WADAR U-JIR
Qeyb kamid ah dugaagga duur-joogta ah (sida shabeelka) marka ay ugaarsanayaan,
waxay jilaan dhacdooyin taxan oo soo-jiidasho leh. Duur-gal iyo gabbasho,
qo´aan-qaadasho, raacdo iyo booddo, duud ka-fuul, dibir iyo hilib-diirasho.
Bahalka jilaya ayaa waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay war-abuure (newsmaker).
Waxaa jira qeyb kale oo duur-joog ah (sida maroodiga) oo iyagu aanan ka
qeyb-qaadan dhacdooyinka duurka ee wararka abuura. Laakiin waxay ku eg-yihiin in
ay dhacdooyinka daawadaan oo ayan waxba ku darsan. Iyaguna doorkoodu wuxuu la
muuqaal yahay war-gudbiye (newsmediater). Qeyb saddexaad ayaa jirta oo dugaagga
ah (sida yaxaaska), kuwaas oo iyagu aanan ka qeyb-qaadan howsha khabar-abuurka
iyo midda khabar-gudbiyaha. Waayo dhacdooyinka dhamaantood ayay ka
indha-la´yihiin oo biyaha uu dhex-muquuranayo ayaa indhaha ka awddey. Iyaguna
waxay noqonayaan war-mooge (newsmissing). Waxaa sidaas lamid ah shakhsiyaadka aadamiga ah oo bulshada ay ku nool-yihiin
ku-kala ah saddexdaas qeybood (war-abuure, war-gudbiye iyo war-mooge). Markii
qofka laga tago, bulshooyinka aadamiga ayaa iyaguna tilmaamahaas kala leh.
Wallow aadamigu uusan kala-mudneyn, misana dadaalka loogu jiro nolosha iyo
kifaaxa ay bulsho waliba ku ilaashaneyso badbaadada jiritaankeeda ayaa qoloba ay
waddo gaar ah u martey. Xeerar guud baa jira oo ilaaha boqorka ah (kor ahaaye)
uu ku laasimiyey nolosha. Noolaleyda keliya oo xeerarkaasi loogu tala-galey in
ay intifaacsadaan waa aadamiga. Garasho-xumida iyo iska indha-tirkka xeerarku,
bulshadu waa ay ku ibtilowdaa, markaas ayay ku biirtaa jabhadaha curyaanka ah
iyo bulshooyinka howl-gabka ah ee mooggan dhacdooyinka nolosha. Xeer mug iyo milgo u-leh nolosha ayaanu halkaan kaga faallooneynaa, kaas oo
saami weyn ku leh nolosha aadamiga. Xeerkaasi waxaa lagu magacaabaa Wadar U-jir
(Pluralism). Macnahiisu wuxuu yahay, si kasta oo bulshadu ay aragti ugu kala
duwan tahay, misana in ay dhan isula socoto iyaga oo is-oggol. Xeerkaasi wuxuu
daweynayaa cudurka ah khilaafka aragtiyaalka ee ku laasiman nolosha aadanaha. In
leys-khilaafo waa lama-huraan, noloshuna dhadhan ma yeelateen, horeyna looma
tallaabsadeen haddii ayan jireen agab kala-duwan oo macne iyo muuqaal is-ku
khilaafsan (geo-diversity) iyo noolaley kala-duwan oo iyana macne iyo muuqaal
is-ku khilaafsan (bio-diversity). Miraha ku baxaya cimilada khilaafka suuban
waxay yihiin, aadamiga kuwooda geesiyaalka ah ee aragtida dheer in si haboon u
akhriyaan khilaafka. Dabadeed ay curiyaan aragtiyaal kala duwan (differing
opinions) oo qiimo u leh nolosha, sidaasna ay la tilmaan noqdaan dugaaggii war-abuurka
ahaa. Waayo fuleyga aragtida gaaban leh wax ma-curiyo, laakiin wuxuu ku
nool-yahay dhega-dhegeynta iyo xanta kuwa geesiyaasha ah ee ku howlan
indha-indheynta midabyada nolosha iyo curin hal-abuur aadamiga u adeega. Fadhi
ku-dirirkuna waa mid dhacooyinka moog oo sida yaxaaska uga indha-la´ khabarka
dhabta ah. Wadar u-jir (Pluralism) waa erey metafisik ah ee adeegsigiisu uu cusub yahay.
Markii hore, ereyga waxaa loo adeegsan jiray aragti la xiriirta falsafadda
fahamka kala-duwanaansha nolosha iyo aragtiyaalkeeda, taas oo ku qeexneyd in ay
u dhexeyso aragtida ah kelinimada (monism) iyo midda lammaanaha ah (dualism).
Laakiin sanooyinkan danbe, xawaaraha ay aqoonta teknolojiyada ku socoto ayaa
waxay si deg-deg badan u sababtey in danihii aadamiga ay is dhex-galaan.
