Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta si rasmi ah u furay wajigii labaad ee talaalka
cudurka Dabaysha
Muqdisho, 28. May, 2013….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golaha
Wasiirada, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Hay’adaha
WHO, UNICEF, OCHA iyo xubno ka socda Waaxda Wasaaradda Caafimaadka ayaa ka qayb
galay xaflad lagu daah furayey talaalka cudurka dabaysha oo wajigiisii labaad
maanta si rasmi ah uu u furay Ra’iisul Wasaare Saacid. Cudurka dabaysha oo laga ciribtiray Soomaaliya sanadkii 2007 ayaa waxaa
horaantii bishaan aan ku jirno laga soo sheegay afar xaaladood oo cusub
magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo. Waxaana sidoo kale baaritaan lagu sameeyey
400 oo qof ilaa iyo hada la xaqiijiyey in 30 kamid ah looga shakisan yahay
cudurka dabaysha. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in talaakaan uu leeyahay muhiimad gooni ah
loogana baahan yahay waalidiinta inay ku baraarugaan sidii caruurtooda uga
talaali lahaayeen cudurkaan aan dawada lahayn.
 
“Waxaa dhawaan Soomaaliya lagu arkay cudurka dabaysha oo sanadii 2007 laga dabar
gooyey dalka, waana cudur si fudud u fidi kara, wuxuuna khatar ku yahay dhamaan
caruurta Soomaaliyeed, isagoona ku dhaca caruurta da’doodu ka yar tahay shanta
sano, cudurkaan waxaa uu leeyahay ka hortag talaal, sanad kastana waxaa laga
talaal caruur gaaraysa 2-bilyan caalamka oo dhan, taas waxay muujinaysaa
khatarta iyo cabsida laga qabo inuu faafo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo
dhanka kalana ku dhiiri galiyey dhamaan qoysaska Soomaaliyeed inay caruurtooda
ka talaalaan cudurkan khatarta ah, ayna geeyaan goobaha talaalka. Ra’iisul wasaraha ayaa sidoo kale sheegay in talaalkaan ay hormuud ka tahay
dowladda Soomaaliya Wasaaradeeda Horumarinta iyo Adeega Bulshada isla markaana
kaashanaysa Hay’ada Caafimaadka Aduunka (WHO) “Maanta waxaa bilowday ololaha talaaka dabaysha oo socon doona mudo lix bilood
ah waxaan codsanaynaa in qaybaha kala duwan ee bulshadu ka qayb qaataan sidii
loo cirib tiri lahaa, waxaana si gaar ah qaybaha kala duwan ee warbaahinta uga
codsanayaa inay xogta ololaha talaalka gaarsiiyaan bulsha weynta Soomaaliyeed si
guul looga gaaro ciribtirka dabaysha” ayuu yiri Ra’iisul wasaaruhu. Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhibcihii ugu horayey ee talaalka afka
ugu dhibciyey caruur ka soo qayb gashay xaflada lagu furayey wajiga labaad ee
talaalka, wuxuun mahadnaq balaaran u soo jeediyey Waxaada Caafimaadka ee
Wasaaradda Horumarinta iyo Adeega Bulshada, Hay’ada Caafimaadak Aduunka (WHO),
UNICEF, OCHA, Hay’adaha aan dowliga ahayn, Dhakhaatiirta iyo shaqaalaha ku
hawlan talaalka caruurta. ----DHAMAAD---- Diraac Salaad Fagaase
Communication Director Office of the Prime Minister
Mogdisho Somalia
Media@opm.gov.so
Faafin: SomaliTalk.com | May 29, 2013
|