Maamulka shirkaadda Golis oo kulan ku yeeshay Bosaaso
Maamulayaasha xafiisyada shirkadda Golis ee gobolada iyo maamulka xarunta
dhexe (HQ) ayaa kulan wada-tashi iyo is waraysi ah ku yeeshay magaalada
Bosaaaso. kulaankaas oo looga arinsanayey kor-u-qaadidda shaqada iyo maamul
wanaaga, kulankaas oo socday muddo labo maalmood ah waxaa lagu qabtey hoolka
shirarka ee xarunta Bosaso.
Kulankaas ayaa waxaa goob-joog ka ahaa maareeyaha, ku xigeenka maareeyaha,
madaxa hawlgelinta, qaar ka mid ah hoggaamada iyo agaasimayaasha shirkadda.
furitaankii kulankaas waxaa kelmad wacdi iyo waano ah madasha ka soo jeedshey
agaasimaha waaxda sharciyada iyo wacyi-gelinta ee shirkadda Golis Sh.Faysal
Xuseen Mire, asagoo ka hadlay mas’uuliyadda iyo culayska ay wadato.
Wuxuu Sh.Faysal tilmaamey in shirkadda Golis ay tahay shirkadda ugu weyn ee ka
hawl gasha gobolada Puntland, isla markaana mas’uuliyadda saarani ay tahay mid
culus, oo mas`uul kasta ay waajib ku tahay ilaalinta hantida ummadda. Waxaana
madaxda shirkada looga baahanyahay -sida uu sheekhu sheegay- in dareenka
mas’uuliyadeed oo leh xilkasnimo, feejignaan, caddaalad iyo sinnaan lagu maamulo
shirkadda iyo hantideedaba.
Waxaa kulanka si rasmi ah u furay maareeyaha guud ee shirkadda Golis Cali Xaaji
Warsame oo sheegay in kulamada noocaan oo kale ah ay faa’iido u tahay shirkadda,
waayo waxaa la is-dhaafsanayaa – ayuu yiri maareeyuhu- aragtiyo, fikrado,
tusaalayaal xiriir la leh maamul-wanaagga.
Maareeyaha ayaa ammaan xooggan u soo jeediyey shaqaalaha iyo maamulayaasha
gobolada ee shirkadda, wuxuuna yiri “ waxaan aaminsanahay in shirkadda Golis ay
ka hawl galaan dadka bulshada ugu fiican, kalsoonina waxaan ku qabaa in ay
kor-u–qaadeen una qaadi doonaan sumcadda iyo waxqabadka shirkadda”.
Kalmad dheer oo uu maamulaha soo jeediyey ka dib, ayaa waxaa iyana hadalo qiimo
leh ka soo jeediyey goobtaaas maareeye ku-xigeenka shirkadda Golis Siciid Aadan
iyo Madaxa hawlgelinta C/laahi Cali cumar, waxaana markaas ka dib si toos ah loo
guda galay ajandihii kulankii u dhexeeyey maamulayaasha goboladda iyo maamulka
sare ee shirkadda Golis Talecom Somalia.
shirkaan ayaa waxaa looga hadley arimo badan oo xiriir la leh shaqada iyo sidii
loo hor-marin lahaa, si loo xaqiijiyo ujeeddooyinka wanaagsan ee shirkaddu
leedahay. Wuxuuna ka mid yahay kulamada muhiimka ah ee shirkaddu goor walba
qabsato si looga hadlo qiimaynta waxqabadka, qorshaynta horumarka iyo xalinta
caqabahada iwm.
 
Haddaba gebagebadii shirka markii la soo gaadhay waxaa hadal dhinacyo badan
taabanaya ka soo jeediyey madaxa Hoggaanka gobolada C/risaaq Aw Cali oo lahaa
qabanqaabada, hagitaanka iyo isku-dubaridka kulanka. Wuxuuna sheegay in
kulankaas oo socdey laba casho uu ku soo dhammaaday guul iyo is afgarad, isagoo
hoggaamiyuhu u mahad celiyey dhammaan ka soo qayb galayaasha.
C/fitaax Nuur (Ashkir)
Golis Public Relation Officer
Faafin: SomaliTalk.com | May 26, 2013
|