SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Suleymaan Maxamed Ibraahim “ Kenya waxay Dooneysaa in ay la Wareegto Gobolada Jubbooyinka , kuwa u Hor-Boodayana waa Maqaarsaar oo lagu Fushanayo Dano gaar ah”

Suleymaan Maxamed Ibraahim oo ka mid ahaa Xildhibaanadii Hore ayaa mar uu u waramey Warhaahinta kala duwan ee Magaalada Muqdisho ayaa Dowladda Kenya ku eedeeyey in soo gelitaankii Ciidamada Kenya ee Gobolada Jubbooyin ay yihiin kuwa Dowladda Kenya ay ka leedahay u jeedooyin gaar ah , isagoo sheegey in kuwa hor boodaya Ciidamadaas Kenya ay yihiin kuwa la doonayo in dano gaar ah lagu gaaro.

“ Ciidmada Kenya ma ah kuwa doonaya in ay Nabad ku soo Dabaalaan Gobolkaa , ee waa kuwa Doonaya in ay fuliyaan Dano gaar ah waayo Dowladda Kenya waxay weligeed ku Hamineysey in ay la wareegto Gobolada Jubbooyinka si ay u Xalaaleysato Arrintii Badda “ayuu yiri Suleymaan Maxamed Ibraahim oo sheegey in kuwa soo Horkacay ay yihiin kuwo Maqaasaar ah .

Suleymaan Maxamed Ibraahim waxaa uu soo dhaweeyey in Gobolkaas la geeyo Ciidamo Amisom ah sida Ciidamada Siiralyoon maadaama Ciidamada Kenya aysan qaadaneyn Awaamiirta Dowladda Federaalka , wuxuuna u soo jeediyey Xildhibaanada Baarlamaanka in ay taageeraan Mooshinkii laga keeney Joogitaanka Ciidamada Kenya

“Waxaa xaqiiqo ah in Kenya ay meesha Haysata kuwa u Sacaba Tumaya ama Kiinyaan Noqda ama Soomaali noqda oo waxaa u Dhaarateen waa Dalka iyo Dadka marka waa in aad Mowqif Mideysan ka qaadataan sidii Ciidamada Kenya laga saaro Dalka “ayuu yiri Suleymaan Maxamed Ibraahim oo u soo jeediyey Xildhibaanada in ay Xooga la saaraan sidii Ciidamada Kenya looga saari lahaa Dalka .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | May 29, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;