Banaanbax Lagu Taageerayo Heshiiskii Xukuumadda iyo Maamulka Jubba ee Adis-Ababa
lagu Saxiixay oo ka Dhacay Magaalada Muqdisho.
Dibadbax Ballaaran oo ay ka soo qayb galeen Degmooyinka Gobolka Banaadir soona
Abaabuleen Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ka
dhacay Taalada Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho.Fagaarihii ay ku
Dibadbaxayeen qaybihii kala duwanaa ee Bulshada ka kala socotay Degmooyinka
Gobolka Banaadir ayaa ugu horeyntii waxaa halkaa ka hadlay guddoomiyaha Maamulka
Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa soo dhaweeyay Heshiiskii lagu qabtey
Magaalada Addis Ababa isagoona ku tilmaamay kuwa ka soo horjeeda heshiiskaasi
yihiin kuwo aan rabin Nabadda iyo Midnimada Soomaaliya.Maxamuud Axmed Nuur
Tarsan ayaa magaca Caasimadda ugu soo dhaweeyay Heshiiskaas isagoona hoosta ka
Xarriiqay in Heshiisku yahay mid ka shaqaynaya Nidaamka soo celinta Nabaddii iyo
iyo isku Xirnaanshihii Shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa isaguna halkaa ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdikariin Xuseen guuleed,Wasiirka ayaa xusay
in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dadaal badan ku bixisey Dib u
Heshiisiinta Dadka Soomaaliyeen,Mudane Guuleed ayaa ku macneeyay Heshiiskii
Xukuumaddu Dalka Itoobiya ay kula gashay inuu ka mid yahay dadaaladii faraha
badnaa ee Dawladdu u soo martay Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed.
Si kastaba Dibadbixii ka dhacay Fagaaraha Daljirka Dahsoon ayaa waxaa ka soo
qayb galay Fanaaniin ka socotay kooxaha Qaranka kuwaasoo halkaa ku soo bandhigay
Suugaan ay ku cabirayaan Nabadda iyo qiimaha ay u leedahay Bulshada Soomaaliyeed,
hase yeeshee haddii aan Fiirino Dhinaca kale waxaa Magaalada Baydhabo ka dhacay
Banaanbax looga soo hprjeedo Heshiiskii Adis-Ababa iyadoo Waxgaradka Digil iyo
Mirifle ay ka Codsadeen Xubnaha Dowlada uga jira in ay dhaqso ugu soo laabtaan
Magaalada Baydhabo si loo lafa guro Heshiiskaas oo ay sheegeen in la si weyn
loogu Dulmiyey Beelaha Digil iyo Mirifle
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 2, 2013
|