Muqdisho: Qarax ka dhacay Village Market restaurant oo ay ku dhinteen 15 qof
Weerar isqarxin ah oo maanta (Sabti Sept 7, 2013) ka dhacay Village Market
restaurant ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa wararka ugu horeeya ee ka soo baxaya
ay sheegeen in ay ku dhinteen ugu yaraan 15 qof.
Warsaxaafadeedyada laag soo saaray weerarkaas hoos ka akhri.
Ergygga-Gaarka ah ee Xoghayah-Guud ee Qarammadda Middobay u Qaabilsan
Soomaaliya, Niklos Kay, oo ka hadlay weerarka isqarxinta leh ee ka dhacay
Muqdisho
Muqdisho, 7 Sebtember 2013- Ergaygga-Gaarka ah ee Xoghaya- Guud ee Qaramadda
Middoby, Niklos Kay, ayaa cambaareeyay weerarka ismiidaaminta lahaa ee ka dhacay
Muqdisho maanta gelinkii hore. Halkaas oo u dhoweed Tiyaaterka Qaranka. Sida la
soo sheegay, qof isa- soo miidaamiyay iyo gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha
Qarxa ayaa lagu qarxiyay goob ay ka buuxeen dadka, halkaas oo ay ku taalo
makhaayad caan ah oo ay dadka aad ujecelyihiin. Weerarkan waxa uu sababay
khaasro far badan.
“Waxaa aad iiga naxiyay ficilkan waxashnimadda leh. Waxaana u cambaaraynayaa
sida oogu xoog badan. Waxaan tacsiyad ka soo go’day niyadda u dirayaa qoysaskii
iyo saaxiibaddi dadkii lagu dilay weerarkan, (Sidoo kale), waxaana u rajaynayaa
ku wii ku dhaawacmay in ay si dhakhso leh u boskoodaan.”
“ Weeraradan cadownimadda iyo waxashnimadda leh waxay naxasuusinayaan in dadka
Soomaaliyeed waxy si dhab ah oogu baahanyihiin nabad. Argagixisinimadda waxay
caqabad ku tahay dadka Soomaaliyeed, d adyoogga Gobolka, iyo dunidaba inteeda
kale. (Argagixisinimadda) waxay u baahantahay in loo jebiyo ciidan iyo siyaasad
ahaanba.”, ayuu yiri Erggaygga- Gaarka ah.
“UNSOM waxay halkaan ujoogtaa in ay gacan ka gaysato dedaalada socda, waxayna
barbar-taagantahay dadka Soomaaliyeed”, ayuu yiri Erggaygga.
Dhamaad
War saxaafadeed
Tacsi Qaran
Inaa-Li-Laahi-Wa-inaa-Ilayhi Raajucuun
Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha Ayaa Ka Tacsiyeynaysa Qaraxyadii Saaka La Beegsaday
Maqaayada Viilage
Moqdisho, 07, Sep, 2013…Ku simaha Ra’iisul wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha
Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga marwo Fowziiya Yusuf Xaaji Aadan ayaa si weyn u
cambaaraysay qaxayadii waxshinimada ahaa eel ala eegtay dad ku shaahayey
maqaayadda Vilage ee ku dhagan dhismaha Hooyooyinka.
“Waxaan si aad ah u cambaaraynayaa qaraxyadii axmaqnimada ahaa ee saaka lala
beegsaday maqaayada Village iyo Barxada Iskaashatooyinka , waa weerar argagaxiso
u jeedkiisunaa ahaa in la beegsado dadka shacabka ah, laguna khal-khal galiyo
howlaha amni sugida ah ee ay dawladu wado,” ayeey tiri Marwo Fowziya.
Ku simaha Ra’iisal Wasaaraha ayaa dhanka kale ku baaqday in hawlaha dawladda iyo
meheradaha ganacsiga ay sidoodii caadiga ahaa ku sii socdaan.
“Qaraxyada noocaan ah maahan kuwo naga hor istaagaya sidii aan dalka ugu soo
dabaali lahayn xasilooni buuxda, waxaana mahadnaq balaaran u soo jeedinayaa
kooxaha dab-damiska iyo gurmadka caafimaadka oo si dhaqso ah u soo gaaray goobta
si ay wax ugu qabtaan dhibaatooyinka ka dhashay qaraxyada.”
Ra’iisul wasaare ku xigeenku wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoysaska
dadkoodu ku waxyeeloobeen qaraxyadaas, iyadoo ku hadlaysa magaceeda, kan
xukuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed ayay tiri: “Damaan qoysaska ku waayey
kuwii ay jeclaayeen waxaana ilaahay uga baryeeynaa inuu samir iyo iimaan ka
siiyo, kuwa ku dhaawacmayna u booga dhayo oo caafimaad taam ah siiyo.
Qaraxan oo saaka abaarihii 11 subaxnimo lala beegsaday maqaaxida Village ee ku
taal dhismaha daarta Hooyooyinka ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 11 qof halka
ay ku dhaawacmeen in ka badan 12 qof oo kale. Wali lama hayo xaqiqada tirade
dhimashada iyo dhaawaca dhabtaa. Waxaana dhawaan rajayanaynaa in isbitaaladu soo
gudbiyaan tirada sugan ee khasaaraha qaraxaasi is miidaamintaa gaystay.
