Warsaxaafadeed: Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo faah faahin ka bixiyay
waxqabadka Xukuumada mudada halka sano
Muqdisho, October 6, 2013----Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya
Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa maanta xafiiskiisa shir jaraa’id ugu
qabtay bahda warfaafinta gudaha iyo dibadda, kadib markii ay u buuxsantay hal
sano oo uu hayay xafiiska.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyntii ku bilaabay khudbadiisan mahad-celin uu u
jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha
Baarlamaanka Mudane Maxamed Cismaan Jawaari. iyo goleyaasha Baarlamaanka iyo
Xukuumada sida dhow isla markaana hufan ee ay ula shaqeeyaan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sharaxaad guud ka bixiyay waxyaabihii ugu muhiim sanaa
ee u qabsoomay mudada halka sano ee uu xilka hayay, wuxuuna si gaar ah u xusay
in muhiimada Xukuumadiisu ay tahay sugida amniga iyo xasilinta dalka, soo
celinta haykalkii dawladnimo iyo shuruucdii dalka iyo weliba horumarinta
siyaasadda dhaqaalaha iyo maalgashiga.
Amniga iyo la dagaalanka Argagixisada
Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa ku nuux nuuxsaday in howlaha ugu ballaaran ee
xukuumadu xooga saartay ay tahay xaqiijinta ammaanka iyo la dagaalanka kooxaha
argagixisada oo xiriir la leh Al Qaacida, isaga oo cadeeyey in la wiiqay awoodii
kooxahan nabadiidka ah ee Al shabaab oo Qatar weyn ku ah Soomaaliya, dalalka
deriska iyo guud ahaan caalamka.
Sidoo kale, waxa uu xusay in kor loo qaaday tayada iyo tirada ciidanka Qalabka
sida loona dhameystiray agabkii ciidan, maadaama dalka Soomaaliya laga qaaday
xayiraadii hubka ee saarneyd. Wuxuuna si gaar ah u tilmaamay in ciidamada
dawladda lagu tababaro gudaha dalka Soomaaliya oo ay tababaraan macalimiin
Soomaaliyeed.
Hufnaanta maamulka maaliyadda iyo la dagaalanka musuq maasuqa
Ra’iisul
Wasaaraha Xukuumada waxa uu si gaar ah u xusay qorshaha Xukuumada ee ku aadan
hufnaanta maamulka maaliyadda ee dawladda iyo la dagaalanka , wuxuuna tibaaxay
in ay la dagaalameen musuq maasuqa, taasoo keentay sanadkii hore dakhliga u soo
xarooda dawladda oo ahaa 2.5 Milyan Dollar, inuu haatan yahay 10 Milyan.
Maadaama buu yiri ay dhaqangeliyeen qaab la xisaabtan adag leh oo cad oo ay ku
maamulaan dhaqaalaha dawladda.
“Sida cad ee aanu u maamulnay Dakhliga gudaha waxa ay keentay in in beesha
caalamku ay aaminto dawladda isla markaana ay labo jibaaraan yabooha dhaqaale ee
ay siinayaan dalka Soomaaliya” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon
oo intaasi ku daray in dawladdu haatan si joogto ah ay u bixiso mushaaraadka
Askarta, shaqaalaha rayidka ah iyo xildhibaanada Baarlamaanka iyada oo
adeegsaneysa qasnada dawladda.
Arrimaha waxbarshada iyo adeega bulshada
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusay in dadaal dheer ay u galeen sidii dib loogu
howlgelin lahaa dhamaamba Dugsiyadii waxbarshada heer hoose iyo heer sareba,
isla markaana mudadii sanadka aheyd ay xukuumada dayactir iyo howlgelinba ku
sameysay dugsiyadii waxbarashada ee ku buburay dagaaladii dhacay, iyadoo isla
markaana la qabtay shir weyne qaran oo looga arrinsanayo dib u dejinta Manhajkii
waxbarashada dalka, taasoo heer gabo gabo ah mareysa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah u taabtay qorshaha (AADA DUGSIYADDA), taasoo
ah olole ay ka faa’iideysan doonaan arday tiradoodu dhan tahay 1 Milyan kuwaasoo
heli doona waxbarasho lacag la’aan ah.
illaalinta xaquuqda Bani’aadamka iyo ka hortagga falalka jinsiga
Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa faah faahiyay qorshaha
xukuumada ee illaalinta xaquuqda Bani’aadamka iyo ka hortagga falalka jinsiga,
wuxuuna xusay in xukuumadiisu ay ku dhisantahay sinaan iyo cadaalad, maadaama
xukuumidihii hore ay ku dhisnaayeen nidaamka 4.5, oo ay tirtireen, si simana ay
qabaa’ilka Soomaaliyeed uga muuqdaan.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in kaalin weyn ay siisay xukuumada ka
qeybgalka haweenka ee siyaasada dalka, wuxuuna tilmaamay in taariikhda
Soomaaliyeed ay ku cusub tahay in jagada Ra’iisul Wasaare kuxigeen ahna Wasiirka
Arrimaha Dibadda loo magacaabo qof dumar ah.
Sidoo kale, waxa uu xusay in illaalinta xaquuqda bani’aadamka si gaar ah loogu
ammaanay shirkii dhowaantan ka dhacay magaalada Genève, kaasoo lagu ammaanay
dhowrista xaquuqda aadanaha, sida sinnaanta, ka hortaga kufsiga iyo xorriyatul
qowlka.
Aqoonsiga caalamka iyo shiraraka caalamiga ah
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu niyad wanaag ka muujiyay aqoonsiga beesha caalamka
iyo shirarka caalamiga ah ee loo qabanayo arrimaha dalka Soomaaliya, wuxuuna si
gaar ah ugu ammaanay shirarkii ka dhacay London, Istanbul, Yokohama, Brusells
iyo Geneva kuwaasoo lagu horumarinayay masiirka dalka Soomaaliyeed, isla
markaana lagu dhegeysanayay talada iyo tusaalaha hogaanka dalka.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ammaan gaar ah u jeediyay dalalka deriska
iyo sidoo kale kuwa ay ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya, wuxuuna ku
tilmaamay saaxiib garab istaagay xilli adag oo ay Soomaaliya u baaneyd garab
walaal, wuxuuna ugu baaqay inay iska kaashadaan sidii loo cirib tiri lahaa
argagixisada si qatartooda loo baajiyo.
Ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon
“Saacid” ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in sanadkan sanadkiisa la gaari doono
nabad iyo xasilooni, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay la
shaqeeyaan dawladda, dulqaadna muujiyaan.
--Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mob.+252615536608
Mogadishu, Somalia
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 7, 2013
|