SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Howgalka Ciidamada: Waa Mid Tiin-Tiin loogu Abuurayo Dowladda.

  • Howgalka Ciidamada Dowlada ayaa dadka qaarkood waxay Aaminsan yihiin in uu yahay mid Nacayb loogu Abuurayo Dowlada Federaalkaa...

Waqti Saq Dhexe ayaa Maqley Rasaas goos goos ah , inta soo toosey ayaan hoosta waxaan iska iri “Tolow Caawa sidee wax u jiraan Xaafadaan waxay ahayd Xaafad Nabdoon oo inta aan degenaa aysan wax ka dhicin.

Aniga oo Cabsi igu jirta ayaa mar ay Salaadii Subax soo dhawaatey ayaa Albaabka hore si aad ah loo soo garaacey , waxaa Furey mid ka mid ah Qoyska ,waxaana Markiiba Nin Askari ah uu yiri “ Wax Rag ah ma joogaan” Qofkii Qoyska ka mid ahaa baa ku yiri “Hal Nin baa nala jooga ”waxaana loo sii Daba dhigey ha soo baxo”.

Qofkii isaga oo Deg Degaya oo Xoogaa naxsan ayuu ii soo galey waxaa uu yiri “Askari baa ku doonaya “Markiiba waan u soo baxay waxaana iri “Walaal Maxaa Darnaa waqtigaa “waxaa uu yiri “ waa Howgal ee soo bax waxaan ku iri Salaada Subax baan Tukanayaa “markii aan intaa ku iri ayuu yiri “ Soo Tuko ee soo bax “si Hal Haleel ah ayaan u Weyseystey oo Labadii Ragcadood ee Salaada Subax Tukadey , ka dibna inta Surwaalka isku Boobey ayaan horey u raacey isaga nin ka tirsan Ciidamada Booliiska Amisom .

Meel Barxad ah oo ku taala Xaafadda Affisyooni ee Degmada Xamar Jabjab ayaa waxaa la isugu keeney Boqolaal Dhalinyaro iyo Odayaal ,waxayna indhaheyga qabanayeen Rag ka tirsan Ciidamada Dowladda oo inta la soo baxeen Aqoonsigoodii lagu yiri ‘Saaxiibayaal Aqoonsigaan ma Shaqeynayo anagaa ayaan Aqoonsigiina idiin wadna “ waa yaabey waxaan bilaabey in aan Aqoonsigeyga Tusiyo ee Wareyanimo Sarkaalka meesha ugu sareeyey , markii uu akhriyey ayuu yiri “Saaxiib Raggi Ciidamada ka tirsanaa aqoonsigoodii baan diidney ee Wariyanimadaada la laabo , Markiiba waxaa Gaari laga soo dejiyey 10 Qofood oo Indaha u xiran yihiin waxaana dhagaheyga ku soo dhacayeen waxaa yimid Ciidamadii Rooxaanta ee Dadka Iskaanka Marinayey.

Wiil ii dhawaa Ayaan iri “waa Maxay Iskaanka la ismarinayo iyo Ciidamada Rooxaanta? Inta ii soo dhawaadey ayuu yiri” Walaal Dhalinyaradaas Afka Duuban ayaa la yiraahdan Ciidamada Rooxaanta waa kuwa Iskaanka marinaya Dadka halkaan Dhoobaan “ waxaan sii weydiiyey ? Iskaanka muxuu yahay ee dadka la marinayo? Waxaa uu I yiri “Ragaas ayaa dadka kala saaraya” markiiba waxaa Saf la geliyey dadkii faraha badnaa ee halkaas la iskugu keeney “ Ragii Afka Duubnaa ayaa dadka isha la raacay kii ay reebtaan markiiba waxaa la saarayaa Gaari weyn oo Xamuul ah kii ay fasaxaan markiiba Gurigiisa ayuu dhaqsi u aadayaa , wax la kala Shaandheeyo waxaa la watey ilaa 60 Dhalinyaro aad u Da’yar kuwaa oo loo dhaqaajiyey Dhinaca CID oo maalmahaan Dadka lagu Gurayey.


Gaariga dadka lagu qaadayo

Inta aan la i soo fasaxin ayaa waxaan Xoogaa la Sheekeystey nin Dhalinyaro ah oo aad u walwalsanaa , waxaana iri “Saaxiib maxaa la walwasan tahay “ waxaa uu I yiri” waxaan ahay Kawaanle Hilib ku Gada mid ka mid ah Xaafadaha Muqdisho marka Walaal waxaan ka Walawalsanahay Hilib meel Cidla ah iga yaala in uu igu Baaro”markii uu intaa I yiri “ ayaa aad uga Naxay waxaana ku iri “Saaxiib Nasiibkaadaa qabtaa “ waxay indhayga qabanayeen ninkii oo la sii saarayo Gaarigii Xamuulka ahaa isagoo ku qalinaya “war Kawaanlaan ahay ee ha la ii sii daayo”. Yaaba warkiisa Dheg jalaq u siiyey wuxuuna ka mid Naqdey ninkaas Xoogstada ah in loo qaado Xarunta CID.