----DHAMAAD---
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director Office of the Prime Minister
Mogadisho-Somalia
Media@opm.gov.so
War-saxaafadeed
7/09/2013
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweyana Djibouti oo kulan gaar ah ku
yeeshay Aqalka Madaxtooyadda Djibouti.
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirddoon oo Maanta Aqalka
Madaxtooyadda ee Dalka Djibouti kulan gaar ah kula yeeshay Madaxweynaha Dalka
Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geele ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay
xiriirka walaaltinimo labada dalka iyo dadaalka uu Madaxweynaha Djibouti ugu
jiro daganaanshaha Soomaaliya

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Djibouti waxaa kulankoodan ay uga
wada hadleen iskaashiga labada dal ee arimaha Amaanka, Siyaasadda, Ganacsiga iyo
Dib-u-dhiska. iyadoo dhanka kalana Ra’isul wasaaraha Soomaaliya uu ka warbixiyay
xaaladda dalka Soomaaliya iyo horumaradda ay Dawladdiisu ku talaabsatay mudadii
ay jirtay.

Raisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa uu dalka Djibouti ee aan walaalaha nahay uga
mahadceliyay dadaalka aan kala go’a lahayn ee ay ugu jirto sidii Soomaaliya ay
uga soo kaban lahyd bur-burkii ku dhacay 22kii sano ee lasoo dhaafay iyo
xaqiijinta rajjada muuqata ee Soomaaliya .
“Dawladda Djibouti ee aan Walaalaha nahay waxaan uga mahad-celinayaa doorkeeda
Soomaaliya iyo sida ciidanka Djibouti ee Amisom ay horumarradda la taaban karo
uga sameeyeen Gobolka Hiiraan, sidoo waxaan ku faraxsanahay in si gaar ah aan
isaga kaashanno arimaha Aamaanka, Siyaasadda Ganacsiga iyo Dib-U-dhiska oo aan
halkan u joogno” Ayuu yiri Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax
Shirdoon Saacid.
Madaxweynaha Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geele ayaa ku amaanay Dawladda
dadaalka ay ugu jirto bad-baadinta umadda Soomaaliyeed, waxaa kaloo uu
madaxweynuhu sheegay in dalkiisu uu sii xoojin doono xiriirka ka dhexeeya iyo
gacanta kaga aadan xasiloonidda dalka.
Dhinaca kale Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdigiisa oo ay kamid yihiin
Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiiru dawlaha Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga,
Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga iyo Wasiir ku-xigeenka Khayraadka ayaa kulan ay la
yeesheen Ra’isul Wasaaraha dalka Djibouti Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo
Wasiirka gaashaandhiga dalka Djibouti Mudane Xasan Dharaar Hufane waxaa ay uga
wada hadleen arimaha amniga iyo qorshaha Dawladda ee xasilinta dalka.
Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda Federalka Somalia
Djibouti, Mob: +25377093297
Email: ridwaanhaji@gmail.com
AMISOM Condemns Mogadishu Terror Attack, Vows To Stand By Somalia
(For immediate release)
Mogadishu, 7 September, 2013-The Special Representative of the Chairperson of
the African Union Commission for Somalia Ambassador Mahamat Saleh Annadif has
condemned today’s terrorist attack on the residents of the Somali capital,
Mogadishu, saying it was an attempt by Al Qaeda affiliated extremists Mission to
derail Somalia’s continuing recovery.
The attack, which targeted ordinary civilians frequenting the popular Village
Market restaurant, killed at least 15 people. AMISOM units working with Somali
security agencies immediately cordoned off the area and are searching the area
for more attackers.
“AMISOM will continue to stand shoulder to shoulder with the Somali people and
support them as they rebuild their country,” said Amb Annadif. “We will not
allow a violent minority to drag them back to the days of chaos and anarchy,” he
added, noting that the attack comes at a time when Somalia continues to witness
remarkable improvements in security, reconciliation efforts and in its economy.
He offered his condolences to the families and friends of those killed adding
that the AMISOM hospital and doctors had offered to assist local medical
facilities with specialized care for the injured.
Amb Annadif said the attack, which utilized a car bomb as well as a suicide
bomber posing as a rescuer, underlined the urgent need to continue to build up
the capacity of the Somali National Security Forces as well as AMISOM to better
protect the Somali people.
“It is a sad reminder of the dangers we all face from terror groups and of
the need to continue to confront and them and degrade their ability to sow chaos
and destruction,” he said.
“AMISOM is continuing to train the Somali forces and police so they can cope
with the security challenges but needs to be reinforced so it can confront the
terrorists in their bases in the Somali countryside where such attacks are
planned,” he said.
Recently, the UN Secretary-General Ban Ki-moon, called on countries around
the world to provide AMISOM with attack helicopters and armored troop carriers
to take the fight to the extremists in the field.
A joint AU and UN team has also been in Somalia to assess AMISOM needs and is
currently compiling its report.
For more information contact Eloi Yao and Col. Ali Houmed (+254) 702 155 126 and
(+252) 618508181
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 7, 2013
|