SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Ethiopia oo Sheegey in ay weli jirto Cabsi Gobolka ah oo ku Aadan Xarakadda Alshabaab.

Haile Mariam Deselegn oo ah Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka Warbixiyay Ammaanka Gobolkan Geeska Afrika. Ra'iisul Wasaaraha ayaa farta ku fiiqay in Gobolka weli ay ka jirto Cabsi laga qabo Dagaalyahanada Xarakada Shabaab kuwaasoo uu sheegay in dhawaan Duulaan ay ku qaadeen Gudaha Magaalada Nairobi ee Dalka kenya.

Mr Deselegn oo sii hadlay ayaa sheegay inuu Diyaar u yahay inuu gacan siiyo lana shaqeeyo Ciidamada Amisom isagoona ballan qaaday in dhinaca Tababarada Ciidamada Amisom iyo Taakuleyntooda uu gacan ka gaysanayo si loo baajiyo Hanjabaadka ka soo yeeraya Xarakada Shabaab.

Ra'iisul Wasaare Haila Mariam ayaa soo hadal qaaday Ciidamada Dalkiisa kaga sugan Gudaha Soomaaliya isagoona sheegey inaan marnaba Ciidamadas laga soo saari doonin Soomaaliya isagoona ku adkaystay in Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gudaha Soomaaliya in ay la Dagaalami doonin Shabaab inta ay meesha ka baxayso Hanjabaadaha ka soo yeeraya Dagaalyahanada Shabaab.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxa ay ku sugan yihiin Gudaha Soomaaliya kuwaas oo aan qayb ka ahayn Hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom kuwaasoo Dagaalo la gala Dagaalyahanada Xxarakada Shabaab. Si kasta ma Cadda Tirada guud ee Itoobiyaanka kaga sugan Soomaaliya, waxayse si toos ah u joogaan Gobolka Hiiraan Bakool iyo Gobolo kale.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 5, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;