho-Somalia Media@opm.gov.so
Madaxweyne Xasan Sheekh oo qudbad ka jeediyey Shirka ka hortaga Burcad
badeeda ee ka furmay Dubai.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qudbad ka
jeeediyey furitaanka shirka ka hortaga Burcad Badeed oo maanta ka furmay
magaaladda Dubai ee Isutaga Imaaraadka Carabta.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa marka hore u mahad celiyey Dowladda Imaraadka
Carabta oo sanad walba qabata Shirkan” Aad ayaan uga mahad-celinayaa Dowladda
Imaraadka Shirkan iyo fahamka Qatarta Burcad Badeeda.
“ Dowladda Soomaaliya diyaar ayey u tahay la shaqeynta caalamka si loo dhaqan
geliyo muhiimadaha gaarka ah sida, Ammaanka, Cadaaladda, hagaajinta maamulka
Maaliyadda, Dowladd-wanaaga iyo kuwa kalaba” ayuu yiri Madaxweynaha.
Shirkan oo sigaar ah looga hadlayo sanadkan Ka Hortagga Burcad Badeedka iyo iska
kaashiga dhismaha awood ka hortagta, ayaa Madaxweynahu ka sheegay in xalka
Burcad badeeda yahay xoojinta iyo taageeridda Dowladda Federaalka
Soomaaliya,waxaana shirka ka qeyb galay madax ka socota wadamada daneeya
arrimaha Soomaaliya.
Ugu Dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan
Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee
Dowladda Isutaga Imaaraadka carabta Sheekh Abdullah Bin Sayed, waxa uuna kala
hadlay xiirirka labadda dalka.
--
Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somali
Warsaxaafadeed
Ra’iisul Wasaaraha oo dalka dib ugu soo laabtay, kana warbixiyay muhiimadda
heshiisyadii ay soo galeen
Muqdisho, September 11, 2013-----Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya
Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib
safaro uu ku tegay dalalka Jabuuti, Sucuudiga iyo Yemen, halkaasoo uu heshiisyo
kala duwan kula soo saxiixday hay’addo iyo wadamo, waxaana safarkiisa ku
wehliyay xubno ka tirsan golaha Wasiirada oo uu ka mid yahay Wasiirka
Gaashaandhigga, iyo Wasiiru dawlaha Arrimaha dibadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyey xubnaha golaha Wasiirada,
xidlhibaano, saraakiil, iyo dadweyne aad u tiro badan kuwaasoo ka kala yimid
degmooyinka gobolka Banaadir uuna hor kacayay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna
duqa Muqdisho Maxamuud Axmad Nuur Tarsan, isaga oo Ra’iisul Wasaaruhu ka
warbixiyay natiijada safarkiisa gaar ahaana muhiimada heshiisyo horumarineed oo
ay la soo galeen isaga iyo wafdigiisu urur weynaha Islaamka OIC, iyo dawladda
Yemen.
Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa ugu horeyntii sheegay in ujeedada safarkiisu uu
isugu jiray Cibaado iyo shaqo, maadaama Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisu ay
tageen Magaalada Barakeysan ee Makkah Al Mukaramah, isla markaana ay soo
Cumreysteen, ayna alle uga baryeen dalka inuu helo xasilooni iyo barwaaqo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in dalalka ay socdaalka ku tageen isaga iyo
wafdigiisa ay la soo galeen heshiisyo muhiim ah oo ku aadan dhinacyada
Iskaashiga Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga, Iskaashiga dhinaca Waxbarshada
iyo Dhaqanka, Tacliinta-sare iyo Warbaahinta, iskaashiga dhinaca Diplomaasiyadda,
Nabadgalyadda, Gaashaandhiga iyo Cadaaladda, Iskaashiga dhinaca Arimaha Bulshada
iyo Qaxootiga.
Sidoo kale, Ra’iisu Wasaaruhu waxa uu si gaar ah u xusay heshiis ay xukuumadu la
gashay Urur weynaha Islaamka (OIC), kaasoo dhigayay in ururku uu ka taageero
dalka Soomaaliya dhinacyada, Horumarinta Adeegyadda Bulshada iyo kaabayaasha
dalka, Wax soo saarka kala duwan ee dalka, Daymaha bislaaday oo dib loo eego,
soo noolaynta mashaariicdii hore ee bankiga islaamka uu ka fulin jiray dalka
Soomaaliya, Tayaynta howl-qabadka Hay’adaha Dawladda.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ammaan iyo bogaadin u jeediyay dalka
Jabuuti iyo hogaankeeda, wuxuuna xusay inay sameeyeen horumar furfurnaanta
dhanka siyaasada, iyo dhaqaalaha, isaga oo tusaale u soo qaatay dakado cusub oo
laga hirgeliyay dalka Jabuuti intii ay booqashada ku joogeen dalka, wuxuuna
tilmaamay inay ka wada hadleen madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar
Geelle, gaar ahaana sidii loo horumarin lahaa Dakaddaheena.
Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa soo dhoweeeyey mar kale soo dhoweeyey heshiiskii
dawladda Soomaaliyeed iyo maamulka Jubba ee uu madaxda ka yahay Axmad Madoobe,
waxaana uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan, kana qeyb qaataan
sidii loo dhaqangelin lahaa heshiiskaasi oo qeyb ka ah hanaanka dib u
heshiisiineed ee ay dawladdu ku howlan tahay.
Dhinaca kale, masm’uuliyiinta dalka Yemen oo uu ka mid ahaa Wasiirka Caafimaadka
ee dalka Yemen Dr Axmad Qaasim Al Cansi ayaa si heer sare ah Ra’iisul Wasaaraha
iyo wafdigiisa ku soo sagootiyay halkaasoo booqasho rasmi ah wafdigu ay ku
joogeen maalmihii la soo dhaafay.
Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mogadishu, Somalia
Mob.+25261-5536608
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 12, 2013
|