Shirkii 12-aad ee golaha imaamyada oo soo gabagaboobay iyo bayaan kasoo
baxay
Halkan ka daawo Sawirada
Sadex dii bari ee lasoo dhaafay September 6-8, 2013 ayaa shir uga socday
Golaha Imaamayada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika Magaalada Minneapolis,
Xarunta way nee Abuubakar As-Saddique Islamic Center. Shirkaas ayaa ahaa shirkii
12-aad ee xubnaha shuurada iyo tanfiidka isugu yimaadaan sanad kasta mar.
The North American Council of Somali Imams, loona soo gaabiyo (NACSI) ayaa ah
magaca hay’adan aan macaash raadiska ahayn marka English loo turjumo, NACSI waa
gole ay ku kalan sanyihiin in kabadan 21 Masaajid/Maraakis oo ku yaala dalka
Maraykanka dhamaantoodna ay gateen, dhisteen, kiraysteen Jaaliyadaha
Soomaaliyeed ee ku nool Maraykan ka. Maraakistaas ayaa u dhaxeeya qaar ku
fadhiya qiimo ahaan inta u dhaxaysa $200.000 - $5.000.000 (laba boqol oo kun
ilaa shan milyan oo doolar) dhamaantoodna marka la isu geeyo hantida gashay
waxaa lagu qiyaasaa in ka badan $60.000.000 (lixdan Milyan oo doolar)
Shirkaan sanad laha ah ayaa marba diirada saara arimaha markaas taagan iyo kuwa
mustaqbalka dhow soo aadan ee khuseeya ummadaha muslimiinta iyo gaar ahaan
mushtamaca Soomaaliyeed ee ku nool dalka Maraykanka.
Sanadkan ayaa shirku xooga saaray sidii loo baraalin lahaa hay’ada NACSI dhinac
kasta oo ay noqoto, haday ahaan lahayd dhinaca shaqaalaha, dhaqaalaha,
maraakista cusub ee kusoo biiraya, Siminaarada iyo tababarada uu siinayo
imaamyada, maamulayasha maraakista, macalimiinta dugsiyada iyo waxqabad ka kale
eeee xaqiijinaya ahdaafta Majliska loo agaasimay. Maalinkii Sabtida ahayd
intiisii bad naydna waxaa shirku xooga saarayey arimaha horumarinta Golaha
Imaamyada Soomaaliyeed ee waqooyiga Ameerika.
Sidoo kale shirku wuxuu xooga saaray sidii Masaajida kale ee aan golahan ku
jirin ay uga mid noqon lahaayeen, gaar ahaan waxaa laga hadlay Masaajida Canada,
lana ansixiyey in lagu soo daro golahaan.
Halkan ka akhir: Baaq kasoo baxay golaha
imaamyada shirkoodii 12-aad ee 2013.pdf
Maalinkii labaad ee shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay Sh. Abdirahman Sh. Cumar
oo Soomaaliya kasoo noqday, Sh. Abdirahman waa gudoomiyaha golaha Shuurada ee
NACSI. Sheikh Abdirahmaan ayaa war bixin dheer ka bixiyey safarkiisa uu
Soomaaliya kaga soo noqday, isagoo xusay inuu isbadal wayn u dhexeeyo safar
kiisaan iyo kii ka horeeyey, dhinaca nabada iyo horumarka ee Magaalada Muqdisho.
Sheikha ayaa ka mid ahaa xubnihii lagu casumay shirkii waxbarasha ee Dowladu
Muqdishu ku qabatay, wuxuuna xusay inuu ahaa shir Soomaalidu u madax banaan
tahay, ayna gacanta ku hayeen dad aqoon iyo karti u leh howsha waxbarasha .
Shirka ayaa aad looga dareemay Magaalada Minneapolis, maadaama culimo badan
kasoo qayb galeen, kuwaas oo nasiib u yeeshay inay Masaajida gobolka Minnesota
ka jeediyaan, khudbooyin iyo muxaadaraad isdaba jog ah, dadka reer Minnesota
ayaa muujiya marka ay arkaan kulamada noocaan oo kale ah farxad iyo soo dhawayn.
Ugu danbayntii ayaa shirka laga soo saaray baaq loo jeediyey ummada Soomaaliyeed
qaybaheeda kala duwan dal iyo dibadba, baaqaas oo ka koobnaa sideed qodob waxaa
ku saxiixnaa Sh. Abdirahman Sh. Omar, waxaana goobta ka akhriyey Sh. Yusuf
Abdulle oo ah xoghayaha golaha Shuurada ee Majliska. Hoos ka akhriso nuqulka
baaqa. Xasan Dhooye, Minneapolis, MN
Halkan ka daawo Sawirada
Xayaysiis Ha moogaan Salaam African bank... Xaggee ka eeg:
http://somalitalk.com/xayaysiis/salaam/bank.html
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 10, 2013
|