Guuxa Dadweynaha Mudadii Sannadka ee ay Jirtey Dowladda Xasan Shiikh
10-ka September 2012
10-ka September 2013
Iyadoo 10-ka Bishaan ee September ay ku Beegan tahay Sannadkii Guuradii 1aad ee
ka soo Wareegtey Markii Hogaanka Dalka loo Doortey Madaxweyne Xasan Shiikh
Maxamuud hadaba nala Akhriya Guuxa Dadweynaha
1-Waa Dowlad aan Wasiiradeeda aan la arkin oo aan Xafiis Fariisan.
2- Waa Dowlad ku fiican sida wax loo Camabaareeyo marka ay ay Dhacaan Qarax iyo
Dilalal
3- Madaxweyne Xasan Shiikh waa
Madaxweynihii ugu fiicnaa ee na soo mara marka waxaan leeyahay Dadka Mucaaradsan
Waa Doogiye yaan la Dacaroon
4-Waa Dowlada Difaac ku Ururtey waayo waxay Xirtey Wadooyin ku yaal Muqdisho oo
Shacabka mari jireen, marka maxay Dhaantaa Dowladii Shiikh Shariif ee
Dhufeysyada Badneyd
5- Waxaan isla haa Dowladaan Cabsidii Bulshadda bay Dhameyn Doontaa balse waa
nagu Siyaadisey
6- Waa Dowlada aan Maalmihii hore Mucaarad lahayn hadde waxaa ku Kordhey
Mucaaradkii
7-Tan anigu Dowlad ma dhihi karo waayo wixii ka dhacay Kismaayo ee Xasuuq ahaa
kama hadlin Xitaa laguma soo qaadin Shirkii Adis Ababa.
8- Waxay ka bixi la’ dahay Shirar aan wax Natiijo ah lahayn oo Kharash lagu Cuno
Fiiri kii Hotel Jasiira ee hada Dhamaadey maxaa ka soo baxay
9- Waa Dowlad Dadkeed Jecel waayo Madaxda Dowladda waxay Kormeero ku tagaan
Goboladda Dalka.
10- Ar yaa maxaa loo yIri Shabaab Magaalada Muqdisho laga saarey waa kuwaa meel
waliba ka Howlgalayo oo Dowladii ku J ahwareertey .
11- War Tan iga dhaaf hadiiba ay sugu la’dahay Amaankii Shacabka, Waliba waxaa
sii Caroodaa markaana Wasiiradeeda ka Maqlo Xalaada amaan ee Dalka aad bay u
Wanaagsan tahay.war hadii aad wax qaban weyseen Dadka ha ku jees Jeesina
12-Ilaah ha na Dhaafiyo Midaan
13-War ha loo sugu Sannad kale
14- War tan Dowlad ma aha Sannad keliya ayaa la Diley 1 4 Wariye
15- Waa Dowlad Jabisey Gidaarkii 4.5-ka
16- Tii Shiikh Shariif baa Dhaantey
17- Waa Dowlada lacag yari nagu Ridey oo aan Shaxaad lahayn
18-Waa Dowlad fiican oo Xirtey Ilihi Dhaqaalaha ee la iska Guran jirey
19- Waxay nagu Ridey Sicir Barar
20- Waa Dowlad ay Wareegtadeeda Shaqeyneysa waayo waxay qaadey Isbaarooyinkii
21-Waa Dowlad aan markii Hore soo dhaweeyey markii ay 10 Wasiir Magacawdey balse
Gadaal bay ka Dhiiqatey waxay Xukuumadii Noqtey 35 Wasiir maxay Dhaantaa kuwii
ka Horeyeey
22-Waxaa Sannadkaas ay jirtey la Diley Dad fara badan oo isugu jirey Odey
Dhaqameed,Xildhibaano, Taliyayaal Ciidan,Wariyayaal iska dhaaf qaybaha kala ee
Ciidamada iyo Dadka kale ee rayidka ah
23- Waxaa Dhacay Qaraxyo dad
badan ku dhinteen, oo ay ugu waawenaayeen Qaraxyadii iyo Weerarkii Maxkamadda
Gobolka Banaadir, Weerarii iyo Isqarxintii Xarunta UNDP, Weerarkii Ismiidaaminta
ee Xaruntii Turkiga, Soomaalida waxay Tiraahdaa Mayd maxa u Dambeeyey Kaa la sii
Sido 7-Bisha oo Sadax Maalmood ka harsan tahay Sannad Guurada 1 aad ee
Doorashadii Madaxweyne Xasan Shiikh ,waxaa uu Qarax ka dhacay Maqaayada The
Village oo ay dad badan ku Dhinteen waana Qaraxii labaad ee lala beegsado
Maqaayadas kii ka Horeeyey waxaa uu dhacay 20 kii September 2012,Hadaba wax
iskama Bedelin Qaraxyadii Muqdisho
24- Waa Dowlada Kalsoonidii ku weysey Arrinta Kisimaayo
25- Aad baa u soo Dhaweynayaa Dowladda waayo waxay Xal ka gaartey Arrinta
Kismaayo
26- Waa Dowlad oo wax ka qaban weysey Dhul Boobka ka jira Muqdisho oo weliba
lagu hayo Dhulkii Danta Guud
27- Waa Dowlad wax ka qabtey Waxbarasha la’aantii haystey Caruurta Soomaaliyeed
waayo waxay Dugsiyo u Direysaa Hal Mlyan oo Caruur ah
28- Maya taasi iga jooji ,Caruurta Dugsiyada loo Dirayo ma Geedaha Hoostooda wax
lagu baryaa waayo Dugsiyadii Dowladu lahayd waxaa la siiyey Hayado iyo
Shaqsiyaad waa yaabee yaan Ummada Been loo sheegin
29-Waxaa Xabsi ku jira Shiikh Xasan Daahir Aweys oo Dadkii u soo Magangeliyey
Dowladda si Xun ula Dhaqantey Halka Muqdisho lagu soo dhaweeyey Axmed
Madoobe,ooh ore uga wada tirsanaayeen Xisbul Islaam.
