Cabdi Cali Fiidow oo ku Gacan Seyray Xil ka Qaadistii Lagu Sameeyay.
Iyadoo maalinimadii shalay Kulan ay ku yeesheen Magaalada Dhuusa Mareeb ee
Gobolka gal Gaduud Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Ahlu Sunna Wal Jamaaca ay
xilkii kaga qaadeen Guddoomiyihii Guddiga Fulinta ka gadaal markii ay ku
eedeeyeen Hawl Gudasho la’aan ayaa waxaa arrinttaa si kulul uga hadlay Shiikh
Cabdi Cali Fiidoow.
Guddoomiyaha Golaha Fulinta ee Ahlu Sunada Gobolada Dhexe ayaa sheegay inaysan
jirin wax Xil ah oo laga qaaday cid ka qaadi kartana aysan jirin. Guddoomiyaha
ayaa beeniyay Shirka la sheegey in xilka looga qaaday ee ka dhacay Magaalada
Dhuusa Mareeb isagoona shirkaas ku sheegay mid Afar Oday ay Guri Isku Xireen
hadalkaasna ay iska yiraahdeen.
Cabdi Cali Fiidoow ayaa ku tilmaamay Dadka wada hadal Haynta ah Xil ka
qaadistiisa in ay yihiin kuwo ka soo hor jeeda Dawladda Federaalka Soomaaliya
isla markaana aan garanayn Nidaamka Dawladnimo. Guddoomiyaha ayaa Difaacay
waxqabadkiisii tan iyo markii loo Magacaabay Xilkaas isagoona hoosta ka
Xarriiqay in Dawladda uu geeyay Gobolka Galgaduud, Ciidamadii Ahlu Sunna Wal
Jamaacana uu ku biiriyay Ciidamada Dawladda kuwaas oo uu sheegay in ay qayb ka
yihiin Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha Guddiga Fulinta Ahlu Sunna ayaa intaa ku daray in uu sii hayn doono
Xilka Guddoomiyanimo illaa Xiligiisa uu ka Dhamaysanayo marka uu Dhamaystana uu
isaga tegi doono iyadoo aanay jirin cid ka qaaday Xilka.Si kastaba Shalay ayaa
shirk a dhacay Magaalada Dhuusa Mareeb lagu sheegay in xilkii laga qaaday
Guddoomiyihii Guddiga Fulinta ka gadaal markii lagu eedeeyay amar diido iyo Hawl
qabad la’aan.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 2, 2013
|