| 
 Maamulka Puntland iyo Ahlu Sunna oo ku Gacan Seyray ka Qayb Galka 
Shirweynaha Qaran iyo Tiigsiga Siyaasadda 2016 ee ka Furmey Muqdisho
	iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Bankiga Islaamka oo heshiis ku 
	kala saxiixday magaaladda Jeddah ee Boqotooyadda Sucuudiga   Iyadoo maalintii shalay 
Magaalada Muqdisho uu ka Furmay Shir loogu magacdaray ka hadalka Aayaha 
Soomaaliya iyo arrimaha Federaalka ayaa waxaa arrintaa ka hor yimid oo qaadacay 
Maamul Goboleedka Puntland.Axmed Shiikh Jaamac Wasiirka Warfaafinta iyo Is 
gaarsiinta Maamulka Puntland oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaan 
shirkaas lagala tashan isla markaana aan lagu soo wargelin qabsoomiddiisa haddii 
loo sheegi lahaana aysan kaba qayb gali lahayn. 
 Wasiirka ayaa hoosta ka Xarriiqay in gebi ahaanba ay jareen Xiriirkii wada 
shaqayn ee kala dhaxeeyay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya isagoona arrintaas 
Saldhig uga dhigay Xukuumadda Federaalka oo daba martay Dastuurkii Federaalka 
Soomaaliya.
 
 Axmed Shiikh oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray oo ku eedeeyay 
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay Faragelin ku samaysey Dastuurkii 
federaalka Soomaaliya sidaa darteedna inta laga saxayo Dastuurka iyo 
Heshiisyadii kale ee ay hore u wada galeen inaysan la shaqayn doonin Xukuumadda 
Federaalka Soomaaliya.
 
 Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Maamulka Puntland ayaa ugu baaqay 
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay Ilaaliso Dawladnimada oo ah wax ay wada 
wadaagaan Umadda Soomaaliyeed sidaa darteedna looga fadhiyo Xukuumadda in ay 
ilaaliso wixii aan Soomaalinimada wax u dhimayn.
 
 Hadalkan ka soo yeeray Sarkaalkaas u hadlay Maamulka Puntland ayaa imaanaya 
xilli muddooyinkii dambaba ay isa soo tarayeen khilaafka u dhaxeeya Dawladda 
Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka uu Horseedka ka yahay Cabdiraxmaan Faroole.
 
 Dhinaca Maamulka Ahlu Sunada Gobolada Dhexe ayaa ka hadlay Shirkii Maalintii 
shalay ka furmay Magaalada Muqdisho oo looga hadlay arrimaha Federaalka 
Soomaaliya Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee Ahlu Sunada Gobolada Dhexe ayaa 
shirkaas ku tilmaamay inuu yahay mid Fashil ku bilowdey isla markaana fashil ku 
dhamaanaya waa
 
 Sheikh Axmed Ilka Case Guddoomiyaha Guddiga fulinta ee Ahlu Sunada Gobolada 
Dhexe ayaa farta ku fiiqay in shirkaasu yahay mid laga leeyahay dano gaar ah isl 
amarkaana Qodobada ka soo baxa aanay waxba ka khuseyn doonin 
Maamulkooda.Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in Shirkaasi aan lagu Casuumin 
Maamulkooda sidaa darteedna aysan Aqoonsanaynba gebi ahaantiisaba maadaama aan 
laga qayb gelin Maamulkooda.
 
 W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
 E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
 E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.
 Wada-Tashiga Barnaamijka Higsiga Cusub “New Deal” Oo Ka Furmay MuqdishoMuqdisho, 03, Sep, 2013.. Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda iyo 
qorsheynta Soomaaliya mudane Abuukar Shiikh Cabdi Ibraahim ayaa maanta magaalada 
Muqdisho ka furay shirkii wada-tashiga barnaamijka Higsiga Cusub “ New Deal” oo 
socon doona saddex maalmood. Shirkaan ayaa waxaa ka soo qayb-galay masuuliyiin 
ka kala socda laamaha dowladda, xildhibaano iyo ururada bulshada rayidka ah.
 Wasiir ku-xigeenka maaliyadda iyo qorshaynta qaranka ayaa ka war-bixiyey hawlaha 
barnaamijka Hiigsiga Cusub, isagoo sheegay in shirar wada-tashi ah horey looga 
sameeyey magaalooyin ay ka mid yihiin Muqdisho,Gaalkacayo,Baydhabo iyo Garoowe.
 
 “ Ujeedada barnaamijka Hiigsiga Cusub waxa weeye in la helo talo midaysan oo 
lagu dhisayo dalka.Hiigsiga Cusub waxaa horey u adeegsaday dalal badan ,innaguna 
taasi baan daba taaganahay waxaan rajaynayaa in aan dhibaatadda kaga baxno ” 
sidaasi ayuu yiri Wasiir Abuukar.
 
 Barnaamijka Higsiga Cusub oo ah aragti qaran oo midaysan, ayaa xoogga saaraya 
dhinacyada ay ka mid yihiin siyaasadda, nabadgelyada, caddaaladda,dhaqaalaha, 
ururinta canshuuraha iyo adeegga bulshada.
 
