Shirkadda Muqdisho Taxi Company oo laga Hirgeliyey Magaalada Muqdisho
Munaasibad si heer sare ah loo soo Agaasimay isla markaana lagu soo ban
dhigay Tagaasi Cusub oo ay leedahay Shirkad Cusub oo la magac baxday Mogadisho
Taxi Company ayaa ka dhacday Magaalada Muqdisho.Munaasibadan oo ay ka soo qayb
galeen Ganacsato Shirkado iyo Marti Sharaf kale oo halkaa lagu Casuumay ayaa
waxaa Khudbado ka soo jeediyay Xubnihii ka soo qayb galay Munaasibaddaas.
Ugu horeynba waxaa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Iskaashatooyinka Gaadiidka
Gobolka Banaadir Daahir Maxamuud Dirir kaasoo si diiran u soo dhaweeyay
Shirkaddan Cusub ee manta ku soo biirtay Gaadiidka Dadweynaha Gobolka Banaadir.
 
Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in Shirkaddan oo ay leeyihiin Dad Soomaaliyeed
ay tahay Figrad cusub oo u baahan in looga daydo Ganacsatada Soomaaliyeed ee
kale ee Dibadaha ku sugan ay ka qayb qaataan dib u Maalgelinta Dalka iyo Dib u
Dhiskiisa.
Sidoo kale waxaa isaguna Munaasibaddaas ka hadlay Guddoomiyaha Shirkadda Beder
isagoona ballan qaaday in Shirkadooda ay ugu Deeqayso Shirkaddan Cusub illaa
Boqol Book oo hawlaha Shirkadda lagu sii bilaabayo taasoo Free ah
Shirkadihii kale oo ay ka mid ahayd Shirkadda Hormuud oo iyaguna mas’uuliyiintii
ka socotay ay halkaa ka hadleen ayay dhamaantoodba waxa ay ballan qaadeen in ay
la shaqaynayaan isla markaana soo dhaweynayaan Shirkadaan Cusub ee Maanta looga
dhawaaqay Magaalada Muqdisho.
Eng. Axmed Xuseen Buulle oo ah Guddoomiye ku xigeenka Shirkadda Muqdisho Taxi
Company oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in Tagaasidan ay Shirkadoodu
hawl galinayso inay si weyn wax uga bedelayso habkii Tagaasidii hore isagoona
Sharaxaad ka bixiyay Qiimaha ay dadka ku qaadayaan oo uu sheegay in ka soo bilow
Kiilo Mitir Eber (0) oo ah halka laga bilaabo Cabirka Magaalada Muqdisho illaa
Km 4 in qofkiiba ay ku qaadayaan illaa Afar Doolar.
Guddoomiye ku Xigeenka ayaa intaa ku daray in Tagaasidan ay hawl galinayaan
dhamaantooda ay Lambarsan yihiin isla markaana ay wataan Raadiyayaal yar yar oo
gacanta lagu qaato taasoo Nin walba oo ka mid ah Wadayaasha gaadiidkaa Gaa
markii loo yeero iyo halkii looga yeero uu ku soo diyaar garoobayo.
Engineer-ka ayaa soo hadal qaaday Dhallinyarada Wadayaasha ah oo ay Tagaasidaas
u dhiibeen kuwaasoo uu sheegay inuusan ku jirin mid keliya oo Balwad leh isagoo
intaa ku daray in loo Tababaray Macaamilka wanaagsan iyo dad la dhaqanka
wanaagsan.
Ugu dambayntii ayuu Guddoomiye ku xigeenka Muqdisho Taxi Company u balan qaaday
Bulshada ku Dhaqan Gobolka Banaadir in ay u soo bandhigayaan adeegyo
raaligeliya. Si kastaba Gaadiidkan oo Tiradiisu ay gaareysey illaa Dhowr iyo
labaatan Gaari oo Calaamado lagu garto leh ayaa socod Dhoolatus ah waxa ay ku
mareen qaara ka mid ah Waddooyinka waa weyn ee Magaalada Muqdisho kuwaasoo soo
jiitay Indhaha Dadka oo si weyn u Daawanayay.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | May 28, 2013
|