Madaxda Soomaliya iyo Japan oo ku heshiiyey in la xoojiyo xiriirka labada dal
Warsaxaafadeed:
Yokohama, 31 May 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Xasan Sheekh Maxamud ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Japan Mudane Shinzo Abe,
kulankan oo ka dhacay magaalada Yokohama iyadoo isla maantana uu dhici doono
Shirkii Soomaaliya oo ay labada mas’uul wada shir-guddoominayaan.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa soo gaaray Yokohama maalintii shalay si ay ugu
qeybgalaan Shirka Qaaska ah ee Soomaaliya oo maanta oo ah 31ka May ka dhici
doono Yokohama, Japan iyo inay ka qeybgalaan Shirkii 5aad ee Caalamiga ah ee
Horumarinta Afrika oo dhacaya 1da Juun ilaa iyo 3da Juun 2013. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Japan doorkiisa
hoggaamineed ee uu shirka Soomaaliya ugu qabanayo dalkiisa iyo sida aan kala
go’alaheyn ee dowladda Japan u saacido shacabka Soomaaliyeed. Labada Mas’uul
ayaa ka wada hadlay cilaaqaadka labada dal, horumarka amniga iyo siyaasadda ee
Soomaaliya iyo dib-u-dhiska Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha Japan ayaa sheegay in
dowladdiisu ay sii wadeyso kaalmada dhanka horumarinta, xasiloonida, iyo
barwaaqada Soomaaliya oo uu sheegay inay muhiim tahay. Labada mas’uul ayaa ku
heshiiyey in xiriirka labada dal la sii xoojiyo. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay sida deg-deggga ah ee loogu
baahanyahay in hay’adihii dowliga ahaa la horumariyo waxuuna yiri “Waxaan
sameynay horumar dhanka amniga iyo siyaasadda ah, hase ahaatee caqabado fara
badan baa sii jira. Bacdamaa uu dalkayagu uu u gudbayo marxalad ka soo kabasho
iyo horumar, dhalinyarada Soomaaliyeed waxey si deg-deg ah ugu baahanyihiin in
xirfadahooda shaqo la dhiso eek u wajahan dhanka beeraha, xoolaha,
kalluumeysiga, caafimaadka iyo adeegyada waxbarashada. Waxaan codsanayaa
kaalmada Japan inay dhankaan ku wajahdo iyo kaalmo ku wajahan sidii dib loogu
dhisi lahaa waddooyinka, dekedaha, garoonadda diyaaradaha, Kanaalada biyaha iyo
kaalmo dhanka amniga ah.” Madaxweynaha Soomaaliya waxuu yiri “ Soomaaliya waxey maanta galeysaa waji cusub
oo u baahan in beesha caalamku ay u wajahaan si cusub oo lagu caawinayo
kordhinta tayada shaqaalaha oo u ah lafdhabar ka soo kabashada iyo horumarka aan
hiigsaneyno.” Waxaa jira rajo weyn oo dib loogu dhisayo dalka, laakin Soomaalida
kaligeed ma sameyn karto. Madaxweynaha ayaa u mahadceliyey Ra’iisul Wasaare Shinzo Abe sida uu dib ugu soo
nooleeyey xiriirka labada dal 22 sano ka dib iyo kaalmada horumarineed ee ay
Japan siineyso Soomaaliya. Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Japan ayaa maanta wada shir-guddoomin doono
Shirka Soomaaliya. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxey ka qeyb gali doonaan Shirka
Tokyo ee Caalamiga ah ee horumarinta Africa (TICAD V) oo ka dhacaya Yokohama 1da
June ilaa iyo 3da June 2013. - DHAMAAD – Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson to the Office of the President
Faafin: SomaliTalk.com | May 31, 2013
|