 Xubno ka socday ururada bulshada rayidka ah oo ka hadlay furitaanka shirkan 
wada-tashiga ah ayaa soo dhoweeyey barnaamijka Higsiga Cusub,waxaana ay 
tilmaameen in barnaamijkan uu wax badan ka tarayo marxaladda uu marayo dalka 
Soomaaliya.
  
 Dowladda Soomaaliya ayaa barnaamijka Hiigsiga Cusub diyaarinaysay in mudo ah si 
qorshe midaysan oo ay bulshadu ku leedahay talooyin loo geeyo shirka 16-ka 
Sabteembar ka dhacaya magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka.
 
 Barnaamijka Hiigsiga Cusub ayaa ah in dalalka nugul ee dagaalada ka soo baxaya 
la siiyo dhaqaale toos ah, waxaana dowlada Soomaaliya yeelanaysaa soo jeedinta 
qorshaha lagu taageerayo iyo fulintiisa. Higsiga cusub ayaa markii ugu horaysay 
lagu go’aamiyey shir lagu qabtay magaalada Busan ee dalka Koonfur Kuuriya 
dhamaadkii 2011-kii, waxaana ujeedadu ahayd in kor loo qaado waxtarka kaalmada 
la siiyo dalalka nugul.
 
 DHAMAAD
 
 Ahmed Adan
 
 New Deal Communication Coordinator
 Office of the Prime Minister
 
 Mogadishu, Somalia
 
 Phone: +252 (0) 616 44 00 28
 Email: ahmed.adan@opm.gov.so
 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Bankiga Islaamka oo heshiis ku kala 
saxiixday magaaladda Jeddah ee Boqotooyadda Sucuudiga
  Jeddah, September 2, 2013-----Wafdiga 
Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon 
“Saacid” oo ku sugan magaaladda Jeddah ee Boqortooyadda Sucuudiga ayaa maanta 
waxaa ay Af-garad Buuxa (MOU) iyo Heshiis rasmi ahba (Agreement) ay la gaareen 
Bankiga Islaamka oo fadhigiisu yahay magaaladda Jeddah ee boqortooyadda dalka 
Sucuudiga. 
 Heshiiskan oo ka dhacay xarunta Bankiga Islaamka waxaa Soomaaliya u matalayay 
Wasiiru Dawlaha Arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda 
Federalka Soomaaliya Dr. Maxamed Nuur Gacal, halka Bankiga Islaamkana uu u 
saxiixay Dr. Axmed Maxamed Cali oo ah Gudoomiyaha Bankiga Islaamka.
 
 Heshiiska Af-garad Buuxa (MOU) ee labadda dhinac ay kala saxiixdeen ayaa socon 
doonaa ilaa 2020, waxaana heshiiskani dhigayaa qodobada hoos ku qoran.
 
 1. Horumarinta Adeegyadda Bulshada iyo kaabayaasha dalka
 
 2. Wax soo saarka kala duwan ee dalka
 
 3- Daymaha bislaaday oo dib loo eego
 
 4-Soo noolaynta mashaariicdii hore ee bankiga islaamka uu ka fulin jiray dalka 
Soomaaliya
 
 5- Tayaynta howl-qabadka Hay’adaha Dawladda
 
 Sidoo kale heshiiskani waxaa qabyb ka ah in Bankiga islaamku uu ka shaqeeyo 
ururinta lacagaha kaalmadda ee Dawladaha Islaamku ay ugu tala galeen Soomaaliya, 
fududaynta heshiisyadda iyo adeegyadda daymaha.
 
 Heshiiska Heshiiska dhabta ah ee dhanka kale maanta xukuumaddu ay la saxiixatay 
Bankiga Islaamka waa $ 35 Miliyan oo Doolar oo lagu fulin doono mashriic dag dag 
ah oo ay kamid yihiin Biyaha , Waxbarashada iyo horumarinta deegaanaddii ay 
abaaruhu ku dhufteen oo xilli kooban la bilaabi doono.
 
 “Waxaan uga mahad-naqaynaa Bankiga Islaamka mashaariicda horumarineed ee 
Soomaaliya uu ka fulinayo iyo iskaashiga joogtada noqon doona ee maanta aan isku 
af-garannay kadib muddo dheer oo Bankigu uu xayiray kaalmooyinkii Soomaaliya, 
Soomaaliya waxaa ay ku socotaa dariiqii ay kusoo kaban lahayd.” Ayuu yiri 
Ra’iusl Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”.
 
 Gudoomiyaha Bankiga Islaamka Dr. Axmed Maxamed Cali oo kulan gaar ah kula 
yeeshay Ra’isul Wasaaraha Qasriga Martida ee Boqortooyadda ayaa sheegay in 
xiriirka Soomaaliya iyo Bankiga islaamku uu yahay mid soo jireen ah , dibn loo 
fasaxyo kaalmooyinka maadaama Soomaaliya ay kusoo noqotay xasilooni 22 sano 
kadib , waxaana uu balan qaaday gudoomiyuhu in ay diyaar u yihiin ka qaybgalka 
dhismaha dalka iyo horumarinta mashaariicda kale ee horumarineed.
 
 Ridwaan Haji Abdiwali
 
 Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
 
 Jeddah, Saudia Arabia
 
 Mobile: +966553889071
 
 Email:ridwaanHaji@gmail.com
 Faafin: SomaliTalk.com | Sept 2, 2013   |