Halka Milyan Caruurta ah Ma Geedaha Hoostoodaa Wax Lagu Barayaa?
Tan iyo markii la Magacaabey Wasiirada Adeega Bulshda waxay markiiba ku
Dhawaaqdey in Caruur Gaareysa Hal Milyan ay Wasaaradeeda siin doonto Waxbarasho
lacag la’aan ah waxaana Mashruucaaan soo Dhaweeyey Bulshada Soomaaliyeed
qaybaheeda kala duwan waayo Muddo 22 Sano ma jirin Caruur ay Dowlad si lacag
la’aan ah ku Bareyso sidoo kale waxay Wasiiradu Balan qadey in halkaa Milyan ay
wax Barayaan Kun Macalin.
Waa arrin lagu farxo in Caruur Soomaaliyeed oo Tiradaa la’eg ay Waxbarasho lacag
la’aan ah heleen,Hadaba su’aasha is Weydiinta Mudan waxay tahay in arrintu ay u
Muuqato “waan Socon weyney Aan Orodno” Waayo Bulshada Soomaaliyeed si wanaagsan
ayey uga wada Dherergsan yihiin in Mashuurcaan uu ku yimid Qof Riyoodey waayo
maka hore in Caruur wax la Baro waa wanaagsan tahay hase yeeshee waxaa ka
horeeya Arimo fara badan. 
Dowladii hore ee Milatariga inta aan Carrurta loo Dirin Dugsiyada waxaay
Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Gobolada dalka ka Hirgelisey Dhismayaashii
Dugsiyadii Caruurtaas wax lagu Bari lahaa ,markii la Diyaariyey Agab loogu
talagaley Waxbarshadii ayaa waxaa Bilowdey Mashruucii loogu Magacdarey
Waxbarashada Khasabka waxaana Waalid kasta lagu Khasbey inay Caruurtooda
Dugsiyada u diraan waxaana uu Mashuurcaas uu noqdey mid lagu Guuleystey, Hadaba
Dowladaas waxay ka tagtey Dugsiyadii oo u baahan oo keliya in la Dayatiro oo
Boorka Dib looga jafo.
Mashrruca Wasaarada adeega Guud ee Dowladda ee Qaybteeda Waxbarashada ma muuqtaa
mid Hirgaliyo , waxaa Xaqiiqo ah Hadii aan Indhaha la istireyn in aysan Suurta
gal ahayn in uu Mashruucaas uu Hirgalo waa mide Dugsiyadii Dowladda lahayd waxaa
si gaar ah loo siiyey Shaqsiyaad kuwaa oo Caruurta Soomaaliyeed Waxbarashadooda
lacaga fara badan uga qaata marka Dugisyadaas waxaa tegi karo nin Jeeb Buuran ,waxaana
Xaqiiqo ah in Dugsiyadii Dowladii hore aan Dhihi karo ilaa saddex Miliyan Caruur
ah ayaa wax lagu Bari kara
Nin Odey ah oo markii Wasiirada ku dhawaaqdey in caruur gaareysa Hal Miliyan la
siinayo Waxbarasho lacag la’aan ah oo aad ugiu Faraxay Warkaas ayaa haatan
Candhuuftii dib u ligay isaga oo Calaacalaya ayaa yiri . Mashruucaan la leeyahay
Hal Milyan oo Caruur ah ayaa wax lagu Barayaa waxaa leeyahay Qoladii ku
dhawaadey Mashruucaan waa kuwa Maskaxdooda Foorta waxaana ku Tilmaami karaa
Madaxii oo Majiihii loo Rogey War Caruurta ma Geedaha Hoostooda ayaa wax lagu
Barayaa waa kuwaa iskuuladii la siyey Hayado Shisheeye iyo Shaqsiyaad oo maanta
Caruurta Soomaaliyeed lacagao fara badan looga qaadayo marka waxaa leeyahay
Dowladda Soomaaliyeed yeysan Taariikh Xumo idiin Imaan intaa aad Riyooneysaan|
Hooyo Saynab iyadoo ka hadleysa Mashruucaan la sheegey in Hal Milyan oo Caruur
ah wax lagu Barayo ayaa tiri “Waxaan ka mid ahaa Dadkii laga saarey Dugsigii
Farasmada oo markii nalaga saarayey Dowladu noo sheegtey in Caruurta
Soomaaliyeed si lacag la’aan ah wax lagu Barayo maanta fiiri intii Jeebka
weyneyd ayaa Caruurtooda wax lagu Barayaa marka waa uun Khiyaano Ummada
Soomaaliyeed laga galey waxaana Dowladda Soomaaliyeed aan leeyahay Taariikhdu
waa ma Hadho ah yeysan .
