War-saxaafadeed
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo casho sharaf iyo kulan la qaatay Madaxweynaha
Dawlad Goboleedka Puntland
- iyo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo ka qayb-galay furitaanka 2
Dakadood oo cusub oo maanta laga dhagax dhigay Djibouti
Djbouti, September 8, 2013----Iyadoo todobaadyadii ugu danbeeyay ay jireen
hoos u dhac ku yimid xiriirka u dhexeeya Dawladda Federalka Soomaaliya iyo
Puntland ayaa xalay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax
Shirdoon”Saacid” waxaa uu casho ugu sameeyay hotelka Kempinski ee magaaladda
Djibouti Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Faroole.
Kulankan cashadda ah oo ay
goobjoog ka ahaayeen labada Wafdi ee Ra’iusl Wasaaraha Soomaaliya iyo
Madaxweynaha Puntland waxaa uu ku dhacay jawi aad u wanaagsan iyadoo la isla soo
qaaday xiriirka ay Puntland sheegtay in ay hakad galisay.
Kulankan waxaa dhanka Wafdiga Ra’isul Wasaaraha kamid ahaa Wasiirka
Gaashaandhiga, Wasiiru Dawlaha Arimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah, Wasiir
ku-xigeenadda Ganacsiga iyo Khayraad, halka dhinaca Wafdiga Madaxweynaha
Puntland Cabdiraxmaan Maxamuud faroole ay kamid ahaayeen Wasiirrada Arimaha
Gudaha iyo Caafimaadka ee Puntland.
Markii ay cashadu soo dhamaatay waxaa Ra’iusl Wasaaraha Soomaaliya uu kulan gaar
ah oo saacado qaatay uu la yeeshay Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamuud
faroole.
Kulankan waxaa la qiyaasayaa in uu u xuubsiiban doono wada hadalo kale oo rasmi
ah oo dib loogu xoojinayo xiriirka iyo wada-shaqaynta Maamulka Puntland iyo
Dawladda Federlaka Soomaaliya
Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda Federalka Somalia
Djibouti, Mob: +25377093297
Email:ridwaanhaji@gmail.com
###Dhammaad###
Xayaysiis Ha moogaan Salaam African bank... Xaggee ka eeg:
http://somalitalk.com/xayaysiis/salaam/bank.html
War-saxaafadeed
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo ka qayb-galay furitaanka 2 Dakadood oo cusub oo
maanta laga dhagax dhigay Djibouti
Djbouti, September 8, 2013----Ra’isul
Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo Marti-sharafta
1-aad ka ahaa munaasabad balaaran oo lagu furayay Dakaddii 6-aad iyo 7-aad ee
Dalka Djibouti oo uu weheliyo Madaxweynaha Dalka aan walaalaha nahay ee Djibouti
Mudane Ismaaciil Cumar Geele waxaa ay dhagax dhigeen Dakadaha cusub ee Djibouti
oo qaban doonta adeegyo kala duwan.
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyay dalka Djibouti munaasabadihii
lagu dhagax dhigayay labada Dakadood ee Dameer-joog iyo Dorale oo fulin doona
adeegyo badan oo dalka iyo gobolka ah.
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in uu aaminsanyahay, kuna shaqayn
doono fikirka ah in Dakadaha Gobolka iyo Soomaaliya la balaariyo isla markaana
la casriyeeyo dhamaan Dakadaha ku yaala Xeebaha Soomaaliya si ay ugu adeegaan
Soomaaliya iyo Geeeska Afrika.
“Hammigu waa in ka sokoow khayraadka Soomaaliya la abuuro dhaqaale kasoo xarooda
Dakado casri ah, Soomaaliya waxaa ay leedahay Xeebta ugu dheer Afrika iyo Bad
khayraad badan.” Ayuu yiri Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi faarax
Shirdoon Saacid.
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku jooga dalka Djibouti booqasho rasmi ah oo
qayb ka ah xiriirka iskaashi ee dhinacyadda Amaanka, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo
dib u dhiska dalka Djibouti ee aan walaalaha nahay iyo Soomaaliya.
Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda Federalka Somalia
Djibouti, Mob: +25377093297
Email:ridwaanhaji@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 7, 2013
|