SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

M/weyne Xasan sh. Maxamuud waxa uurku qarsanayey ayaa afkaagu hayn kariwaayey

Masuuliyiinta ugu sareeya dawlada fadaraalka ee awoodeeda maamul iska liidato ee dalka somaliya ayaa isu muujiyey kuwo Afkooda colaad ku abuuranaya wakhti ay ku haboonayd in ay af iyo adin qaboob kula macaamilaan cida ay maamula isleeyihiin iyo inta jaarnimada ay wadaagaanba,ee danta iyo duruufa waayuhu ka dhexeeyaan,inkastoo ayna lahaynba awood afka dhaafsiisan,laakiin maahmaah somaliyeed ayaa ahayd Afxumo Nabadna wey kaakaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto,

Waxay intii xilka ay qabteen ay iska daba mareen sedexda masuul ee ugu sareeya maamulka dalka somaliya haddallo aan waa faqsanayn wadciga iyo waayaha Mandaqada ay ku noolyihiin.taasoo kadhigan halxidhaalihii ahaa Xeradayadu waa wada ul oo ul laqaato ma leh sidaas waxaa khadhigan Xasan sh, Jawari,iyo saacid oo qaladaadkooda hadal qararka jabiyey,

Hadii aan soo qaadano hadaladii qadafka iyo qalqalooca lahaa.waa kuwan hadaladii

Saacid,”Cagtaan marinaynaa cidi ka hortimaada fidinta maamulkayaga,iyo cali samatar hala cafiyo “

Jawaari,mar uu ka hadlayey Somaliland ayaa waxaa ka mid ahaa weedhihii uu ku tiraabay arinta somaliland “waa fadhi ku dirirka maqaaxiyaha, shacabka somaliyeedna wey si ogolyihiin ka hargeysa jooga iyo ka muqdisho jooga” , ma warli ibaa ma waayo aragnimo la aanbaa, inta midna maaha ee waa ka Garaadkiisa ayaa sidaas wax u arka allah ha u gargaaro

Xasan sh, mayd maxaa u danbeeyey kaa lasii sido, hadaladii xasan waa kuwii ugu danbeeyey malaha isagu waxoogabuuba is dhawray oo wax uurku qarsanayey afku qarin kari waayey, isna sidan ayuu wax udhigay “walaalhayga waqooyi(xataa magaca Somaliland ayuuba isdiidsiiyey) ha iska dhaafaan caadifada iyo midnimadana ha soo raacaan” Mala moodaa mid midninada ehel u ah mase la socdaa in aan ilaalino midnimo Somaliland la yidhaa oo aan ku kordhay kuna garaadsanay, xasanaw la jaan qaad jawiga kugu wareegsan iyo jiilka soo koray hadii kale xaalkaagu COLAAD KORORSADE CIILNA KAMA KORE COL UJOOG NOQO,

C/raxmaan Cali-nuur Cabdi

Hargeysa somalilan

Bulshawi82@hotmail.com/ 4410794/9163436

Faafin: SomaliTalk.com | May 26, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;