Idiris Xasan Faarax “ Ciidmada Itoobiya ee ku Sugan Gobolka Gedo iyagaa qaata
Canshuurtii Gobolka lagu Hormarin lahaa waxaana u soo jeedinayaa Dowladda
Federaalka…”
Gobolka Gedo oo inta badan ay gacanta ku hayaan Ciidamo ka tirsan Dowladda
Itoobiya iyo kuwa Kenya ayaa waxaa ay cabasho aad u weyn ka soo yeertey Bulshada
halkaa ku dhaqan ka dib markii ay sheegeen in Degmooyinka Gobolka Gedo ay
Xadgudubyo ka geystaan Cidamadaas islamarkaana waxay sheegeen Dadka halkaa ku
dhaqan in Gobolka laga hor sitaagey wax kasta oo Hormar ha Noqoto Dhinaca
Caafimaadka , waxbarashada iyo Adeegyadii kale ee Bulshada
Siyaasiga Idiris Xasan Faarax oo nala soo Xiriirey ayaa waxaa uu si aad ah uga
Hadley Tacadiyadaas ka dhacaya Gobolka Gedo oo uu sheegey in ay si gaar ah uga
Dambeeyaan Ciidamada Itoobiya Isagoo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiriv
“Gobolka Gedo waxaa Xiriir Ganacsi la leeyahay Shacabka Itoobiya iyo Kenya waxaa
Gabolka Gedo uu kaalinta Sedexdaa kaga jiraa Gobolada Dalka marka ay timaado
Dhinaca Canshuurha kastanka marka laga reebo Muqdisho iyo Berbera “
“Dakhligaas Faraha badan ee Gobolka soo gala maanta waxaa qaata Ciidamada
Itoobiya oo ay u ururriyaan Shaqsiyaad aan dooneyn Horumarka Gobolka iyadoo la
Ogyahay in Itoobiya ay Dooneyso in Gobolka uu sidaa ku sii jir oo ay iska
Urursato Dhaqaalahaas Gobolkana oo uu ka baaba’sanaado Dhinaca Waxbarashada ,
Caafimaadka iyo Adeegyadii kale ee ay u baahnaayeen Bulshada Gobolka”ayuu yiri
Idiris Xasan Faarax oo sheegey in Gobolka Gedo uu marayoXiligaan meeshii ugu
Xumeyd/
Idiris Xasan Faarax ayaa u soo jeediyey Sideeda Xildhibaan ee ka soo jeeda
Gobolka Gedo in ay u guntadaan sidii wax looga qaban lahaa Xadgudubyada iyo
Tacadiyada ay Ciidamada Itoobiya ka geysanayaan Gobolkaas oo uu sheegey in ay
diideen in Canshuurta Gobolka soo gasha lagu Hormariyo Deegaanada Gobolka uu ka
kooban sidoo kle waxaa uu soo jeediyey dadka u adeegaya Ciidamada Xabashida in
ay Taariikhda idiin Xusi Doonto.
Mudane Idiris Xasan Faarax ayaa u soo jeediyey Dowladda Federaalka in ay wax ka
qabato Dhibaatooyinka Gobolka Gedo ka geysanayaan Ciidamada Itoobiya waxaa uu
intaa ku darey “ Dowlada Federaalka iyadaa Wadanka ka Madax ah marka waxaa
leeyahay il gaar ah ku eega waxa ka dhacay Gobolkaas oo ay geysnayaan Ciidamada
Itoobiya sidoo kale Shacabka waxaa u soo jeedinayaa in ka dhiidhiyaan Gumeysiga
Itoobiya ee hortaagan Horumarka Gobolka Gedo
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 7, 2013
|