Ismaaciil Farxaan waa Macalin wax ka Dhiga mid ka mid ah Dugsiyada Gobolka
Banaadir isagoo ka hadlaya Mashuuca ay wadato Wasaarada Adeegga Guud ayaa yiri
“Waxan Ogahay in oo la Qosheeyey in Dugsiyo ay Dowlaedu hore u lahayd oo
Shaqsiyaad horey loo siiyey in lagu jilayo Mashruucaan si loo indha Sarcaadiyo
Bulshada Soomaaliyeed,waxaana Ardeyda Dhigata Dugsiyadaas laga dhigayaa kuwa
lagu bilaabayo Mashruuca la soo Dhoob Dhoobey ee Wasaarada haatan wadato marka
waxaan leeyahay Cidda Hor Boodeysa Mashruucaas Ummada maanta jirta waa kuwa wax
weliba og oo aan wax loo Qarin Karin.
Dugsiyadi Shaqsiyaadka la siiyey waxaa ka md ah Dusigii 21 Oktoobar , Dusigii
Kaasa Balbalaare , Dugsigii 1-da Maajo , Dugsigii Cismaan Geedi Raage,Dugsigii
Amiir Nuur ,Dugsigii Banaadir , Dugsigii Xamar , Dugsigii Raage Ugaas , Dugsigii
Dhagax Tuur , Dugsigii Maxamuud Mire,Dugsigii Farsmada ee Polly Technico ,
Dugsigii sare ee Howlwadaag, Dugsigii Xamar Jadiid, Dugsigii Maxamuud Xarbi
waxaa sooo Dugsiyo ah oo ay Dowladu leedahay ayaa haatann waxaa ku shaqeystaan
Shaqsiyaad oo qaar laga dhigey Jaamacado iyo kuwa kale Burbursan kuwaa inta la
wareegto ayey Hal Milyan wax lagu bari karaa iyo ka badan .
Aduunka marka la fiiriyo Dugsiyada Dowladu leedahay iyo kuwa Gaarka loo leeyahay
waa kuwo isla siman hadii aad Tagtid Maamulka Soomaaliland Dugsiyada gaarka loo
leeyahay iyo kuwa Dowladu leedahay waa kuwo isku Tiro ah , marka la fiiriyo
Dunida Ardeyda wax ka barata Dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo kuwa wax ka Barta
Dugsiyada Dowladu leeyahay waxaa inta badan la Dhiira geliyaa ardeyda wax ku soo
Baratey Dugsiyada Dowlada , waxaana Xaqiiqo ah hadii Dugsiyadaas Dowladu
leedahay iyo Mashruucaan la isku Sar Goyn lahaa waxaa la dhihi karaa Dowladu waa
ka Go,an tahay in Mashuurcaan uu Hirgalo marka waa Mashuurcaan aan lagu Bixi
Talooyin fara badan iyo Daraasad Dheer lagu sameyn oo lab la Kac ku yimid
Guntii iyo Gunaadkii markii loo baxayey Ololihii Farta Soomaaliiga Ardeydii ka
qayb gashey waxaa markii hore loo Diyaariyey Agabkii dadka wax lagu bari lahaa
waxayna Dowladu soo saartey Sabuurad isku laabmeyso oo ay u dhan yihiin Agabkii
kale ee Waxbarashada marka Dowladda gaar ahaan Wasaarada Adeega Guud Bulshada
waxaa la dhihi kara arrinta Mashrucaan waa ay ku Deg degtey, marka waxaan u
fadhinaa halka uu ku dambeeyo Mashruucaan Halka Milyan ee Caruur ah lagu siinayo
Waxbarsho Lacag la’aan ah.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 7, 2013
|