Madaxweynaha oo Casho Sharaf u sameeyey ka qeybgalayaashii Shirka
Siyaasadda
Muqdisho 07 September 2013 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa xalay xarunta Madaxtooyada casho sharaf ugu
sameeyey ka soo qeybgalayaashii Shirka Siyaasadda oo shalay lagu soo
gabogabeeyey Muqdisho.
Xafladan casho sharafta waxaa ka soo qeybgalay Marwada Madaxweynaha Marwo Qamar
Ali Omar, Ku-Simaha Ra'iisul Wasaaraha ahna Ra'iisul Wasaare Ku xigeen &
Wasiirka Arrimaha Dibedda Marwo Fowzia Yusuf Haji Adam, Wasiiro, xildhibaano,
Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Magaalada iyo marti sharaf kale.
Xafladan ayaa waxaa ka hadlay Madaxweynaha, Ku-Simaha Ra'iisul Wasaaraha,
Wasiir-ku xigeenka Warfaafinta oo ku hadlayey magaca guddga qabanqaabada Shirka
Siyaasadda iyo Guddoomiyaha Gobolka Banadir, ahna Duqa Muqdisho iyo Caasho
Geelle.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey ka soo qeybgalayaasha waqtigooda qaaliga ah,
isla markaana ka codsaday inay Dowladda la shaqeeyaan isla markaana ballanqaaday
talo soo jeedintii shirka siyaasadda inay dowladdu dhaqangelin doono.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay warbixintii ay hay'ado caalami ah oo ku
takhasusay arrimaha baaritaanka musuqmaasuqa iyo garyaqaano caalami ah oo ay
sheegeen in eedeymihii Guddiga dabagalka ee QM ay ahaayeen kuwo aan sal iyo baar
toona laheyn.
Madaxweynaha ayaa sheegay in sababta dowladdu ay uga codsatay hay'adahan
caalamiga ah inay baaraan in musuqmaasuq dalka ka jiro ay aheyd in haddii la
helo cid musuqmaasuq ku kacday in tallaabo laga qaado. Waxaana aan ku
faraxsanahay in baaritiinkii uu soo gabogaboobay isla markaana la ammaanay
shaqaaalaha Bankiga dhexe iyo maaliyadda sida ay u shaqeeyaan iyo in dhammaan
eedeymihii musuqmaasaqa ay wada ahaayeen kuwa aan waxba ka jirin.
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson
Office of the President
The Federal Republic of Somalia
+252615479911 or +252699998854
yarisow@presidency.gov.so
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta booqasho rasmi ah ku yimid dalka
Djibouti
WARSAXAAFADEED
Djbouti, September 6, 2013-----Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax
Shirdoon”Saacid” iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid
magaaladda Djibouti ee caasimadda dalka Djibouti isagoo kasoo duulay magaaladda
Jeddah ee Boqortooyadda dalka Sucuudiga.
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya waxaa garoonka dayuuradaha ee Djibouti kusoo
dhoweeyay Wasiirka Cadaaladda isla markaasna ah kusimaha Ra’isul Wasaaraha
Djibouti Mudane Cali Faarax Casoowe “Cali Cadnaan”, Safiirka Soomaaliya u
fadhiya dalka Djibouti Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen “ Guulwade” iyo
Mas’uuliyiin kale oo Dawladda Djibouti ka tirsan.
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdigiisa ku sugan Djibouti oo ay ka mid
yihiin Wasiirka Gaashaandhiga , Wasiiru Dawlaha Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga
Caalamiga, Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga iyo Wasiir ku-xigeenka Khayraadka waxaa
dalka Djibouti ay maanta galinka danbe kulamo kula qaadan doonaan madaxda dalka
Djibouti qaar ka mid ah, waxaana laga wada hadli doonaa iskaashiga labada dal ee
dhinacyada Dib-u-dhiska, Amaanka, Siyaasadda iyo Ganacsiga.
“Waxaan ku faraxsanahay in aan mar kale booqasho rasmi ah ku soo gaarno dalka
aan walaalaha nahay ee Djibouti oo arimo badan aan iska kaashan doonno sida
Dib-u-dhiska, Amaanka, Siyaasadda iyo Ganacsiga” ayuu yiri Ra’isul Wasaaraha
Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”
Dhanka kale Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Xukuumaddiisa ayaa
booqashadan rasmiga ah ee dalka Djabouti kadib waxaa sidoo kale ay booqasho
rasmi ah ku tagi doonaan dalka Yemen.
Ra’isul Wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa ku soo sagootiyay Garoonka Caalamiga
ah ee magaaladda Jeddah ee Boqortooyadda Sucuudiga Wasiirka Xajka iyo Awqaafta
ee Sucuudiga Mudane Bandar Xijar iyadoo Ra’iusl Wasaaruhuna uga mahadnaqay
Boqortooyadda Sucuudiga kulamadii uu la yeeshay madaxda dalkaasi iyo sida ay
diyaarka ugu yihiin in ay gacan ka gaystaan dib u dhiska dalka Soomaaliya, sidoo
kale waxaa Ra’isul Wasaaruhu uu uga mahadceliyay hanaankii qiimaha badnaa ee
Boqorooyaddu ay ugu soo dhoweysay magaaladda barakaysan ee Maka oo isaga iyo
wafdigiisu ay ku guteen Cumrada.
