Daladda Waxbarashada SAFE oo u Qaybisey 25 Kun oo Buugaag Cilmiyo kala Duwan
Dugsiyo Gaaraya ilaa 81 Dugsi
Waxaa Hotelka Ambasadoor ee Magaaladda Muqdisho ka dhacdey Munaaabada si heer
Sare ah loo soo Agaasimey taasoo ku saabsaneyn Qaybinta Buug Cilmi ah oo gaaraya
ilaa 25 Kun oo Buugaag ah , waxaana Manaasabadaan soo Agaasimey Dalladda
Waxbarashada Ahliga ee SAFE oo iyadu ahayd Daladii Buugaagta soo gaarsiiyey
Dalka ka dib markii Buugaagtaan ugu Deeqdey Hayad fadhigeedu yahay Cariga
Mareykanka oo lagu Magacaabo BOOKS FOR AFRICA USA.

Waxaa ugu horeyn halkaas ka Hadley Xoghayaha Guud ee Dalladda Waxbarashada SAFE
Cabduqaadir Maxamed Dhaqane oo sheegey in Buugaagtaan ay wax weyn ka tarayaan
Kor u qaadida Aqoonta Ardeyda Soomaaliyeed , isagoo sheegey Keenista Buugaagta
ay ku soo beegantey Xilli Ardeyda Soomaaliyeed ay Baahi weyn u qabaan Buugaag ay
ka Buuxaan Cilimiyo kala duwan taasoo uu sheegey in Guud ahaan dalka la wada
gaarsiin Doono.
Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Maxamed Saciid Faarax oo ah Xoghayaha Arrimaha
Bulshada iyo Xiriirka Caalamiga ee Daladda SAFE waxaana uu ugu horeyn u
Mahadceliyey Hayadii Soo dhiiibtey Buugtaa ee BOOKS FOR AFRICA USA.Waxaa kale uu
u Mahadceliyey intii gacan ka Geysatey in Buugaataas ay soo gaaraan Xarunta
Dallada Waxbarashada ee Safe , sidoo kale waxaa uu sheegey in Buugaagtaan ay
yihiin kuwa laga helayo Dhamaan wixii Aqoon ah ee ay u Baahan yihiin Ardeyda
Soomaaliyeed .
Waxaa sidoo kale Munaasbadaas lagu qaybinyey Buugaagtaas ka haldey Gudoomihaya
Salladda SOSCENSA Cabdulaahi Maxamed Shirwac oo ugu Horeyn u Mahadceliyey
Daladda Waxbarashada ee SAFE oo uu sheegey in ay qabtey Howl Muhiim Dhinaca
Waxbarashadda iyo Ardeyda Soomaaliyeed oo ah in ay helaan Buugaag Aqoon kala
duwan ka Buuxaan waxaa uu sii raaciyey “waxaan ku talinyaa in aan Buugaagtaan la
qabin oo la dhigo Library si Aqoonta Buugaataas Xamaarasan tahay ay Ardeyda
Soomaaliyeed uga Daalacdaan . 
Gudoomiyha SOSCENSA Cabdulaahi Maxamed Shirwac oo ka faaiideysanaya Munaasbadaas
ayaa Bahda Waxbarashada u soo jeediyey in ay u istaagaan si Xoriyadooda u heli
lahaayeen Gabdho Soomaaliyeed oo Afduub loo haysto Dalka waxaa uu intaa ku darey
‘Waa wax naga Gubaya oo aan ka Muruugooneyno haddii aan nahay Bulshadda Rayidka
marka anagoo isku Duuban aan u istaagno sii Deynta Gabdhahaasi” .
Agaasimaha Agaasinka Tacliinta Sare ee Wasaaradda Adeega Guud ee Bulshada
Ismaaciil Yuusuf Cismaan oo ka Hadley xafladaas ayaa sheegey in Daladda SAFE ay
ku talaabsan Ariin Qayb ka qaadaneysa Kobcinta Waxbarashada Ardeyda Soomaaliyees
isagoo sheegey in Dowladda Federaalka ay Dhiiragelineysao Barnaamijyada Noocaan
oo kale ah ee klu saansan Sare u qaadida Aqoonta Ardeyda Soomaaliyeed isagoo
sheegey Qaybinta Buugaagaatn ay ku soo beegmeen Xilli uu Bilowdey Mashrruca Aada
Dugsiyada oo Dowladda Dooneso in Caruurta Soomaaliyeed ayu helaan Waxbarashao
Lacag la’aan ah .
’22 Sanno waxaa Dhageheynna ay Maqlayeen Raashin la Qabinaya maanta waa ilaah
Mahaddii haddi Buugaag Cilmi ah loo Qaybinayo Ardeyda Soomaaliyeed marka
Ha’yadii iyo Daladii Suurtagelisey waxaan leeyahay waxaad qabteen Howl Muhim u
ah Kor u qaadida Aqooonta Ardeyda Soomaaliyeed”ayey tiri Duniyo Maxamed Cali oo
ka socotey Hayadda IIDA waxayna uu soo jeedisey Daladaha kale in iyana ku
Daydaan Daladda SAFE . .
Gabagaabadii waxaa Munaasabadaas lagu Qaybinayey Buugaagtaas ka hadley
Gudoomiyaha Daladda Ahliga ee SAFE Cabdiraxmaan Macalin Axmed (Cabdiraxmaan
Ablaal) waxaa uu ugu horeyn u Mahadceliyey intii Suuragelisey in Buugaataas soo
gaarto Ardeyda Soomaaliyeed laga soo Bilaabo Mareykanka ilaa Magaaladda Muqdisho
sidoo kale waxaa uu sheegey in aan Buugaataan loogu talagelin in ardeyga la
siiyo balse loogu talagaley in uu Ardeyga wax ka Daalacdo sidoo kale waxaa uu
sheegey in Buugaataan oo Tiradooda Gaareyso ilaa 25 kun waxaa uu sheegey in
Buugaagtaas ay Daladda SAFE ugu Talagashey in loo qaybiyo Ardey Dhigata 81 Dugsi
oo Hoos yimaada Daladda SAFE sidoo kale waxaa uuu sheegey in ay Daladda ay
Buugaataan Qayb ka siineysa Jaamacadaha ku yaala Dalka .
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 1, 2013
|