Khilaafka mugga weyn leh ee ka dhex-muuqdey is dhex-galka bulshooyinka iyo
danaha isku guntamey, ayaa waxay keeneen dareen ah garashada aragtida lagu
magacaabo Waddada Afaraad (The Fourth Way). Haddii qof uu qabo aragti (A) isaga oo ay si ula muuqatey (The First Way), waxaa
caadi ah in qof kale uu ka biya-diido aragtidaas oo isaguna uu la yimaado aragti
kale (B) oo taas hore lid ku ah (The Secobd Way). Labadaas aragti oo kala
matalaya laba midab oo noloshu leedahay, haddii labada qof oo kala wata ay
yihiin kuwo caafimaad qaba, waxaa suuragal ah in ay ku midoobaan waddo saddexaad
ee ka midab duwan labadii aragti oo ay kala qabeen. Taasina waxay dhaceysaa
markii mid waliba uu ka tanaasulo qeyb kamid ah aragtidiisii, oo markaas leysu
keeno qeyb kamid ah A iyo qeyb kamid ah B. Waxaa halkaas ka abuurmaya waddo lagu
magacaabo waddadii saddexaad (The Third Way). Haddaan dib u jalleecno aragtida
waddadan saddexaad waxay tahay, isku-dhafka aragtida labadii waddo ee hore oo
midba qeyb laga soo qaadey, qeybna laga tegey. Waddada afaraad (The Fourth Way)
ayaa iyana waxay tahay aragtida wadar u-jirka ah Pluralism. Waa aragtidii ahayd
A iyo middii ahayd B oo wada-jira. Waxay inoo tilmaameysaa in qof waliba
aragtidiisa loo daayo oo sidaas lagu wada socdo, inta aragtiyaalku ayan
middoodna shiddo u geysaneynin maslaxadda xubnaha bulshada iyo caqiidadooda. Ereyga ah wadar u-jir (Pluralism), maanta waxaa loo adeegsadaa siyaasadda,
bulshada, aqoonta iyo falsafadda. Tusaale-dhig, marka loo adeegsanayo aqoonta,
ereygan wuxuu ururinayaa dhamaan aragtiyaalka aqooneed ee suuragalka ah, kuwaas
oo u dhow in ay ka turjubaan xeerarka waaqica ah. Sidaa darteed ayuu ereygan
wuxuu u noqdey furihii aqoonta. Sidaas si lamid ah ayuu wuxuu fure u yahay
fahamka nolosha siyaasadeed, midda dhaqan iyo midda dhaqaale. Aragtidan wadar
u-jir, maahan aqbalaadda kala-duwanaanshaha aragtiyeed oo keliya. Balse waxay
tahay socod-siinta nolosha bulshada ku kala duwan aragti ahaan iyo xoojinta
xiriirka xubnaheeda. Maanta oo noloshii aadanaha ay noqotey mid qallafsan, si
loga mira-dhaliyo hannaanka wadar u-jirka, bulshada waxaa dalbayaa dhismo
mu´asasaad xooggan ee ka shaqeeya turjumaadda waaqica kala-duwanaanshaha
aragtiyaalka nolosha. Taasi waxay sahleysaa in bulshadu ay is-heysato oo ay
gaarto xasillooni siyaasadeed iyo hor u-mar nololeed. Bulshada dooneysa in ayan
la xammaaran caqabadaha khilaafka kala-duwanaanshaha, waxaa ku waajib ah in ay
fiiro gaar ah u lahaadaan aragtidan wadar u-jirka iyo dhaqan-gelinteeda. Diinta Islaamka goor hore ayay aadanaha ku baraarujisey xeerarka nolosha kuwooda
muuqda iyo kuwooda qarsoon. Sidaa darteed waxay inoo laqintey faham ku dhisan
caqiido, kaas oo xoojinaya wadar u-jirka bulshada. Caqiidadii iyo cibaadadii
waxay ka turjubayaan wadar u-jir. Waxaa intaas lagu xoojiyey anshax leys-farey
in lagu dhaqmo oo ay kamid yihiin isu-naxariisasho, is-cafin, is-taakuleyn,
isu-dhimrin, is-jecleysi, is-xushmeyn, is-qaddarin, is-asturid, is-walaaleysi,
is-dhowrid, is-buuxin, is-hufid, isu-duceyn, isa-salaamid, iska-warqab, wax
isa-siin, is hor-marin, isu-adeegid, is-xoojin, is-aaminid, isu xaq-soorid iyo
run isu-sheegid. Intaas ka-soo hor-jeedkeeda waa anshaxa ay bulshadu ku kala
fur-furato. Waa anshaxa u daneeya kuwa tirada yar iyo damacleyda ku nool dheefta
maatada. Sidaa darteed ayuu Islaamku uu reebey dhaqanka ceynkaas ah, bal wuxuu
ka yeeley denbi lagu ciqaab mudanayo. Sidaas ayaa diintayada xaniifka ah ay
xoojisey wadar u-jirka bulshada. Aragtiyo la-kala qaatona ayan u noqon karin
sabab bulshadii ka yeesha war-tebiye iyo war-mooge, iyaga oo noqon kara
war-abuure.
- Soomaaliyeey wixii horiyo haatan iyo eegga
Hiddihiyo intaan dhaqanka iyo heybtayadu guurin
Ciiddeena hodonkaa intaan nacabku hayl-haylin Oo haayir noo yimid arlada naga hadhiiraysan
Hubka dhiga dagaalkana hojiya haayinta colaadda Haaraanka gacal waw xunyee ciil-qabka hilmaama
Isu soo hilooboo midnimo saaka ku heshiiya Hamba-qabasho mooyee markaa haayid kale daaye
Intaad Eebbahiin hiishataan dawladnimo haybsha Waxaad heli habeenkaa midaad ku haqab-beeshaane
Haddii kale huq iyo ciil ku jira talo ma haysaane (Cabdulqaadir Cabdi – Shube)
Guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedka Midnimo ee Dal-udug
Dr. Saadiq Enow
saadiq.enow@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 6, 2013
|