Dhibaatooyinka ay keeneen Howgalka Ciidamada aad bay u fara badan yihiin waxaa Xabsiyada ku jira Ardey isku Diyaarineysey Imtixaanaadkii Sannad Dugiyeedka iyo kuwa Jaamacadaha, waxay kaloo saameeyeen Xoogsatada Muruqmaalka ee Subaxii kalaha.

Waxaan si aad ah ula yaabey qaabka Howgalka ay u wadaan Ciidamada , inta badan ma jiraan Guryo la baarayo , Dadka Dhalinyarada ah ee ku jira Guryaha ayaa la wadanayaa, kuwa jidadka iska socda ayaa la isaga dhegayaa, kuwa kalena Gawaarida BL-ka ayaa lagala Degeyaa , ma Xuma in Howgal la sameeyo hase yeeshee dadka intiisa badan ayaa Dhaliilaya Howgalkaas waxayan leeyihiin “Rag Saraakiil ama Siyaasiyiin ah oo ku Fashilmey in ay Nabad ku soo dabaalaan Magaalada Muqdisho ayaa waxay doonayaa in ay indhaha Masuuliyiinta Dowlada iska jeediyeen si loo yiraahdo “ War Howgal bay ku jiraan waayo waxay ka cararayaan in ay Xilkooda ku waayaan marka la yiraahda maxaa wax uga qaban weydeen Madaafiicda lagu soo garaayo Madaxtooyada marka waa Howgalka lagu ilaalsanayo Xil.

Kuwa kale ayaa qaba in Howgalka Socda uu yahay mid la doonayao in lagu fashiliyo Dowlada ama Tiin-Tiin loogu Abuuro Dowlada waayo Howgalka Ciidamada waa mid lagu dhibaateynayo Bulshada oo Maalmahii la soo dhaafey ay wajahayeen Marxalado kala duwan sida Xirnaansha Wadooyinka, Xanibaada Gaadiidka , Guryaha Dowlada oo laga saarayo Bulshada si loogu Fushado Danno gaar ahaaneed taasoo la dhihi karo Dowlada kama War qabto , iyadoo Madaxweyne Xasan uu horey u sheegey in Marka Dawlada u baahato Guryaha Dowlada Shacabka laga saarayo balse inta aysan jirin Baahidaas ay Shacabku Degenaanayaan , marka qaar ka mid ah Shacabka ayaa Dowladda ku la talinaya in ay wax ka badesho Howgalka Ciidamada si kale ay ku raadiso Nabadgelyada Magaalada Muqdisho .

Isku soo Duuboo Howgalka Ciidamada Dowlada ayaa dadka qaarkood waxay Aaminsan yihiin in uu yahay mid Nacayb loogu Abuurayo Dowlada Federaalkaa waayo Wariye soo hor marey Xaraunta CID oo ah Xarun dadka Howgalka lagu soo qabto la geeyo ayaa qaar ka mid Ehelada Dhalinyaradooda ku xirana yihiin halkaas waxay ku Sheekeysanayeen in Tani ay keeni karto in Dhalinyarada ay ku Biiraan Shabaab, hadii uu soo socdo Howgalka la dhihi karo waa mid aysan jecelysan Dadka Muqdisho,waayo Dastuurka ayaa waxaa ku Qoran Qododbo si aad u ilaalinaya Mawaadinka Xaquuqdiisa waxaana ka mid “in Qofka uusan Xirnaan Karin muddo 48 Saacdood Maxkamad la’aan iyo “ in aan lagu Xadgudbin Qof aan Dambi gelin oo aan Xoriyadiisa laga qaadin”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Sawirka hoose waxa uu ka mid ahaa sawirro ay May 25, 2013 faafisay AMISOM:
AMISOM Pictures: Somalia / AMISOM / Madina Security Operation

Photo: AU-UN IST PHOTO -  handout images shot on May 25th and released by the African Union-United Nations Information Support team. Attached are images of a security operation that was conducted last night. AMISOM, in support of the Somali Police Force, cordoned off one and a half square kilometers in the Madina district of Mogadishu in an attempt to weed out members of the extremist group, al Shabaab. Many of the area's young men were temporarily detained by the SPF and then screened in order to determine whether they had any links to the group.

Photo: AU-UN IST PHOTO -  handout images shot on May 25th and released by the African Union-United Nations Information Support team. Attached are images of a security operation that was conducted last night.

Faafin: SomaliTalk.com | May 30, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;