SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Wasaaradda Difaaca Maraykanka oo Qiratay in ay ka Dambaysey Weerarkii Lagu Qaaday Magaalada Baraawe

 iyo Shabaab oo soo Bandhigey Qalab ay sheegeen in ay ka tegeen Ciidamada Mareykanka....

Wasaaradda Difaaca Dalka Maraykanka Qoraal ay soo Saareen ayay ku sheegeen in Ciidamo ka tirsan kuwa Badda ee sida gaarka ah u Tababaran in ay Weerar ku qaadeen Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Saraakiil u hadashay Wasaaraddaas ayaa sheegey in ay bar tilmaameedsanayeen Sarkaal ka tirsan Xarakada Shabaab oo halkaa ku sugnaa.

Warkan Qoraalka ayaa lagu sheegay inaysan suurtagelin in Gacanta lagu soo dhigo Ninkii ay Bar tilmaaedsanayeen Ciidamada Maraykanka kuwaasoo sida ay sheegeen aysan u suurta gelin qabashada Sarkaalkaas Sare ee ka tirsan Xarakada Shabaab.Warbixinta ayaa sidoo kale waxa ay tibaaxday in Weerar kan la mid ah Ciidamada Maraykanku ay ku qaadeen Dalka Liibiya kaasoo sida ay Wasaaraddu sheegtay gacanta lagu dhigay
Nin ay baadi goobayeen Muddo Toban Sana ah kaasoo lala xiriirinayay Falal Qaraxyo oo uu qayb ka ahaa.

Weerarkii Baraawe ayaa isaguna lala xiriiriyay Weerarkii ka dhacay Xarunta Westgate laba Todobaad ka hor taasoo ay ku dhinteen illaa 67 qof. Si kastaba Xarakada Shabaab ayaa goor sii horeysey sheegtay in ay iska caabiyeen Weerarkii ay soo qaadeen Rag Caddaan ah in kastoo ay ku sheegtay in Weerarkaasi ay soo qaadeen Ciidamada Ingiriiska iyo Turkiga, taasoo labadaas Xukuumadoodna ay iska Beri yeeleen.

Dhinaca kale Sida ay ku soo waramayaan Dadka Degmada Baraawe Deggan ayaa sheegaya in Maamulka Degmadaasi ee Xarakada Shabaab baandow ay ku soo rogeen, gebi ahaanba waxaa la Xiray Goobihii Ganacsiga ee Magaalada sidoo kalena waxaa Yaraaday dhaq Dhaqaaqii Dadkii iyadoona la arkayay Ciidamada Shabaabka oo Magaalada dhex roondeynayay.

Ciidamada Shabaab ayaa sidoo kale waxa ay dibadda u soo saareen Gaadiidkooda loo yaqaano Tiknikada kuwaasoo ku wareegayay Waddooyinka Magaalada Baraawe.

Dadka Reer Baraawe ayaa dareen cabsi leh la soo dersay ka gadaal markii ay arkeen dhaqdhaqaaqii ay sameynayeen Ciidamada Xarakada Shabaab ee halkaa ku sugan.

Waxaa kale oo ay Xarakadda Shabaab soo Bandhigeen Qalabkii ay sheegeen in Ciidamada Mareykanka ay halkaas kaga tageen kuwaa isugu jira Bambaanooyin, Rasaas, Qalab wax lagu hago iyo Qalabka Caafimaadka , waxaana soo bandhigistaan daawanayey dad fara badan oo ku nool Magaalada Baraawe .

W//D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Baarlamaanka Soomaaliya oo tacsi u diray Ehellada dadkii ku dhintay Xeebaha Dalka Talyaaniga …WARSAXAAFADEED

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi u diray ehellada dadka tahriibayaasha ahaa ee ku dhintay xeebaha Jasiiradda Lampadusa ee Dalka Talyaaniga.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa yiri “ Ugu horeyn anigoo ku hadlaya magaceyga,magaca Gudoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaan halkaan doonayaa inaan Tacsi uga diro ehellada dadkii Soomaaliyeed ee ku geeriyooday xeebaha Jasiiradda Lampadusa ee dalka Talyaaniga, waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa jano siiyo,ehelladoodana samir iyo iimaan ka siiyo”

“Sidoo kale waxaan tacsi u dirayaa dowladaha ayaguna dadkooda ay ku geeriyoodeen shilkaasi dooni oo ay wada socdeen dhalinyaradii Soomaaliyeed ee iyagu naftooda halkaasi ku waayey, ficillada noocaan ah iyo kuwo kale oo horey u dhacayba waxey muujinayaan inaanay aheyn wax haboon ama wanaagsan in qofka bani’aadamka ah uu naftiisa ku hogaamiyo khatar tan la mid ah”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa fariin gaar ah u diray dhalinyarada Soomaaliyeed waxaana uu yiri “walaalayaal,dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan leeyahay waxaad tihiin Mustaqbalka wadankan halka aad kaga hamineysaan tahriib amaba uu idiin gelayo damac xun oo aad naftiina Qatar ku hogaamin laheydeen waa inaad maanka ku heysaan inaad tihiin madaxda dalkan ee berrito,marka ku fekera inaad ka qeybqaadataan hormarka dalkiina iyo sida aad mustaqbalkiina u dhisan laheyden.

---DHAMAAD---

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 6, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;