Intii uu Ra’isul Wasaarahu ku sugnaa Dalka Sucuudiga waxaa Xukuumaddu ay
heshiisyo la saxiixatay Bankiga Islaamka, waxaana heshiisyadani ay isugu jiraan
mashaariic dag dag ah iyo qorshayaal socon doonaa 7-da sano ee soo socota ,
kuwaasi oo lagu hormarinayo Adeegyadda Bulshada, Kaabayaasha Dhaqaalaha,
Tayaynta Hay’adaha Dawladda iyo soo noolaynta mashaariicdii Bankigu ka fulin
jiray Somaaliya.
Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda Federalka Soomaaliya
Djibouti
Email: Ridwaanhaji@gmail.com
Shirkii wada-tashiga Hiigsiga Cusub ( New Deal) oo maanta Muqdisho lagu
soo gaba-gabeeyey
Muqdisho, 05, Sep, 2013…. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda iyo
qorsheynta qaranka mudane Abuukar Shiikh Cabdi Ibraahim ayaa maanta soo xiray
shirkii wada-tashiga barnaamijka Hiigsiga Cusub (New Deal) oo saddexdii maalmood
ee ugu dameeyey ka socday magaalada Muqdisho. Xubnaha ka qayb-gelayey shirkan
ayaa maanta ansaxiyey qorshaha dowladda Soomaaliya la hor-tegeyso shirka
Brussels, kaddib markii ay talooyin muhiim ah ku biiriyeen.
Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb-galay laamaha dowladda,xubno ka socday gobolada
dalka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, waxaana qorshuhu ahaa in
dadweynuhu ay aragtidooda ku biiriyaan barnaamijka xukuumadda ee ku aaddan
qorshaha lala hor-tegayo shirka 16-ka bishan ka dhici doona magaalada Brussels
ee dalka Belgium-ka, kaasi oo beesha caalamka iyo Soomaaliya ay ku geli doonaan
heshiis rasmi ah.
“Barnaamijka Hiigsiga Cusub waxaan soo wadnay dhawrkii bilood ee ugu dameeyey,
waana meesha uu dalkani iska bedelayo, waxaana fikirkaan ka dhashay
wada-tashigii dhex-maray dowladda Soomaaliya iyo dadweynaheeda. Kulamaddi aan la
yeelanay bulshada waxaa ka soo baxay natiijo yididiilo leh oo astaan u ah
soo-kabashada dalkeena. Waan ka mahadcelinaynaa dukumiintigan aad noo ansixiseen,
dowladduna waa ay tixgelinaysaa taladiina, runtii marag ayaad ka ahaan doontaan
meesha lagu bixiyo dhaqaalaha ay beesha caalamku siiso Soomaaliya kaas oo si xaq
ah loo qaybin doono” ayuu yiri Wasiir Abuukar Shiikh Cabdi
Barnaamijka Hiigsiga Cusub ayaa dhaqaale toos ah lagu siin doona dalka
Soomaaliya, si dhinacyada mudnaanta kowaad u leh qaranka loogu aadiyo deeqaha
laga helo beesha caalamka, iyadoo ujeedadu tahay in kor loo qaado waxtarnimada
deeqaha shisheeye ee dalkeena.
Shirarkan oo mudooyinkii u danbeeyey ka socday qaar ka mid ah gobolada dalka
ayaa lagula tashanayey bulshada qaybaheeda kala duwan, si ay ugu biiriyaan
fikirkooda qodobada xukuumadda Soomaaliya la tagayso shirka bishan ka dhici
doono Brussels. Gabagabadii kulanka ayaa ka qayb galayaasha shirku waxay cod
aqlabiyad ah ku ansixiyeen qodabadii ay ka doodayeen sedexdii maalmood ee ugu
danbaysay.
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director Office of the Prime Minister
Mogdisho-Somalia
Media@opm.gov.so
Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin
Muqdisho 05 September 2013 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Mudane Xasan Sheikh Maxamud ayaa manta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha
Machadka Nabadda ee Mareykanka (US Institute for Peace), Ergeyga Gaarka ah ee
Geeska Africa ee dalka Norway iyo Safiirka UK.
Madaxweynaha ayaa kulankii uu la qaatay Guddoomiyaha Machadka Nabadda ee
Mareykanka Jim Marshall ayaa waxey ka wadhaleen sida Machadka Nabadda ee
Mareykanka uu Soomaaliya ugala shaqeyn karo arrimaha amniga iyo nabadeynta.
Madaxweynaha ayaa guddoomiyaha uga mahadceliyey booqashadiisa dalka Soomaaliya
iyo sida ay Soomaaliya ugu baahantahay amni iyo nabad.
Madaxweynaha kulankii uu la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Geeska Africa ee dalka
Norway Jens Mjuagedal ayaa waxey ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid
yihiin horumarka dalka Soomaaliya, xiriirka Norway iyo Somalia, shirka Brussels
iyo kaalmada ay dalka Norway u fidiso Soomaaliya.
Madaxweynahu waxuu sidoo kale maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dalka
Ingiriiska Neil Wiggan oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, dabagalka
howlaha muhiimka ah ee UK ay ka wado Soomaaliya oo ay ku saacideyso shacabka
Soomaaliyeed, Shirka Brussels iyo arrimo kale.
Kullamadan ay Diplomaasiyiinta caalamku ku imanayaan Muqdisho ayaa waxey tusaale
ka tahay horumarka uu dalku ku tallaabsaday iyo sida Dowladda Federaalka
Soomaaliya ay u adkeysay isla markaana u horumarisay xiriirka caalamka.
- DHAMAAD –
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow),
Senior Advisor & Spokesperson to the
Office of the President,
yarisow@presidency.gov.so, engabdirahman@gmail.com +252
615 479911 or +252 699 998854
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 6, 2013
|