Safarkii Madaxweyne Xasan Shiikh ee Magaalada Marka oo lagu Tilmaamey Safar
Daxiis
“Mar Hadii uu Ilaah iga soo Badbaadiyey waa Safar aan loo Laaban Doonin”
Cabdulaahi Shiikh Xasan “Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaan leeyahay Dalka Ma Joogo
Xiligii Tododbaatameeyadii” Waxaa Dhawaan Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelada Hoose Booqdey Madaxweynaha
Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiirada
waxaana intii uu sii Socdey Madaxweynaha uu la kulmey weero kaga yimid Xarakada
Alshabaab kuwaa oo geystey Khasaaro kala Duwan oo soo gaarey qaar ka mid
Ilaalladii Madaxweynanaha oo isugu Jirey Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom ,
waxaa weerarkaas Cambaareeyey Qaramada Midoobey iyo qaar kale oo ka mid ah
Dowladdaha Adduunka
“Waa Safar aad u Dhib badnaa maalinkaas Marnaba isma oran Safarkaan ayaa ka
Badbaadi doontaa Waa Ilaah Mahaddii, hase yeeshee Anigoo oo Tii hore igu taagan
ayaa soo laabadkii waxaan hadana la kulaney Dhibaato tii igu Xumeyd mar baa is
iri armaa Cagahaada wax ka Deydaa oo Gaariga ka Degtaa ,Maalinkii aan ka soo
baxney Muqdisho Dadkii markii hore is Jecelaa ee Qosolka isku Tuur
Tuurayey,Waxaa is leedahay waxaa lagu Balamay in aan qofna Qofka kale uusan la
hadlin,Gawaarida wxaa lagu ka Xeynayey intii gasha sidoo kale Cid kaa Qabaneyso
Taleefonka ma jirto oo Nin weliba waxaa uu ku jiraa tan mar uun I Dhaafi “ayuu
yiri mid ka mid Ilaaladii hore u sii raacdey Madaxweynaha oo diidey in Magaciisa
la sheego sababo Amaan Awadood waxaa uu sii raaciyey “Waxay Dhagaheyga Maqlayeen Daryanka Hubka waaweyn oo labada Dhinac isku
ridayeen waa maalin aan laga sheekeyn Karin waxa Wadada ka dhacayo waxay Neef
weyn iiga soo Go’dey markii aan soo istaagney Magaalada Afgooye,Gawaarida oo
tira badnaa ayaa waxay Xeyn Xeyn u soo galayeen Magaalada Afgooye ma jirto qof
Qof Fiirinaya mid waliba waxaa uu ka fekeraa sidii uu ku tagi lahaa Magaalada
Muqdisho waa Safar aan oo laaban doonin “ waxaa uu sii daba dhigey “Waxay ahayd in Madaxweynaha uu Safarkiisa Dhulka uu dhameysto waa sii Socod iyo
soo socod waayo Mucaaradka waxaa uu Dowladda ka helayaa dhibco oo waxaa la
leeyahay Madaxweynahii Diyaarad baa lagu soo qaadey waxayna taasi Muujineysaa in
Dowlada ay ku Fashilantey Amaankii Dalka waa arrin aan laga fekerin oo u
baahneyd Talo in Madaxweynaha Diyaarad lagu qaado , aniga waxaan jeclaa in
Madaxweynaha uu dib ugu soo laabto Magaalada Muqdisho isagoo soo raacin Diyaarad
sidoo kale waxay arrintaan Niyad jab u tahay Ciidamada Dowladda ee ku sugan
Aagaas iyo kuwa Amisom” Gudoomiyaha isbaheysiga Nabadda iyo Dimoqraadiyada Cabdulaahi Shiikh Xasan oo
wax laga weydiiyey Safarkii Madaxweynaha ee Magaalada Marka ee Gobolka
Shabeelada Hoose waxaana uu yiri “Waa arrin aad la yaab leh in Madaxweynaha ,
Wasiirkiisii Gaashaandhiga , Arimaha Gudaha iyo Garsoor ay Safar Daxiis ah ku
tagaan islamarkaana Qosol iyo Damaashaad Xeebta ku sameeyaan iyadoo Dalka uu
haatan uu marayo Xaaladiisa meel adag , meel aan sidaa uga dheereyna
Madaxweynaha lagu weeraro ” waxaa uu intaa ku darey “ Waxaa sidoo kale la yaab leh in Wasiirka Arrimaha Gudha uu Safarkaas uu ku
Tilmaamo mid ku soo Dhamaadey si Nabadgelyo ah , Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaan
leeyahay Dalka ma joogo Xiliyadii Todobaadtameeyadii , Shacabka hada jooga lama
Qaldi karo, waa Ogyiihiin in Madaxweynaha Diyaarad looga soo qaadey Marka arrin
Amaan darteed , Gawaaridii iyo dadkii kale ee uu ka soo tagey in mar labaad
Jidka loo galey Cidana daah kama saaro marka Safarkaas waxaa uu ahaa Safar
daxiis” W/D Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 6, 2013
|