Ra'iisul Wasaare Saacid Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo oo Maalintii Seddaxaad Ku
Sugnaa Dalka Jabuuti, isla Markaana Ka Qayb-galey Dhismaha Dhagax Dhiga Laba
Dekadood Oo Dalka Jabuuti Ah.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa Hotel
Kempiniski caasimadda dalka Jabuuti casho sharaf ugu sameeyey madaxweynaha
maamul goboleedka Puntland iyo xubno la socdey oo ay hoteelka wada deganaayeen.
Ra’iisul Wasaare Saacid iyo wafdigiisa ayaa cashada ka hor kulan al-baabadda u
xiran la yeeshey Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Dr. Cabdiraxmaan
Faroole iyo xubano ka tirsan maamulkiisa.
Kulanka kadib Af-hayeenka Xukuumadda Soomaaliya Ridwaan Xaaji oo saxaafadda la
Hadley ayaa waxaa uu marka hore faah faahiyey imaatinkii ay yimaadeen dalka
Jabuuti, kulamadda Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshey madaxda sare ee dalka jabuuti,
halka ay uga sii gudbayaan wafidga ra’iisul wasaaraha iyo ujeedadda cashadii
waxaa uuna yiri
“Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa casho sharaf u
sameeyey wafdiga madaxweynaha Puntland md. Cabdiraxmaan faroole. Waxyaabo aad
iyo aad u fara badan ayaa laga Hadley mudadii cashada lagu jirey, gaar ahaan
ahmiyadda ay leedahay dadka soomaaliyeed in ay laabta isu furaan, waxyaabaha
mararka qaarkood tuhunada ah ayna tahay in la iska qanciyo oo lays fahansiiyo.
Kulan aad iyo aad u muhiim ah ayuu ahaa, dowladda soomaaliyeed mowqifkeeda waa
in dadka soomaaliyeed isku soo dhawaadaan dhibaatooyinkii dalka ka dhacay in aan
markale dib loogu noqon, lagana gudbo burburkii dhacay, is-fahan iyo is-
af-garad lagu dhameeyo”.
(Fadhiga Cashada iyo shirka jaraa’id ee Ridwaan Xaaji oo dhameystiran hoos ka
daawo)
Madaxweynaha dalka Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xaruntiisa ku
qaabiley Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)
iyo wafdi uu hogaaminayey 07/09/2013. Ra’iisul Wasare Saacid, waxaa kale oo uu
la kulamay Ra’iisul Wasaraaha dalka Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed.
Ra’iisul wasaaruhu intii uu ku sugnaa dalka Jabuuti waxaa uu ka qayb-galey
Dhagax dhiga Dhismaha Deked cusub oo ay sannadkii ka dhoofi doonaan in ka badan
laba milyan xoolaha nool ee geeska afrika iyo balaarinta Dekedda labaad ee dalka
Jabuuti, islamarkaana ka mid ah dekadaha ugu cas-risan geeska afrika, taasoo
keydin doonta seddax milyan ee Konteeran.
Laakiin marka si guud loo eego wafdiga ra’iisul wasaaraha, xaaladda xukuumadda
uu hogaamiyo iyo waxa shacabka soomaaliyeed ay ka sugayso xukuumadiisa ayaa
waxaa la dhihi karaa hal bacaad lagu lisey. sababtoo ah, ciidamadda Xukuumadda
soomaaliya iyo Shacabka ay matalaan, labada dhinac ma ahan kuwo isku kalsoon.
Sidoo kale maamulka guud ee xukuumadduna wuxuu u muuqdaa mid u shaqeeya qaabkii
hore ee xukuumadihii KMG-da ahaa kuwaasoo wax kasta ay ka bilaabanayeen
Xildhibaan, wasiir iyo ra’iisul wasaare ayna ku ekeyd madaxweyne.
Waxaan muuqan doorkii Xog-hayeyaasha hay’adaha xukuumadda, agaasimeyaashii guud
iyo kuwii waaxaha, Iyadoo waliba ay u dheer tahay kor u qaadida maamuladda
hubeysan ee is-magacaabey, kuwaasoo u abaabulan qaab dowlado shisheeye.
Xukuumaduna, waqti, dhaqaalo iyo maskax badan ka lumiyey. Waxaa sidoo kale
xukuumadda soomaaliya mash-quuliyey Shaqaalaha Urur Goboleed, kuwo qaaradeed iyo
kuwo caalami, kuwaasoo ku daaban dowladdo dano iska soo horjeeda ka leh dalka
Soomaaliya kuna qaba dano muuqda iyo kuwo qarsoon.
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Xayaysiis Ha moogaan Salaam African bank... Xaggee ka eeg:
http://somalitalk.com/xayaysiis/salaam/bank.html

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 8, 2013
|