30- War Dowladaan waxay nagu soo Nooleysey Dagaal Beeleedyadii waxaa Dagaalo ka
soo Cusboonaadeen Gobolada Shabeelada Dhexe iyo Shabeelada Hoose 299 – Intii ay
jirtey Dowlada Waxaa Gacanteeda ka Baxay Magaalo Madaxdii Gobolka Bakool ee
Xudur oo ay la wareegeen Xarakada Al-Shabaab Mudadaas Dowladda Jirtey Ciidmada
Amisom iyo kuwa Dowlada horey uma dhaqaaqin oo meeshii Shiikh Shariif uga tagey
bay joogtaa
31- Heshiiskii Adis –Ababa waxaa uu ka careysiiyey Beelaha Raxan weyn oo
Odayaashoodu Sheegeen in ay ka baxeen Dowladda Federaalka waxayna arrintu
noqotey Tan Qabo tan sii Daa
32- Maamulka Pundland oo Tiir u ahaa Dhismihii Dowladaan ayaa iyana ku
dhawaaqdey in ay Gabi ahaan Xiriirkii u jireen Dowladda Federaalka ka dib markii
uu Maamulku uu sheegey in wax badan laga badeley Dastuurkii Dalka
33- Dowladu waxa badan bay qabatey waxay Wada hadal la Furtey Maamulka
Soomaaliland taasoo la dhihi karo waa Talaabo ay horey Dowladu u qaadey oo ku
Aadan Dhinaca Dib u Heshiisiinta
34- Waa Dowlad aan wax Naxariis ah u gelin dadkii ku jirey Guryaha Dowladda
kuwaa oo qaarkood maanta ku Dandareysan Duleedka Magaalada Muqdisho iyadoo
Guryihii laga saarey ay yihiin kuwa aan Dowladu ku shaqeyn Dowladda Federaalka
sida u qirey Madaxweynaha Dowladda Federaalka
35- Waa Dowlad aan Dhihi karo waxay Dhiiragelineysaa in Dadka u kala baxaan
Dabaqad Sare iyo Mid Hoose waayo Dabaqdii Dhexe ayaa u Muuqata in ay meesha ka
baxayso , waxaa lagu Khaaliyeeyey Guryahii , waxaa ku Siyaadey Sicirkii
Raashinka,
36- Waa Dowladda dib u soo Celisey Xiriirkii Caalamiga iyo Ururada caalamiga ah
, waxaana uu Madaxweyne Xasan Shiikh uu Magaaladda Washington kula Kulmay
Madaxweynaha Mareykanka Obama
37-Waa Dowlada intii ay jirtey Heshiisyo la gashey Shirkado Badan kuwaa oo
qaarkood aan la Garaneyn halka ay ka soo jeedaan,marka waxaan leeyahay waa
Heshiisyo lagu Degdegey..
38- Waa Dowladii ugu Qabqabashada badneyd Dhinaca Dhaliyarada waxaan Dhihi karaa
waa Dowlada Dhalinyarada Dagaal kula jirta
39- Aniga Madaxweynaha waan Jecelahay waayo waxaa uu Beerey Geed
Isku soo wada duuboo mudadaas Sannadka ee ay jirtay Dowlada Xasan Sheikh waxaa
Dhihii karaa waa Sannad oo wax badan la qaban karay gaar ahaan Dhinaca Amaanka
oo ah kan ugu Muhiimsan oo ay Bulshada lagu Kasban karo , hase yeeshee hadaba
waxaa Sugnaa waxay tahay Sannad ka dib maxay la imaan doontaa ma sida hadda ay
tahay bay Sare uga kici doontaa oo ay ku soo afjari doontaa Dhaliilaha fara
badan ee Guuxa Dadweynaha.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.
Xayaysiis Ha moogaan Salaam African bank... Xaggee ka eeg:
http://somalitalk.com/xayaysiis/salaam/bank.html
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 10, 2013
|