SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Warsaxaafadeed: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada oo kulan dardargelinta Amniga la qaatay howlwadeenada Amniga

Muqdisho, October 13, 2013----Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa xalay shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dardargelinta amniga dalka, waxaana kulankan goob joog ka ahaa mas’uuliyiinta hay’addaha amniga, gaar ahaana Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Taliyeyaasha kala duwan ee ciidanka Qalabka sida, Wasiir kuxigeeno, iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

Kulankan ayaa diirada lagu saaray waxqabadka hay’addaha dawladda iyo sidii loo sii horumarin lahaa sugida amniga, waxaana kulankan warbixino looga dhegeystay taliyeyaasha ciidanka, kuwaasoo ka warbixiyay howlgalo fara badan oo kuwaasoo looga hortegay, laguna burburiyay goobo ay ku maleegayeen kooxaha nabadiidku falal ka dhan ah amniga.

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Jeneral Cabdixakiin Daahir Saacid ayaa kulanka kadib la hadlay warbaahinta, waxaana uu sheegay in kulankan looga hadlay sidii loo sii dardargelin lahaa sugida amniga ee dalka, gaar ahaana caasimadda, wuxuuna tilmaamay in hay’addaha amnigu ay fuliyeen howlgalo ballaaran oo lagu guuleystay.

Sidoo kale, taliyaha ayaa xusay in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadu uu balan qaaday in dawladdu ay ku bixineyso kharashaadka ugu badan horumarinta ciidanka amniga, isla markaana loo dhameystiri doono sida ugu dhaqsaha badan qalabka ka dhiman.

Dhanka kale, Jeneraal Saacid ayaa ku ammaanay shacabka Muqdisho sida ay ula shaqeeyaan laamaha amniga, isaga oo kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan, si loo cirib tiro kooxaha amni darada ka geysta magaalada.



---Garad Salad Hersi

Press officer, PM office

Mob.+25261-5536608

Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 14, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;