Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Magaciisa Lagu Samaystay bog Twitter
oo Been Abuur ah
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta Gudoomiyaha Baarlamaanka
ayaa tibaaxay in magaca guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya si been abuur ah
loogu samaystay bog Twitter ah, "ayadoo bogaasina ka sakoow xilka Gudoomiyaha
Baarlamaanka loo isticmaalay Sawirkiisa". Hoos ka akhri warsaxaafadeedka.
WARGELIN:-Gudoomiyaha Baarlamaanka Ma Lahan Bogaga Lagu Sameystay
Magaciisa Waana Looga Been Abuurtay Mudooyinkan dambe waxaa si aad ah ugusoo badanayey baraha internetka
gaar ahaanna baraha ay Bulshadu ku kulanto sida Facebook iyo Twitter
shaqsiyaad iyagu adeegsanaya magacyada madaxda sare ee Dalka si gaar
ahna shaqsi barta Twitterka ka sameystay bog uu ku sheegay inuu
leeyahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayadoo bogaasina ka sakoow xilka
Gudoomiyaha Baarlamaanka loo isticmaalay Sawirkiisa. Hadaba Xafiiska Warfaafinta Gudoomiyaha Baarlamaanka waxey u
cadeeyneeysaa islamarkaana la socod siineeynaa shacbiga Soomaaliyeed
guud ahaan si gaar ahna bahda Warbaahinta in bogga:-
https://twitter.com/Somali_Speaker uusan laheyn bog uu leeyahay
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ee qofka magaca Gudoomiyaha iyo
Sawirka adeegsanaya uu ka been abuuranayo. Ugu dambeyn waxaan u mahad celineynaa bahdii Warbaahinta ee iyagu
dhowray shuruucda saxaafadda islamarkaana markii ay arkeen warar
boggaasi lagu daabacay nala soo xiriiray ayaga oo xaqiijinayey in
warkaasi uu yahay war rasmi ah oo Gudoomiyaha kasoo baxay iyo inkale,
sidoo kalena warbaahintii boggaasi wararka ka xigatay islamarkaana
ayaga oo aanan sameyn wax hubin ah daabacay wararkaasi looga abuurtay
Gudoomiyaha Baarlamaanka. ----DHAMAAD--- Xafiiska Warfaafinta Gudoomiyaha Baarlamaanka
xafiiskawarfaafinta@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 29, 2013
|